Dhegeyso: Muxuu yahay kansarka borostaatada ee laga helay Joe Biden?

Qoraalka Codka, Madaxweynihii hore ee Maraykanka Joe Biden, oo 82 jir ah, ayaa laga helay kansarka qanjirka borostaatada.
Dhegeyso: Muxuu yahay kansarka borostaatada ee laga helay Joe Biden?

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Joe Biden, oo 82 jir ah, ayaa laga helay kansarka qanjirka borostaatada, kaasoo ku faafay lafihiisa, sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiskiisa Axaddii.

Biden, oo xafiiska ka tagay bishii Janaayo, ayaa xanuunkan laga helay Jimcihii ka dib markii uu arkay dhakhtar toddobaadkii hore isagoo isku arkay calaamado la xiriira kaadida oo isa soo tarayay.

Kansarkan waa nooca ugu daran cudurka, oo lagu garto dhibcaha Gleason waana 9 ka mid ah 10. Tani waxay la macno tahay jirradiisa waxaa loo kala saaraa "heer sare" unugyada kansarku si dhaqso ah ayay u faafi karaan, sida laga soo xigtay Cancer Research UK.

Haddaba waa maxay cudurkan? Waxaan ka wareysannay Dr Aweys Cabdullaahi Sheekh oo ku takhasusay baaritaannada burooyinka iyo kansarka, kana howl-gala Isbitaalka Recep Tayyip Erdogan oo hore loo oran jiray Digfeer, ee magaalada Muqdisho.