Caasha Oomaar Warsame, gabadhii ugu horreysay ee Soomaaliyeed ee cod dadweyne lagu doorto oo geeriyootay

Xigashada Sawirka, X
Magaalada Hargaysa waxaa dhawaan ku geeriyooday Caasho Omaar Warsame oo ahayd gabadhii ugu horreysay ee Soomaaliyeed ee ku guuleeysatay inay xubin ka noqoto golaha deegaanka ee magaalada Hargaysa kadib doorashadii guud ee laga qabtay Soomaaliya sanadkii 1964-tii .
Caasho Omaar Warsame oo da’ahaan jirtay hadda markii ay geeriyoonaysay dhowr iyo sagaashan sano ayaa sidoo kale waxaa ay noqotay qofkii ugu horreeyay ee dumar ah ee siyaasadda Soomaaliya doorashoku soo gasha.
Sida uu BBC-da u sheegay Jaamac Ismaaciil cige (Jaamac shabeel) oo ay dhashay Caasho Omaar Warsame waxaa ay xubin ka ahayd xisbigii hanti wadaaga SPU-da, markii ay ku guuleeystay xubinamada golaha deeganka Magaalada Hargaysa.
Caasha Oomaar waxay ku dhalatay magaalada Hargeysa, gaar ahaan Xaafadda Jameecada oo ahayd xudduntii magaalada, Waxay dhalatay wakhti lagu qiyaasay bartamihii 1930 meeyadii, sida aam ka soo xigannay Boobe Yuusuf Ducaale oo ah qoraa taariikhda wax ka qora.
Waxbarashadeedii bilowga ahayd waxay ku qaadatay Hargeysa, dugsigii dhexe waxay ka gashay Burco halkaasi oo ay ku dhammaysatay.
“Iskuulkii ugu horeeyay ee gabdhaha ee magaalada Burco laga hergaliyay ayay gashay waxaan xilligaas lagaga bixi jiray fasalka 7 oo ay ka gaartay “ ayuu yiri wiilkeeda (Jaamac shabeel) oo BBC-da uga warrmay taariikhdeeda.
Markii dugsigeedii Hoose iyo Dhexe ay dhameeysatay waxaa ay dib ugu laabtay magaalada Hargeysa waxaana ay gashay ururka ‘Women’s Club' oo dumarku ku baran jireen karraaninimada, waxaana xilligasi ay ahayd markii ay Soomaaliya xornimada qaadatay.

Xigashada Sawirka, Jaamac Shabeel
Intii Soomaaliya aysan qaadan xornimada waxaa Caasho Omaar ay qeyb ka ahayd dhaqdhaqaaqii gobanimodoonka Soomaaliya iyada oo markii Soomaaliya ay noqtay dal Madax banaan ku biirtay xisbigii hanti wadaaga SPU-da.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Doorashooyinkii Golayaasha Deegaanka laga qabtay Soomaaliya Sanadkii 1964-tii ayay Caasha Omaar isku sharraxday, waana laga oggolaaday, ayada oo Xisbigii SPU-da ee ay ka tirsanayd uu Hargeysa ka soo sharraxay.
"Saddex murashax oo kale oo wada rag ah ayaa kula tartamayay oo ay ka wada guulaysatay, Iyada oo saddex sannadood ka mid ahayd Golaha Deegaanka ee Hargeysa" ayuu ku yiri Boobe Yuusuf qoraal uu ka qoray taariilkhda Caasha Oomaar.
Intii ay xubinta ka ahayd golaha deeganka magaalada Hargaysa waxaa loo doortay gudoomiyaha arrimaha bulshada ee golaha.
Sadex sano oo ay xubin ka ahayd golaha deeganka magaalada Hargaysa ka dib waxaa ay u guurtay magalada Muqdisho waxaan ay u ololeeysay gabadhii ugu horeeysay ee Soomaali ahoo xildhibaan isku sharaxada sida uu sheegay Jaamac Ismaaciil cige (Jaamac shabeel), taasoo sida uu Jaamac BBC u sheegay ahayd Xaawo cawaale abtidoon (Xaawo Yarey).
“markii aan Xamar u guurnay waxaa ay u ololeeysay gabar xildhibaan rabtay oo Xaawo yareey la dhaho oo ah gabadhii ugu horeeysay ee xildhibaan isku sharxada” .
In muddo ah oo Caasho Omaar ay siyaasadda ku jirtay ka dib waxaa ay ka fariisatay markii xukunka iyo talada dalka ay la wareegeen Ciidankii uu hogaaminayay Jenaraal Maxamed Siyaad Barre.
Caasho Omaar warsame oo taariikha cusub ka sameeysay siyaasadda Soomaaliya waxaa markii ay awoodda dalka ay ciidanku la wareegeen ay sameeysatay ganacsi ay leedahay oo gaar ah.
Jaamac Ismaaciil cige (Jaamac shabeel) waxaa uu sheegay in magaalada Muqdisho ay ku lahayd ganacsi ilaa uu dhacay dagaalkii sokeeye ee ka dhacay waddanka sanadkii 1990-kii.
Dagaalkii sokeeye kadib waxaa ay u guurtay magaalada Hargaysa halkaas oo ay ka dagnayada xaafada Maxamuud Haybe ilaa ay ka geeriyootay.
In kasta oo dumarka Soomaaliyeed ay hadda siyaasadda meel fiican ka gaareen, misna Caasho oomar waxaa ay sameeysay tariikh cajiib ah oo tusaale u noqotay haweenka Soomaaliyeed.













