Booliska Soomaaliya oo garsoorka ka dalbaday in loo fasaxo inay galaan goobaha uu yaallo hubka sharci darrada ah

Xigashada Sawirka, Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed
Ciidanka Booliska Soomaaliya qaybtiisa gobolka Banaadir ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen hub si korotobaan ah lagu soo galiyey dalka.
Sida uu BBC-da u sheegay afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan, hubkan ayaa ah mid cusub oo sheegay in ciidamada ay la socdeen xogtiisa iyagoo la shaqayn ka helay shacabka.
Afhayeenku wuxuu sheegay inta hubkan tiradiisu dhan tahay “Hubku wuxuu gaarayaa ilaa 36 qori oo afar ka mida ay boobayaal yihiin”.
Wuxuu sheegay in hubka ay ka mid ahaayeen bambooyin gacmeed iyo rasaas fara badan oo ah hubka ay qabteen.
Cabdifitaax wuxuu BBC-da u sheegay in 72-dii saacadood ee la soo dhaafay uu socday howlgalka lagu qabanayey hubkan ayna la socdeen in dhowr jiho uu marayey iyo wadooyinka laga kala soo galinayey.
“Dadka kotobaanka ka ganacsada xeelado ay ku dhaqmaan ayaa jira, shixnadda hal mar lama wada qaado, oo qaarba meel ayaa laga soo galiyay, gacan wayn waxaa naga siiyey bulshada meelihii laga soo kala dejiyey la socday oo ciidamada si toosa ula soo xiriirayey, anagoo xuuraansiga iyo bulshadeena kaashanayna waxaan ku guuleysanay inaan gacanta ku soo dhigno hubkaas” ayuu yiri Afhayeen Cabdifitaax.
Taliska Booliska ayaa sheegay in wixii ka danbeeyey qaraarkii ay soo saareen golaha wasiirada Soomaaliya bishii Luulyo ee mamnuucayey ka ganacsiga hubka aan la ogolayn wax uu ugu yeeray afhayeenka boolisku ‘Cir toogte’.

Xigashada Sawirka, SOCAIL
Halka uu ka soo galay hubkan oo BBC-du waydiisay Afhayeenka ayuu ku gaabsaday “ Waa ognahay, marka ma rabo in aan ka hadlo, waa xeelado amniga ku saabsan iyo xeelado ciidan” ayuu yiri Cabdifitaax.
Hubka ay qabteen ciidamada Booliska ayuu Afhayeenka boolisku u sheegay BBC-da inuu ahaa hub ganacsi loogu tala galay “ haddii la rabana khawaariij loo gayn karo” aysanna aqbali doonin in hub laga ganacso.
“Xeer Ilaalinta iyo maxkamadda sharciga u leh ayaan ka codsanaynaa in naloo fasaxo guri kasta inaan galno oo aan ugu shakino inuu hub sharci darro ah yaallo” ayuu yiri Afhayeenka booliska Soomaaliya.
Dowladdu awood la u leedahay inay hubka sharci darrada ah aruuriso

Xigashada Sawirka, Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Booliska Soomaaliya ayaa sheegay inay wadaan wacyi galin ku saabsan sidii dadka hubka gacantooda ku jiro ay ugu wareejin lahaayeen gacanta dowladda.
Hase yeeshee su’aasha u mudan in loo helo jawaabta ayaa ah awoodda ay dowladda Soomaaliya u leedahay inay hubka ku jira gacanta an dowladda ahayn ay dib u hanato?
Jawaabta su’aasha ayaan hor dhignay sarkaal ka tirsan ciidanka Militariga Soomaaliya kaas oo darrajo sarena ka qabtay ciidamada wuxuu BBC-da u sheegay ”Maya, maya maya, qorshahan wad-la-kulan waa iska dhici karaa sida kuwaan oo kale, waddanku wuxuu leeyahay xeeb aad u dheer, xeebahaas oo dhan waxaa ku yaalla meelo doomaha yar yarkaa ku soo xiran karaan, marka haddii dowladdu loogu talla galo kharash, qorshe iyo ciidan gaar u ah ilaa guutooyin, ururo kuwo xeebaha ugaarsada kuwa berriga ugaarsada oo qorshe qorshahan ka beddelan dowladdu u diyaariso wax kaleeto laakin sidan hadda dhacaysa waa shaqsiyaad mar uun lala kulmay wad-lakun weeye” ayuu yir sarkaalkan.
Wuxuu intaa raaciyey in hub ka dhigista dadka ay u baahan tahay qorshe labada dhinacba quseeyo.
Haddii si guud loogu soo jeensado in dadka hubka laga dhigo ayuu Sarkaalkan u sheegay BBC-da inay u baahan tahay in dowladdu qaado waajibaadka amni ee muwaadinka hubka laga dhigayo.
“Ilaa dowladdu damanad qaado dadka ammaankooda iyo nabadgalyadooda iyo xoriyadooda dadku hubka waa haysanayaan” ayuu sarkaalkan u sheegay BBC-da
Isagoo ka hadlayey waayo aragnimada uu u leeyahay sida dadka hubka ugu haystaan inay ammaankooda ku ilaashadaan ayuu yiri “ nin baa waxaa arkaysa waa baahan yahay xoolo ma haysto carruurtiisa waa gaajaysan yihiin qorina waa haystaa laakiin xoolihii buu gadayaa qorigii iskama gadayo naftiisu ku ilaashanayaa” ayuu intaas raaciyey.
Halkee hubka ka soo galaa Soomaaliya?

Xigashada Sawirka, Australian Navy
Sida uu BBC-da u sheegay sarkaalkan ka tirsan militariga Soomaaliya balse magaciisa ka gaabsaday in la sheego ayaa xusay in hubka dalka ugu yimaado dhanka badda iyo berrigaba.
Wuxuu xusay in hubka ugu badan uu Soomaaliya uga yimaado dhanka Yemen, oo uu xeebaha ka soo dego, halka hub aan badnayn uu ka soo galo dhanka soodimaha dhulka.
Wuxuu sheegay in hubka loola soo dago qaab ganacsi oo ay ganacsato kala yimaadaan wadamo xitaa ku yaalla bariga Yurub iyo meelo kale.
Wuxuu intaa ku daray in waayadii danbe Soomaaliya uu soo galay qori nooc ku cusub Soomaaliya.
“ Weliba aniga ogaantay ka bacdina xogo aan helayo ii sheegaan hub waaweyn baa soo gala sida qoryahan Rocketka la yiraahdo, waxa jira qori hadda Soomaaliya soo galgalaya dowladda dhinaceedda wuu soo galay, dhinaca Eritrea ciidamadii imaanyey waxbaa la socday dhinaca Imaraadkana waxbaa ka yimid” ayuu u sheegay BBC-da.
Sarkaalkan wuxuu sheegay in qorigan sidoo kale ay ganacsato dalka keeneen, wuxuu intaa ku daray in xogta uu hayo labo xabo ay soo gaareen dhinaca Gaalkacyo.
Wuxuu sheegay “in qorigan Rocketka la yiraahdo uu u dhaco sida qoriga BM-ka waxaana la saarayaa buu sheegay gawaarida isagoo gaaraya ilaa 8km laba iyo tobban dhuumood uu leeyahay”.
Maxaa laga ogyahay hubka an ku jiran gacan maamul ee yaalla Soomaaliya
Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka daraasaddaha ammaanku muujiyaan in hub xoog leh uu gacan ugu jiro dad an u haysan sharciyad haysasho.
Sarkaalka BBC-da la hadlay ma uma sheegin cadadka hubka inta uu le’egyahay basle wuxuu sheegay inuu ku kala xooggan yahay meelaha uu yaallo ee dalka.
“Hubka Soomaaliya wuu ku kala badan yahay gobolada, wuxuu aad ugu badan yahay shabeelada dhexe, Hiiran, Galmudug ilaa Puntland ilaa waqooyi, hubku aad buu u badan yahay, dadkuna waa hubaysan yahay, wuxuuna ugu kala badan yahay sida colaaduhu ugu kala badan yihiin” ayuu yiri Sarkaalkan ka tirsan Militiga Soomaaliya ee BBC-da la hadlay.
Wuxuu sarkaalkanka tirsan Militiga Soomaaliya intaa ku daray in dalka hubku si xowli ah u soo galo marka Khalkhal yimaado ama khilaafaadyo doorasho yimaadaan.
“Waxaa badanaya ganacsto badan iyo shaqsiyaad badan oo hubka sida dagaal oogayaal u gadanaya bakhaaro u dhiganaya u kaydsanaya” ayuu BBC-da u sheegay.













