Fari tog bay kula xushaa: Fadeexad noqon karta tii ugu weynayd ee Soomaalida qurbajoogta ah la soo deristay oo weli socota

Laba ka mid ah dadka la soo eedeeyey

Xigashada Sawirka, Sahan Journal

    • Author, Abdishukri Haybe
    • Role, Weriye BBC

Dacwad-oogayaasha federaalka ah ayaa bishii September ee sanadkii 2022 soo bandhigay eedeymo ciqaabeed oo ka dhan ah 47 qof oo ay ku eedeeyeen in ay xadeen ku dhawaad $250 milyan oo dollar, taasoo ka timid barnaamij gargaar dowladda dhexe ah oo loogu talagalay in lagu caawiyo carruurta oo la siiyo cuntada ay u baahan yihiin intii lagu jiray xilliggii cudurka COVID-19.

Balse intaas uun kuma ekaan ee tiradda dadka qaybta ka ahaa xatooyadan ayaa ku dhow 100 qof, kuwaas oo dadka ugu badan ay yahiin Soomaali.

Bishii Agoosto ee lasoo dhaafay Cabdicasiis Faarax oo kamid ahaa dadka ku lugta leh barnaamijkan ayaa lagu xukumay 28 sanno oo xabsi ah.

Cabdicasiis Faarah iyo kooxdiisii waxaa sida la sheegay ay si khiyaano ah ku heleen, si khaldan u adeegsadeen, dhaceen lacago $40 milyan oo dollar ah oo ka yimid sanduuqa federaalka ee barnaamijka nafaqeynta carruurta loogu talo galay.

Isla afarta bishaan September sida ay qortay Waaxda Cadaaladda Maraykanka walaalka Cabdicasiis Faarax oo lagu magacaabo Axmednaaji Macalim Aftin Sheekh, oo 28 jir ah, deggana dalka Kenya, ayaa isna lagu soo oogay dacwad ah in uu qayb qaatay keydinta iyo lacagahaha sharci darada ah ee caalamiga ah.

Axmed naaji Sheekh wuxuu noqday eedeysanaha 74-aad ee lagu soo oogay kiiskan, kaasoo ah khiyaanooyinka ugu waaweyn ee la xiriira COVID ee ka dhacay dalka Mareykanka, sidoo kalena noqonaysa fadeexadi ugu weynayd ee taariikh ahaan Soomaalidu qurbahu qayb ka noqonayso iyaga oo isku xidhan.

Sida ay sheegtay waaxda cadaaladdu Cabdicasiis iyo Axmednaaji waxay is dhaafsan jireen farriimo qoraalo ah, bishi July 2021 Cabdicasiis ayaa Axmednaaji u diray farriin odhanaysa "Waxaad noqonay doontaa 25 sano jirkii ugu taajirsanaa". Tusaale ahaan bishii Agoosto ee sanadkii 2021 Cabdicasiis ayaa u diray sawir muujinaya 138,000 oo doolar oo kaash ah.

Waxaa lagu sheegay in Axmednaaji Sheekh uu ka caawiyay Cabdicasiis Faarax in uu saami ku yeesho shirkad dhismayaasha ka shaqaysa oo ka howlgasha Kenya, halkaasna sidoo kale uu guri ka iibsaday Cabdicasiis magaalada Nairobi iyo dhul ku yaala magaalada Mandhera ee xadka dhacda.

Isla bishii Agoosto ee lasoo dhaafay Waaxda Cadaaladda ayaa sheegtay in sadex qof oo kale ay qirteen in ay qayb ka ahaayeen fadeexadda xatooyada barnaamijkan carruurta lagu quudinaayay.

Sawir gacanta lagu sawiray oo muujinaya Cabdicasiis Faarax oo aynaya xilli uu maxkamadda hortaagnaa.

Xigashada Sawirka, Cedric Hohnstadt

Qoraalka sawirka, Sawir gacanta lagu sawiray oo muujinaya Cabdicasiis Faarax oo aynaya xilli uu maxkamadda hortaagnaa.
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxayna kala ahaayeen, Mahad Ibraahim 46 sanno jir ah, Xamdi Xuseen Cumar 29 sano jir ah, iyo Hibo Saalax Daar 51 sanno jir ah.

Mahad wuxuu qirtay dambiga 24-kii Luulyo, 2025, halka Xamdi iyo Hibo ay iyaguna qirteen dambiga 1-dii Agoosto, 2025, dhammaantoodna waxay hortageen Maxkamadda Federaalka Mareykanka ee Garsoore Nancy E. Brasel. Dhagaysiyada xukunka ayaase mudayn doonaa waqti dambe.

Guud ahaan, ururka Feeding Our Future ayaa furay in ka badan 250 goobood guud ahaan gobolka Minnesota, waxayna si khiyaano ah ku heleen kuna qaybiyeen in ka badan $240 milyan oo dollar oo ka yimid Sanduuqa Barnaamijka Nafaqada Carruurta ee dowladda Maraykanka. Eedeysanayaashu waxay lacagta ay si sharci-darro ah ku heleen u isticmaaleen inay ku iibsadaan gaadiid raaxo ah, guryo iyo dhismayaal ganacsi oo ku yaal Minnesota, iyo sidoo kale hanti ku taalla gobollada Ohio iyo Kentucky, iyo hanti ku taal waddamada Kenya iyo Turkiga, iyo in lagu maalgeliyo safarro caalami ah.

Sawir muujinaya astaanta Waaxda Cadaaladda Maraykanka

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Sawir muujinaya astaanta Waaxda Cadaaladda Maraykanka

Hoggaamiya barnaamijkaan oo la sheegay in ay ahayd Aimee Bock iyo la eedaysane Saalim Saciid oo Soomaali ah ayaa lagu cadeeyay in ay ku lug lahaayeen barnaamijkan xatooyada lacagaha ah.

"Aimee Bock iyo Salim Siciid waxay ka faa'iideysteen faafitaanka cudurka Covid-19 si ay u fuliyaan khiyaano ballaadhan oo ay ku lunsadeen lacago loogu talagalay in lagu quudiyo carruurta," sidaas waxaa tidhi Ku-simaha Xeer Ilaaliyaha Guud ee Mareykanka, Lisa D. Kirkpatrick.

"Eedeysanayaashu si been ah ayay u sheegteen in ay bixiyeen 91 milyan oo cunto ah, taas oo ay si khiyaano ah ugu heleen ku dhowaad $250 milyan oo ah lacag federaal ah. Lacagtaas carruur laguma quudin. Waxaa halkii loogu talagalay loo adeegsaday nolol raaxo leh oo ay iyagu ku naaloodaan.

Muna Wacays

Xigashada Sawirka, X

Dadkii ugu danbeeyay ee barnaamijkaan qaybta ah waxaa kamid ah Muna Waceys Fidhin, oo 44 sanno jir ah, laguna soo oogay dacwad ka kooban toban qodob, kuwaas oo ay ka mid yihiin: saddex dacwadood oo ah khiyaano xidhiidh oo lacago lagu dhacay ayadoo la dirayo (Wire Fraud), afar dacwadood oo la xidhiidha musuq-maasuq barnaamijyada federaalka, iyo saddex dacwadood oo ah lacago sharci daro ah (Money Laundering), sida uu ku dhawaaqay ku-simaha Xeer Ilaaliyaha Guud ee Mareykanka, Joseph H. Thompson.

Muna waxay noqotay eedeysanihii 75-aad ee lagu soo oogo kiiskan, kaas oo ah kiiska ugu weyn ee khiyaano la xidhiidho lacagihii Covid-19 ee dalka Mareykanka. Waxaana la xidhay tii Bishan Siteembar.

Ku-simaha Xeer Ilaaliyaha Guud, Joseph H. Thompson, ayaa yidhi:

"Markii eedeysane 75-aad lagu soo oogay fadeexadda Feeding Our Future, fariintu si cad bay u muuqataa."

"Feeding Our Future waa mid ka mid ah khiyaanooyinka badan ee dawladda lagu sameeyay ee aan baaritaankooda wadno. Haddii aad si kasta ugu lug lahayd khiyaanooyinkan, maanta la xiriir FBI-da. Waa lagugu qaadi doonaa tallaabo sharci ah, laakiin waxay adiga kuu noqon doontaa mid kaa roon haddii aad nala soo xiriirto inta aanan albaabka kugu garaacin".

Sida ay qortay waaxda cadaaladda ee Maraykanka: Feeding Our Future waxay ahayd hay'ad aan faa'iido doon ahayn, oo sheegatay in ay ka shaqeyso caawinta hay'adaha bulshadu leedahay si ay uga qayb qaataan Barnaamijka Cunnada Carruurta ee Federaalka.

Aimee Bock, oo maxkamad lagu helay dambiga isla markaana xukunkeedu sugayo, waxay ahayd aasaasaha iyo agaasimaha guud ee Feeding Our Future.

Kahor intii aanu bilaaban faafitaanka cudurka Covid-19, Feeding Our Future waxay ahayd hay'ad yar oo aan faa'iido doon ahayn, taas oo kafaala qaadi jirtay ka qaybgalka xarumaha xanaanada iyo barnaamijyada dugsi-danbeedka ee Barnaamijka Cunnada Carruurta ee Federaalka.

Laga bilaabo qiyaastii Abriil 2020, Feeding Our Future waxay si weyn u kordhisay tirada goobaha ay kafaala qaadayso, iyo sidoo kale qadarka lacagaha barnaamijka cuntada ee federaalka ee ay goobahaasi helayeen.

Sanadkii 2019, Feeding Our Future waxay heshay oo u qeybisay goobaha ay kafaala qaadayay lacag dhan $3.4 milyan, balse sanadkii 2021 tiradaasi waxay kor ugu kacday ilaa ku dhowaad $200 milyan.