Biyo xireenka Itoobiya: Ma horumar xagga tamarta ah baa mise khilaaf hor leh oo u dhaxeeya dalalka uu wabiga Niil maro

Itoobiya

Xigashada Sawirka, Reuters

Itoobiya ayaa si rasmi ah u daah-furtay biyo-xireenka ugu weyn ee korontada ee Afrika. Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed, oo ay weheliyaan William Ruto oo Kenya ka socda iyo Ismaaciil Cumar Geelle oo ka socda Jabuuti, ayaa xarigga ka jaray.

Hoggaamiyeyaasha ayaa markii dambe booqasho la hagayay ku tegay biyo-xireenka, kaas oo ku fadhiya kayd aad u weyn, laguna dhisay lacag dhan shan bilyan oo doollar, soona socday muddo afar iyo toban sano ah.

Guba oo galbeedka Itoobiya ku taalla, kuleyl daranna uu ka jiro, ayaa waxaa isugu yimid madaxda Afrikaanka ah iyo marti-sharaf ajaanib ah oo goob joog ka ahaa mashruuc socday in ka badan toban sano oo laga shaqeynayay.

Guud ahaan dalka, dadweyne aad u fara badan ayaa isugu soo baxay waddooyinka, iyagoo lulaya calamo, farxadna ay ka muuqatay, iyagoo daawanayay furitaanka mashruucan.

Inkasta oo uu Donald Trump ku andacoodey in Washington ay dhaqaale ahaan ku taageertay dhismaha biyo-xireenka, Addis Ababa waxay ku adkaysanaysaa in si buuxda looga maalgeliyey gudaha. Dad badan oo Itoobiyaan ah oo ay colaado naafeeyeen, wuxuu u yahay waqti naadir ah oo midnimo qaran ah.

Waddamada wadaaga biyaha wabiga Niil, oo ay ku jiraan Masar iyo Suudaan, ayaa biyo-xireenka u arka khatar jirta, iyaga oo ka digaya in uu yarayn karo helitaankooda biyaha.

Itoobiya

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Abiy Axmed ayaa gaashaanka u daruuray sheegashada Masar ee ah in mashruucan khatar ku yahay biyaheeda

Itoobiya oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan qaaradda oo ay ku nool yihiin 120 milyan oo qof, ayaa muhiim u aragta biyo-xireenka magaciisa loo soo gaabiyo (GERD) oo ku kacay $5 bilyan oo doollarka Maraykanka ah, kaas oo laga dhisayo marinka webiga Nile oo udub dhexaad u ah hammigeeda ku aaddan horumarinta dhaqaalaha.

Laga bilaabo 2011kii, korontada biyo-xireenka waa in ay kor u kacdaa 5,150 MW ayna kor uga kacdaa 750-ka MW ee ay haatanba soo saarayaan.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in Itoobiya ay tamarta uga faa'ideysan doonto sidii ay dadka Itoobiya u heli lahaayeen koronto, iyadoo sidoo kalena loo dhoofin doono gobolka intiisa kale.

"Dadkayga qiimaha lahow, taariikhdu waa mid aan maqalnay, mid aan maqalnay, mid aan aragnay iyo mid aan barannay, maanta se Ilaahay waxa uu qaddaray oo uu jiilkan la damcay in uu ku simo oo iyagu ay taariikh samaynaan. Biyo-xireenkani, keliya taariikh uma ah dadka Itoobiyaanka ah, laakiin waa guul u soo hoyatay ummadaha madow.

Waa taariikh uu ka warrami karo keliy mid arkay. Ma qeexi karo qof looga sheekeeyay iyo mid muuqaalkiisa daawaday. Waan awoodnay, waanan sii wadaynaa. Shan sano gudahood in aan qabanno xaddi biyo ah oo dhan 74 trillion miter cupic, waa taariikh aan si dhib yar loo xaqiijin karin."

Deriska Itoobiya, ayaa si kastaba, siyaabo kala duwan usoo dhoweeyay mashruucan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ah madaxda lagu casuumay munaasabaddan ayaa sheegay in Itoobiya xaq ay u leedahay inay raadiso farxad iyo barwaaqo.

"Shirkan keliya nooma aha guusha hal mashruuca oo keliya, balse waa mas'uuliyad wada-jir ah oo aan dhammaanteen wada sidno. Biyaha iyo kheyraadka dabiiciga ahi xudduud kuma xirna, wayna ka gudbaan waxayna isku xiraan mustaqbalkeenna iyo nasiibkeennaba. Marka aan ka hadleyno horumarka gobolka waa inaan uga hadalnaa si aan tartan ahayn.

"Aragtida Soomaaliya waa mid cad. Waa xasiloonida iyo barwaaqada wada-jirka ah oo ay ku xiran yihiin in la hubiyo in dal walba dareemo in la walwalkiisa la maqlay danihiisana la ilaaliyay." Ayuu yiri.

Itoobiya

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Maxay Masar ka qabtaa?

Masar, oo iyadu dhisatay biyo xidheenka sare ee Aswan ee webiga Niil 1960-meeyadii, waxay ka cabsi qabtaa in GERD uu xaddido biyaha xilliyada abaarta, ayna horseedi karto in la dhiso biyo-xireenno kale oo korka ah.

Billowgiiba waxa ay si ba'an uga soo horjeesatay biyo-xireenka,iyaga oo ku doodaya in uu jabinayo heshiisyadii biyaha ee jiray xilligii gumaystihii Ingiriiska uuna sababayo khatar jirta.

Masar, oo ay ku nool yihiin ilaa 108 milyan, waxay ku tiirsan yihiin webiga Niil ilaa 90% biyaha macaan.

Masar waxay sii wadi doontaa inay si dhow ula socoto horumarka ka socda Niilka Buluugga iyo "inay gudato xaqa ay u leedahay inay qaaddo dhammaan tallaabooyinka ku habboon si ay u difaacdo oo ay u ilaaliso danaha dadka Masar", afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar Tamim Khallaf ayaa sidaa Isniintii u sheegay wakaaladda wararka Reuters.

Suudaan waxay ku biirtay baaqyada Masar ee ah in heshiisyo sharci ah lagu fuliyo buuxinta biyo xidheenka iyo ka shaqayntiisa, laakiin waxaa kale oo ay ka faa'iidaysan kartaa maaraynta fatahaadaha iyo helitaanka tamar jaban.

Mawqifka Qaahira waxa uu taageero ka helay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump intii uu xilka hayay. Trump waxa uu sheegay in ay tahay xaalad khatar ah, Qaahirana ay ku kallifi karto "qarxinta biyo xireenkaas", balse maamulkiisu waxa uu ku guuldarraystay in uu heshiis ka gaaro mashruucan, kaas oo sanado badan oo wada-hadallo ah aan wax heshiis ah laga gaarin.

Itoobiya

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Qoraalka sawirka, Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Masar Abdel-Fattah el-Sisi

"Ma aha khatar"

Iyada oo ku adkaysanaysa in horumarinta mashruucani yahay mid xaq dawladeed ah, ayay Itoobiya hore ugu dhaqaaqday hirgelintiisa. Sanadkii 2020-kii, waxa ay billowday buuxinta kaydka oo wejiyo loo qeybiyay iyada oo ku doodday in biyo-xireenku aanu si weyn u waxyeellayn doonin waddamada kale.

"Biya-xireenka ma aha khatar, laakiin waa fursad la wadaago," Abiy ayaa sidaa u sheegay baarlamaanka bishii Luulyo. "Tamarta iyo horumarka uu dhalin doono keliya kor uma qaadayo Itoobiya."

Cilmi-baaris madax-bannaan ayaa muujisay in illaa hadda, aan la diiwaan-gelin carqalado waaweyn oo ku yimid qulqulka biyox-reenka- qayb ahaan waxaa sabab u ah roobab wanaagsan iyo buuxinta taxaddarka leh ee kaydka xilliyada roobka muddo shan sano ah.

Dalka Itoobiya, oo ay soo food saartay colaado hubaysan oo gudaha ah oo sanado badan socday, una badan kuwo ku saleysan qawmiyad, GERD waxa uu noqday isha midnimo qaran, ayuu yiri Magnus Taylor oo ka tirsan ururka xasaradaha caalamiga ah.

"Fikirka ah in Itoobiya ay awood u leedahay in ay biyo-xireen ka sameysato dhulkeeda...oo aysan Masar dabada ka riixin, waa arrin ay inta badan Itoobiyaanku aqbali doonaan," ayuu yiri.

Baanka dhexe ee Itoobiya ayaa bixiyay 91% dhaqaalaha mashruucan, halka 9% ay Itoobiya ku maalgelisay iibka boon iyo hadiyado, iyada oo aan wax kaalmo shisheeye ah la helin, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Kaydka biyo-xireenka ayaa ku fatahay dhul ka weyn London, kaas oo ay dawladdu sheegtay in laga helayo biyo joogto ah iyo korontada biyaha iyadoo la xaddidayo fatahaadaha iyo abaaraha.

Itoobiya

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Itoobiyaanka reer- miyiga ah, si kastaba ha ahaatee, waxaa laga yaabaa inay sugaan wax yar si ay uga faa'iidaystaan korontada dheeraadka ah: kaliya kala bar iyaga ayaa hela korontada uu dalka intiisa kale helo.

Inkasta oo xiriirka Masar iyo Itoobiya ee biyo-xireenka uu xumaaday sanadkii hore, haddana wuu ka sii dari karaa, ayuu yiri Matt Bryden oo ka tirsan hay'adda cilmi-baarista ee Sahan Research.

Qorshaha Itoobiya oo aan bad lahayn oo ay ku doonaysay inay badda ku hesho iyada oo u sii maraysa cadawgeedii hore ee Eritereeya ama Soomaaliya ayaa Masar ku kalliftay inay hoosta ka gasho Asmara iyo Muqdisho.

Diblomaasiyadda istaraatiijiyadeed ee Masar keliya ma quseyso isticmaalka biyaha Niilka laakiin sidoo kale waxay taabaneysaa isticmaalka Badda Cas, taas oo mid aan si cad loo aqbali karin u ah Addis Ababa, ayuu yiri Bryden.