Dhakhtar doonayey inuu soo bandhigo xirfadiisa suuxinta laakinse lagu eedeeyey inuu dilay bukaannadii

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dhakhtar hore oo ku takhasusay suuxinta bukaanka ayaa maxkamad lagu soo taagay magaalada Besancon ee bariga Faransiiska, isagoo lagu eedeeyay inuu si ula kac ah u sumeeyay 30 qof oo ay ku jiraan 12 bukaan oo dhintay.
Frédéric Péchier, oo 53 jir ah, oo ay asxaabtiisu u arkeen inuu yahay dhakhtar karti sare leh, ayaa markii ugu horreysay la geliyey baaritaan siddeed sano ka hor, markii looga shakiyay inuu sumeeyay bukaanno ku jiray laba rug caafimaad oo ku yaalla magaalada intii u dhaxeysay 2008 iyo 2017.
In kasta oo eedeymo culus lagu soo oogay, Mr Péchier waxa uu sii haystay xorriyaddiisa, iyada oo ay kormeerayaan garsoorka, waxana uu u sheegay raadiyaha Faransiiska Isniintii in aanay jirin "wax caddayn ah oo muujinaya wax sun ah".
Dhageysiga dacwadda ayaa socon doonta in ka badan 3 bilood, waxaana ka qeyb qaadanaya in ka badan 150 dhinac oo rayid ah oo matalaya 30-ka dhibanayaasha ah ee lagu eedeeyay.
Eedeymaha la xiriira suntan ayaa soo baxay bishii Janaayo 2017, markii bukaan 36 jir ah oo lagu magacaabo Sandra Simard, oo caafimaad qabta, qaliin looga sameeyay laf dhabarta, ka dibna uu wadnaheedu joojiyay garaaca.
Ka dib markii takhtarka gargaarka degdega ah uu ku guul darreystay inuu soo nooleeyo, Frédéric Péchier ayaa ku duray cirbad, ka dibna bukaanka koomo ayuu galay wayna badbaadday. Daawooyinka xididdada laga qaato ee lagu daweynayey waxay muujiyeen in xaddiga potassium ee jirkeeda uu 100 jeer la badan yahay qiyaasta la filan karo, waxaana qaylo dhaan loo gudbiyey dacwad oogayaasha deegaanka.
"Dhacdo kale oo halis ah", oo khuseysa nin 70 jir ah, ayaa dhacday maalmo gudahood, markii Mr Péchier uu sheegay in uu helay saddex kiish oo xirnaa oo paracetamol ah, kuwaasoo la furay ka dib markii gabi ahaanba bukaanka la suuxiyey.
Mr Péchier waxa uu sheegay in wakhtigaas la maagayey, balse dhawr toddobaad ka dib ayaa la geliyey baadhitaan rasmi ah.
Mid ka mid ah qareennada Mr Péchier ayaa sheegay inuu sugayey siddeed sano si uu ugu dambeyntii u caddeeyo inuusan wax dambi ah lahayn, takhtarkaas hore ee suuxinta ayaa u sheegay idaacadda RTL Isniintii inay fursad u tahay inuu wixii caddaymo ah miiska saaro.
"Markii aan tagay ka dib, wali waxa dhacay dhacdooyin xun xun, iyo wadno-xannuun, sagaal kale ayaa xaaladdan oo kale laga soo sheegay" ayuu yiri isagoo la hadlayey raadiyaha RTL.
Baarayaasha ayaa markaa eegay dhacdooyin kale oo halis ah oo soo taxnaa ilaa 2008, oo ku saabsanaa bukaanno da'doodu u dhaxayso afar ilaa 89, labada xarumood ee daryeelka caafimaadka ee uu ka soo shaqeeyay Besançon - Franche-Comté Polyclinic iyo Saint-Vincent Clinic.

Xigashada Sawirka, X
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sannadkii 2009, saddex bukaan oo aan lahayn taariikh cudur wadne ayaa lagu khasbanaaday in suudin laga soo kiciyo, dhakhtarka Franche-Comté Polyclinic, intii lagu jiray qalliimo yaryar.
Laba iyo toban kiis oo shaki leh ayaa la helay oo ku lug leh bukaanno aan dib loo soo kicin karin, oo ay ku jiraan dhowr aan la sharixi karin.
Damien Iehlen wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyey ee geeriyooday bishii Oktoobar 2008. 53 sano ayuu jiray, wuxuuna aaday xarunta caafimaadka ee Saint-Vincent si loogu sameeyo qalliin caadi ah oo kelyaha ah, wuxuuna dhintay ka dib markii wadnuhu istaagay. Baaritaanno ayaa markii dambe shaaca ka qaaday in la siiyay qiyaas khatar ah oo halis ah oo ah dawada lidocaine.
"Waa wax laga naxo. Ma qiyaasi kartid saameynta ay ku yeelatay qoyskeyga," gabadhiisa Amandine ayaa u sheegtay warbaahinta Faransiiska. "Waa wax aan la malayn karin inay tani dhici karto iyo in dad aad u badan ay saameeyeen sannado badan, laga bilaabo 2008 ilaa 2017".
Frédéric Péchier wuxuu ka yimid qoys xirfadlayaal caafimaad ah; Aabihii sidoo kale wuxuu ahaa suuxiye.
Dacwad oogayaasha ayaa ku doodaya in uu wax ku daray dawooyinka xididdada laga qaato si uu u sababo in wadnuhu istaago, taasoo uu uga gol-lahaa inuu ka aargoosto asxaabtiisa shaqada. Waxay sheegeen inuu ahaa qof ku lug kiis walba dhammaan kiisaska sumowga.
Maxkamadeynta ayaa lagu wadaa in ay sii socoto illaa bisha Diseembar, eedaysanuhuna waxa uu sii ahaan doonaa mid aan xirnayn oo dibadda jooga, iyada oo garsoorka uu isha ku hayn doono. Haddii lagu helo dambiga waxa uu muteysan doonaa xabsi daa'in.













