Wax ka ogow noocyada ugu badan kansarka ee ka jira Soomaaliya iyo sababaha loo maleynayo

Kansarka

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Fatuma Maalim
    • Role, BBC Somali, Nairobi

Maalinta Kansarka Adduunka ayaa la xusaa maanta oo kale 4 Febraayo, si dadka looga wacyi-geliyo xanuunkan looguna dhiirri-geliyo ka hortaggiisa, baaritaankiisa iyo daaweyntiisa. Hal ku dhigga sanadkan oo ah "waxaa na mideeyay wax gaar ah", ayaa diiradda lagu saraayaa ahmiyadda ay leedahay daryeelka xanuunka oo lagu saleeyay shakhsiga iyo bukaanka.

Soomaaliya oo ka mid ah meelaha xanuunkan la tacaaliddiisa iyo daryeelka bukaannada qaba aan inta badan la heli karin, dadkuna ay dibadaha u raadsadaan daaweyntiisa, ayaa baaritaanno hore loo sameeyay waxaa lagu ogaaday in nooca ugu badan ee dalka ka jira uu yahay kan dhuunta ku dhaca, waxaana soo raaca kan naasaha iyo kan beerka.

Dr Aweys Cabdullaahi Sheekh oo ku takhasusay baaritaannada burooyinka iyo kansarka, kana howl-gala Isbitaalka Recep Tayyip Erdogan oo hore loo oran jiray Digfeer, ee magaalada Muqdisho ayaa BBC u sheegay in inta badan dadka ay baaritaanka burooyinka u yimaadaan isbitaalkaas, sidaasna lagu ogaado noocyada kansar ee dalka.

"Saddexdaas nooc ayaa ah kuwa la dhihi karo dhibaato amaba aafo ayay ku hayaan Soomaaliya," ayuu yiri.

Dhaqtarka oo daraasad aan weli la daabicin ka sameeyay sababta noocyadan kansar ay ugu badan yihiin Soomaaliya ayaa sheegay in 10 sano kahor aysan Soomaaliya lahaan jirin xarumo lagu baaro kansarka oo ay dadku dibadda u aadi jireen.

Balse dhanka la tacaaliddiisa ayuu sheegay inay dhibaato ka jirto. "Waxaa jira xarumo ilaa 10 gaaraya oo badankood Muqdisho ku yaalla. Balse dhanka la tacaalidda ma jirto xarun lagu daaweeyo kansarka oo la dhihi karo wax walba waa u dhammeystiran yihiin," ayuu yiri.

Wuxuu dhaqtarku sheegay in la tacaalidda xanuunka ay dadku u aadaan dibadda, gaar ahaanna dalalka Hindiya iyo Turkiga.

Dr Aweys

Xigashada Sawirka, DR AWEYS

Kansarka dhuunta oo sida uu Dr Aweys sheegay ah kan ugu badan ee ku dhaca dadka Soomaaliya ku nool, waa kansar ku dhaca qeybo ka mid ah dhuunta amaba qeybta codka.

Inkastoo buro walba aysan kansar ahayn, dhaqtarka ayaa dadka kula taliyay inay baaritaan caafimaad si degdeg ah u raadsadaan haddii ay isku arkaan wax kuusan oo dhuunta kasoo baxa.

Calaamadaha ugu badan ee noocan ayay dhaqaatiirtu sheegeen inay ka mid yihiin buro kuusan oo dhuunta kasoo baxda (inkastoo buro walba aysan kansar ahayn), dhego xanuun, barar, isbeddel codka ah, qufac daran oo dhiig uu la socdo, miisaankaaga oo dhaca bilaa sabab iyo xanuun dhuunta ah mararka qaar.

Mala ogyahay waxa sababay in kansarka dhuunta uu noqdo kan ugu badan ee Soomaaliya ka jira?

Kansar

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dr Aweys ayaa sheegay in aan si rasmi ah loo ogeyn sababta keentay in noocan kansarka uu yahay kan ugu badan ee dalka ka jira, balse ay jirto daraasad uu haatan arrintaas ka sameynayo.

"Maaddaama aan la yaabay dadka badan ee laga helayo noocan kansarka ayaan ka sameeyay daraasad. Ma jirto sabab rasmi ah laakiin waxyaabo qofka khatar u gelin kara ayaa jira," ayuu yiri.

Dhaqtarka ayaa sheegay in Soomaalida ay aad u isticmaalaan shaaha kulul iyo cuntada kulul, kuwaasna ay yihiin waxyaabaha qofka laga yaabo inay u keenaan xanuunkan.

"Sidoo kale qaadka iyo tubaakada ayaa ka mid ah, inkasta oo ay u baahan yihiin baaritaan," ayuu dhaqtarku intaa ku daray.

Fakradda ah in cabitaannada iyo cunnada aadka u kulul ay sababaan kansarka dhuunta ma aha wax cusub. Waxaa jira dhowr daraasad oo laga sameeyay arrintan, inkastoo qaarkood ay u baahan yihiin in aad loo sii baaro.

Daraasad lagu daabacay Joornaalka Caalamiga ah ee Kansarka ayaa lagu sheegay in dadka daraasadda ka qeyb qaatay ee jecel in shaahooda ay ku cabaan heerkul ka sarreeya 60C (140F) ay khatar sare ugu jireen kansarka dhuunta, marka loo barbar dhigo kuwa shaahooda ku caba heerkul ka hooseeya 60C.

Qaar ka mid ah gobollada dalka ayuu dhaqtarku sheegay inay yihiin kuwa ugu badan ee ay ka yimaadaan dadka laga helo kansarka dhuunta, sidoo kalena gobolka Banaadir ay jiraan tiro dad ah oo xanuunka laga helay.

Kansarka naasaha

Kansarka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Kansarka ku dhaca naasaha ayaa kamid ah noocyada ugu khatarta badan, waxaana guud ahaan dunida ka jira in ka badan 2.2 milyan kiis, sida ay muujinayso xogta hay'adda caafimaadka adduunka (WHO) ee sanadkii 2020.

Waxaa la saadaaliyay in mid kamid ah 12-kii dumar ah uu ku dhici doono xanuunka oo kamid ah kuwa sababa dhimashada ugu badan.

Sanadkii 2020, ku dhawaad 685,000 oo haween ah ayaa dunida ugu geeriyooday kansarka naasaha.

Soomaaliya ayay dhaqaatiirtu sheegeen in kansarkan yahay kan ugu badan ee haweenka ku dhaca isla markaana dhimashada sababa.

Kansarka beerka

Kansarka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Kansarka beerka, waa nooc ka mid ah kansarka ku dhaca unugyada beerka ee sababa in beerku uu si xad-dhaaf ah u weynaado.

Wuxuu noqon karaa mid heerka hore ku jira, oo micnaheedu yahay inuu beerka ka billowday, amaba midka labaad, oo micnaheedu yahay inuu ku faafay beerka isagoo kasoo billowday qeybaha kale ee jirka.

Kansarka beerka ayaa waxaa calaamadihiisa ka mid ah daal iyo daciifnimo, xanuun dhanka xuddunta ah, barar dhanka xuddunta ah oo ay sababtay dheecaan ka buuxsamay.