Muxuu ahaa ninka ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh ee ay sirdoonka Soomaaliya sheegeen inay dileen?

NISA

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dileen maskaxdii ka dembaysay weerarkii qaraxa ahaa ee lagu weeraray Madaxweyne Xasan Sheekh bishii March.

Hawlgal wadajir ah oo ay fuliyeen Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA iyo saaxiibbada caalamiga ah oo ka dhacay deegaanka Ugunji ee Shabeellaha Hoose ayaa lagu sheegay inay lagu dilay Maxamed Cabdi Dhiblaawe Afrax, oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan al-Shabaab, sida ay shaacisay dowladda.

Ninkan ayay sidoo kale NISA ku sheegtay warbixinteeda inuu lahaa magacyo badan oo kale oo ay ka mid ahaayeen sida Khaalid Dheere, Khaalid Dacas, Macallin Siciid, Timajilac, iyo Maxamed Sahal.

Dhiblaawe ayaa lagu aqoonsaday inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarkii 18-kii Maarso, 2025 ka dhacay isgoyska Ceel-gaabta ee lagu beegsaday kolonyada Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud xilli uu ku socday garoonka diyaaradaha.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in weerar dhanka cirka oo galinkii dembe ee shalay dhacay lagu dilay ka dib weerar si saxa loo bartilmaameedsaday oo lagu qaaday gaari nooca loo yaqaan Noah oo uula socday isaga iyo xubno kale oo ka tirsan kooxda al-Shabaab.

NISA, ayaan bixin faahfaafin dheeri ah oo ku saabsan howlgalka iyo waxqabadkii hoggaamiyahan waxayna sheegtay in dib laga soo bandhigi doono.

Sidee wax u dhaceen 18-kii Maarso?

NISA

Xigashada Sawirka, Reuters

Waxay ahayd xilli duhurnimo ah oo kolonyada galbinaysay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamed ay ka soo baxeen madaxtooyada Soomaaliya iyagoo ku sii jeeday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde markii qarax lala eegtay xilli uu marayey isgoysa Ceel-gaabta oo an sidaasi ugu fogayn madaxtooyada Soomaaliya.

ku dhowaad toban qof, oo badankood ay rayid ahaayeen ayna ku jireen weriyeyaal

Qaraxa oo ay sababtay miino lagu aasay waddada aadda madaxtooyada, ayaa dhacay xilli madaxweynuhu kasii baxayay magaalada kuna sii jeeday ciidamada dagaalka kula jira al-Shabaab ee ku sugan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Wax dhib ah sooma gaarin madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa markaas ka dib gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo uu ku booqday ciidanka dagaalka kula jira al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu booqday deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey mas'uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle iyo saraakiisha ciidamada qaranka.

Saaxiibbada caalamiga ayaa cambaareeyey beegsiga kolonyada madaxweynaha iyagoo falkaasi ku tilmaamay mid xun.

Duqeymaha cirka iyo dagaalka lagula jiro al-Shabaab

NISA

Xigashada Sawirka, Reuters

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaaa guluf xooggan ku qaadday kooxda al-Shabaab billowgii muddo-xileedkiisa labaad iyadoo dhanka kale dadka deegaannada ay bilaabeen dagaallo ay la galeen kooxda.

Al-Shabaab ayaa dagaalladaas ku lumisay billowgii deegaanno badan oo ay horrey u maamulayeen oo ka mida gobolada Hiiraan, Shabeellada Dhexe, iyo Galgaduud.

Dagaalada oo dib u dhac ku yimid ayaa mar kale kooxda alshababa u suura gashay inay dib u qabsadaan degmooyin iyo deegaano horrey looga saaray oo ay ka mid yihiin Aadan Yabaal, Maqokori, Maxaas iyo deegaanno kale oo ka kala tirsan gobolada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Dowladda Soomaaliya ayaa dib sidoo kale al-Shabaab ugu saartay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose iyadoo ay barbar socdeen duqaymo ay geysanayeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa saaxiibadeeda Caalamiga kuwaas oo lagu dilay hoggaamiyaal badan oo ka mida kooxda al-Shabaab.

Duqaymaha ayey dowladda Soomaaliya sheegtay inay yihiin kuwo sax ah oo lagu beegsado saraakiil ka tirsan kooxda sida horraan BBC-da ugu sheegay wasiiru dowladaha gaashaandhigga Soomaaliya Cumar Cali Cabdi.

"Duqeymaha waa bartrilmaameed, waxaa wada dowladaha aan saaxiibka nahay ee beesha caalamaka, anagana waxaan ku hageynaa halka ay joogaan, waxa uuna ka dhacay Shabeellaha dhexe, Shabeelaha hoose iyo Jubada hoose, waana sii wasdeynaa. Meel kasta oo ay joogaana bartilmaameed ayey noo yihiin." Waxaa sidaa BBC uu dhowaan u sheegay wasiiru-dowlaha gaashaandhigga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi.

Dalal ka mid ah kuwa darista la ah Soomaaliya sida Itoobiya iyo dalalka Turkeyga, Maraykanka iyo Imaaraadka ayaa ka mid ah dalalka ka caawiya Soomaliya dhanka duqaymaha Cirka sida uu wasiir Cumar sheegay.

Duqeymaha cirka waxay ka mid yihiin istiraatiijiyad dagaal oo badan oo Maareykanku ka fuliyo dhulka Soomaaliya, waxaana loogu talagalay in lagu joojiyo awoodda kooxa iyo in la yareeyo khataraha ka imaanaya weerar toos ah. Mareykanku duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya waxa uu qaybiyay laba nooc oo kala ah duqeymo qorsheysan iyo kuwa difaac ah.

Mar aan weydiinnay wasiirka in ay jiraan dad rayid ah oo waxyeello ka soo gaartay duqemaha waxa uu sheegay in aysan taasi jirin oo ay dacaayad tahay.