Maxaa loo xiray xaruntan ilkaha ee Muqdisho ku taal

Xarun Ilko

Xigashada Sawirka, Getty Images

Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegay in albaabada la isugu dhuftay xarun lagu daweyn jiray ilkaha ka dib markii lagu helay dembiyo muujinaya xadgudubyo iyo dhibaato ay u geysteen bukaan u tagay xaruntooda si uu u helo daryeel caafimaad.

Golaha ayaa intaa ku daray in shakhisga dhakhtar ahaanta uga hawlgalayay xarunta uusan ahayn dhakhtar, isla markaana uu haystay shahaadooyin been abuur ah, waxa kale oo la ogaaday in qalabka loo adeegsan jiray daaweynta ilkaha aan la jeermis dili jirin.

Maxkamad ayaa loo gudbiyay kiiska xarunta iyo ninka dhakhtar ahaanta uga hawlgali jiray.

Xoghayaha Guud ee Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka Maxamed Maxamuud Caddow ayaa BBC- faahfaahin ka siiyay kiiska la xiriira xaruntaas iyo sida ay u maareeyaan kiisaska la nooca ah.

Waxa uu sheegay in ay cabasho ka timid dadweynaha oo ay dacwad soo gaartay ka dib markii ay hubiyeen qofkan Meesha loogu soo shaqeeyay xaaladeeda sida ay tahay iyo qofka u shaqeeyay in uu yahay qof diiwaan gashan oo haysta ruqsadii shaqada iyo in xarunta laftigeedu ay tahay mid haysato ruqsadii, intuba waxa ay nqotay mid aan sharciyadii soo marin ruqsadna haysan, "dukumintiyadii ay ku howlgalaayeen markii aan soo hubinay waxa aan soo ogaanay in ay yihiin kuwa been abuur ah" ayuu yiri Caddow.

Qalabkan ayaa la sheegay in laga soo helay xarunta

Xigashada Sawirka, Facebook

Qoraalka sawirka, Qalabkan ayaa la sheegay in laga soo helay xarunta

Wuxuu intaa ku daray in guud ahaan magaalada Muqdisho ay ku soo bateen waxyaabo badan oo baal marsan hab-dhaqanka caafimaadka iyo shuruucdiisa iyo anshaxa caafimaadka intaba oo ay ka mid tahay buu yiri xayeesiino tira badan oo lagu marin habaabinayo bulshada kuwaas oo ay hay'addu kasoo saartay awaamiir iyadoo dab badan oo jabiyay shuruucda laga xiray xarumihii kuwaas oo ay ku jiraan kuwa tallaaba laga qaaday iyo qaar kale oo ay rajeynayaan in maalmaha soo socdo tallaabo laga qaado.

Haddaba maxay tahay hay'addan Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (GMCQ) iyo sabaha ay tallaabooyinakn u qaadeyso,

Hay'adda ayaa ku shaqeeysa Sharci soo maray labada Gole oo madaxweynahuna uu saxiixay kaas oo ah sharci lambar 31 kaas oo sheegaya in xarun caafimaad aysan shaqeyn karin iyadoo aan habraacii soo marin sida in ay diiwaan gelin ka haysato Golaha.

Diiwaan gelintaasi marka la sameyanyo waxa asal u ah qofku in uu keeno lahaanshaha haddii ay tahay isbitaalka gaar loo leeyahay, dadka iska leh dukumintiyadooda iyo in ay soo mareen hubin dhanka amniga ah iyo in dadka ka howlagalayo iyo in qalabkii ay ku shaqeyn lahaayeen ay u dhan yihiin "Marka intaas aan hubino ayaan siinaa ogolaansho ay ku shaqeysan karaan" ayuu yiri mudane Caddow oo intaas ku daray in haddii aysan ogolaanshahaas haysan oo ay shaqo bilaabaan in ay ka dhalan karto cawaaqib sharcigu sheegayo.

Golaha (GMCQ) waxa ay sheegeen in ujeedada howshan loo qabanayo ay tahay in bulshadu ay ku baraarugto in adeegga caafimaadka qofka siinayo uu yahay qofkii loogu talagaly adeeggaas caafimaad in uu bixiyo, Ruqsadna u haysto, isla markaasina xarunta lagu bixinayo adeegyada caafimaad ay tahay xarun u qalanta in adeeggaas caafimaad lagu bixiyo. Xarumihii baalmara intaasna in laga saaro Meesha sida uu sheegay Caddow.

Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegay in xarun lagu daweyn jiray ilkaha albaabada la isugu dhuftay oo la xiray ka dib markii lagu helay dembiyo muujinaya xadgudubyo iyo dhibaato ay u geysteen bukaan u tagay xaruntooda si uu u helo daryeel caafimaad
Qoraalka sawirka, Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (GMCQ)

Waxa aan weeydiinay Xoghayaha Guud ee Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka Maxamed Maxamuud Caddow in ay jiraan kiisaskaasi uu ka hadaly iyo kiisas kale oo ilaa iyo hadda ay maxkamad u gudbiyeen iyo in ay jiraan cid loo xakumay?

Xoghayuhu waxa uu sheegay in xafiiska ay hadda joogaan muddo seddex bilood ah, isagoo sheegay in hay'adda dhismaheeda uu waqti soo qaatay, isagoo dhanka kale sheegay in ay jiraan kiisas horey u dhacay oo la maxkamadeeyay ayna rajeynayaan in ay dardar geliyaan howlihii u socday oo kiiskan iyo kuwa kaleba ay soo bandhigi doonaan.

Waxyaabo la sheegay in xarunta laga soo helay

Xigashada Sawirka, Facebook

Qoraalka sawirka, Waxyaabo la sheegay in xarunta laga soo helay

Sidee xarumaha caafimaadka iyo dadweynuhuba ku helaan xeerarka caafimaad ee Golaha ?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xoghaye Caddow waxa uu sheegay in ay ku gaaraan dadweynaha qaab wacyi gelin ah oo ay u sheegaan hay'addaan waxa ay tahay iyo sida ay u dhisan tahay, gaar ahaan waxa u muwaadinku xaq u leeyahay iyo qofka muwaadiniinta u shaqeynayo waxa laga rabo, wixii qaladaad ah cawaaqibka ka dhalanaya ,sida isagoon shati haysan haddii uu shaqo galo iyo waxyaabaha looga baahan yahay, jaamacadaha soo saaro ardayda caafimaad, manhajka loo baahan yahay in ay ardada baaraan.

" Waxa aan rabnaa in ardadeena dalka wax ku baratay in la jaanqaadaan ardada kale iyo dhaqaatiirta kale ee dunida ka soo baxdo" .

"Hay'adda shuruucdaas iyo nidaamkaas ayaa u qoran bulshadiina wax badan kalama socdaan laakin waxa aan rabnaa in aan aad u baraarujino oo soo kordhino barnaamijyo waaweyn oo ay ka mid tahay "ogow dhaqtarkaada" taas oo la rabo in lagu ogaado dhaqtarkaagu ma yahay dhaqtar sax ah , ma yahay dhaqtar haysta shahaadooyinka loo baahan yahay iyo in jamacadihiisa la soo hubiyo iyo in uu haysto shatigii uu ku howlgeli lahaa.

Caddow ayaa sheegay in laba toddobaad ka hor ay qabteen kulan ay iskugu keenayaan isbitaalada gaarka loo leeyahay iyo xirfadlayaasha caafimaadka oo aan kaasoo looga hadlayo shuruucda iyo anshaxa loo baahan yahay iyo qaabka uu u soo bandhigo adeegga caafimaadka iyo waxa ka reeban.

"Waxaa jira wax badan oo dadka ay caadi ka dhigeen laakinse aan caadi ahayn, waxa aan rabnaa si tartiib ah bal in aan wacyigaas kor ugu soo qaadno ilaa aan iskala jaanqaadeeyno oo aan iskugu imaaneeyno in meesha aan u socono aan wax ka qabanno".