Itoobiya oo Masar kaga adkaatay biyaha webiga Nile iyo biyo-xireenkeeda awoodda badan

Xigashada Sawirka, AFP/Getty Images
Ka dib markii ay Itoobiya kaga guulaysatay Masar dhinaca diblomaasiyadda muddo ka badan toban sano, waxay hadda u diyaar garowday inay si rasmi ah u furto mid ka mid ah biya-xireennada ugu waaweyn caalamka, kaas oo laga dhisay faraca Webiga Nile, taasoo meesha ka saaraysa heshiiskii xilligii gumaysiga ee Ingiriisku ugu damaanad qaaday Masar in ay hesho badi biyaha wabigaasi.
Biya-xireenka — oo laga dhisay Wabiga Nile ee Buluuga ah kuna kacay qiyaastii shan bilyan oo doollar iyadoo kaydkiisu qiyaastii la eg tahay cabbirka magaalada London ayaa horseeday in uu kor u kaco dareenka waddaninimada Itoobiya, taasoo mideysay ummad si weyn ugu kala qaybsan qowmiyado iyo khilaafaadna ka dhaxeeyo.
"Itoobiyaanku way isku khilaafi karaan sida loo cuno canjeerada [cuntadooda dhaqanka ah], balse way ku mideysan yihiin biya-xireenka," ayuu u sheegay BBC-da Moses Chrispus Okello, oo ah falanqeeye ka tirsan Machadka daraasaadka amniga ee fadhigiisu yahay Koonfur Afrika.
"Uma arkaan in uu yahay shub wabiga laga dhex dhigay, balse waxay u arkaan inuu yahay astaan muujinaysa guushooda, sababtoo ah Itoobiyaanka gudaha jooga iyo kuwa qurbaha ku suganba waxay si toos ah u maalgelinayeen dhismaha biya-xireenka. Waxaa jiray ololeyaal isdaba joog ah oo lagu ururinayey tabarucaad markii dhismuhu bilaabmay sannadkii 2011.
"Dowladdu sidoo kale waxay soo saartay heshiisyo amaah ah (bonds), kuwaasoo ay iibsadeen shirkado iyo shaqaale. Sidaas darteed, dareenka ah in dhammaan Itoobiyaanku leeyihiin biya-xireenka si weyn ayuu u kordhay, furitaankiisuna wuxuu noqday sharaf weyn oo qaran," ayuu yiri Mr. Okello.
Waxaa loogu magacaabay magaca Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD), waa xarunta koronto-dhalinta ugu weyn Afrika, taasoo kor u qaadday rajada ah in aysan kaliya daboolayn baahida tamarta ee shacabka 135 milyan ah ee Itoobiya, balse sidoo kale ay siin doonto dalka 'awood tamareed" iyo in ay kordhiso dakhliga laga helo lacagaha qalaad (, ayuu intaas ku daray falanqeeyaha.
Itoobiya ayaa qorshaynaysay inay kordhiso iibka korontada ee dalalka deriska la ah sida Kenya iyo Jabuuti, iyadoo sidoo kale hiigsanaysa inay dhisto shabakad gudbisa korontada oo ka tallaabaysa Badda Cas si ay koronto uga iibiyaan dalalka Bariga Dhexe sida Sacuudi Carabiya ayuu yiri.
Laakiin Masar, biyo xireenku wuxuu uga dhigay si ka soo horjeeda Itoobiyaanka oo uu u yahay rajooyinka iyo himilooyinkooda.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxay ka welwelsan tahay in biya-xireenka uu si weyn u yareyn karo qul qulka biyaha ee dalka, taasoo keeni karta biyo yaraanta.
"Qiyaastii 93% Masar waa lamadegaan, an inta badan dad degganay, dhammaanteen, 107 milyan oo qof, waxaan ku noolnahay Wabiga Nile," ayuu yiri Prof. Abbas Sharaky, oo ah khabiir cilmiga dhulka ka faallooda oo ka tirsan Jaamacadda Qaahira, isagoo la hadlay BBC.
"Ilbaxnimada Masar waxa lagu dhisay wabiga Niil, wabiga Niil waa nolosheenna" ayuu sii raaciyay. Aqoonyahanku waxa uu ka digay in "sabolino biyaha" ay uga sii dari karto Masar sababtoo ah biyo xidheenka.
"Waxay kaydinaysaa 64 bilyan oo mitir cubic ah, biyaha oo inta badan u soo qulqula Masar, tani waa khasaare aad u weyn oo nagu dhacday, celcelis ahaan saamigeena sannadkii waa 55.5 bilyan cubic mitir, ma hayno ilo kale oo biyo ah, laakiin wabiga Niil," ayuu yidhi Prof Sharaky.
Waxa uu intaa ku daray in Gerd uu kaydiyo "qiyaastii labanlaab xadiga biyaha ah ee biyo xireenka Three Gorges ee Shiinaha, kaas oo ah biyo-xidheenka ugu weyn adduunka ee soo saarista korontada".

Xigashada Sawirka, Office of Ethiopia's Prime Minister
Fekahmed Negash, oo hore uga mid ahaan jiray wadahadallada Itoobiya ee arrimaha Gerd, ayaa BBC u sheegay in inkasta oo cadaadis dublamaasiyadeed oo aad u weyn iyo xitaa hanjabaado dagaal oo Masar ka yimid ay jireen ay Itoobiya ku adkaysatay qorshihii ay ku dhisaysay biyo-xireenka maadaama uu muhiim u yahay baahiyaheeda horumarineed.
Tan waxaa ka mid ah bixinta koronto qiyaastii 60% dadka Itoobiyaanka ah ee aan haysan adeegga korontada, hase yeeshee wuxuu xusay in tani aysan fududayn doonin maadaama loo baahan doono in la dhiso shabakad gudbisa koronto oo dhex mara dalka oo dhan, oo ah dhul dhagax iyo buuraley ah.
Prof Sharaky ayaa sheegay in inkasta oo webiga Blue Nile uu yahay "wabi caalami ah" haddana Itoobiya waxay qaadatay go'aan "mid dhinac ah" si ay u dhisto biyo-xidheenka - arrin ay ku guulaysatay oo kaliya sababtoo ah Masar waxaa xilligaas ku dhuftay kacdoon, taasoo keentay in xukunka laga tuuro Hosni Mubaarak.
"Masar waxay ku jirtay xaalad aad u xun, madaxweyne la'aan, ciidankeenana waxay ku mashquulsanaayeen gudaha dalka," ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in dalka ku yaalla waqooyiga Afrika uu hadda qaaday tallaabooyin uu ku raadinayso ilo kale oo biyo ah - oo ay ku jiraan dhisidda warshadda adduunka ugu weyn ee nadiifinta biyaha iyo qodista in ka badan 5,000 oo ceel.
Egypt had also been forced to make changes to its agriculture sector - for instance, by reducing the area for rice cultivation, which is water-intensive, from around two million acres to one million acres, the academic said.
Masar ayaa sidoo kale lagu qasbay inay isbeddel ku sameyso qaybteeda beeraha - tusaale ahaan, waxay yaraysay aagga beerashada bariiska, oo ah mid biyo badan u baahan, laga soo bilaabo qiyaastii laba milyan oo acres ilaa hal milyan oo acres , ayuu yiri aqoonyahanka.
"Haddii aad kaydiso 64 bilyan oo mitir kuyuubik oo biyo ah oo Masar ku qulquli jiray, miyaanay dhibaato geysanayn?" Prof Sharaky ayaa xusay, isagoo meesha ka saaray sheegashada Itoobiya ee ah in dalka ku yaalla Waqooyiga Afrika uusan saameyn xun ku yeelan doonin biyo xireenka.
Mr Fekahmed ayaa BBC-da u sheegay in Itoobiya aysan dib ugu soo laaban doonin waagii Masar loo dammaanad qaadayay xaddi gaar ah oo biyo ah, balse ay mar walba u furan tahay wadahadallo la xiriira sii deynta biyaha iyo badqabka biyo xireenka.

Xigashada Sawirka, EPA
Rashiid Cabdi, oo ah falanqeeye ka tirsan hay'adda Cilmibaarista Sahan ee fadhigeedu yahay Kenya, ayaa sheegay in dhammaystirka Gerd uu calaamad u yahay dhammaadka heshiiskii Ingiriiska — oo xilligaa ahaa awood gumeysi oo sanadihii 1920-meeyadii Masar logu damaanad qaaday ku dhawaad 80% biyaha Wabiga Nile.
"Ingiriisku wuxuu taas u sameeyay si uu Masar u qanciyo, una ilaaliyo danihiisa, waayo Masar waa dawlad istiraatiji ah oo maamusha kanaalka Suweys, oo ah albaabka laga galo Yurub," ayuu Cabdi u sheegay BBC-da.
"Laakiin Itoobiya hadda waxay soo bandhigaysaa awood, halka Masar hoos u dhacayday. Waxay lumisay maqaamkii ay ku lahayd webiga Niil," ayuu yiri.
Wax uu Mr. Okello ku tilmaamay "tallaabo siyaasadeed oo xirfad leh", ra'iisul wasaarihii Itoobiya waqtigaas Meles Zenawi ayaa sanadkii 2011 ku dhawaaqay qorshe uu si fudud ugu bixiyay "Mashruuca X", taasoo bilaw u noqotay geeddi-socod sababay in Masar ay lumiso "awoodda veto" ee ay ku lahayd isticmaalka biyaha Wabiga Nile.
"Masar waxay si weyn ugu ololaysay in hay'adaha sida Bangiga Adduunka aysan maalgelin dhismaha biya xireenka. Tani waxay xoojisay go'aanka dowladda Itoobiya, waxayna bilowday dadaal weyn oo ay dhaqaale uga uruurinayso muwaadiniinteeda," ayuu yidhi.
"Sidaas darteed Itoobiya waxay lacag ka heshay ilo gudaha ah oo kala duwan, iyo sidoo kale qaaraan yar oo ay bixisay Urur Goboleedka IGAD. Hadii sidoo kale ay ilo kale ka heshay lacago, markaa tani si weyn loogama hadlo," ayuu Mr Okello ku daray.

Xigashada Sawirka, EPA
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dooday in Maraykanku si "caqli xumo ah" u maalgeliyay dhismaha biya-xireenka, isla markaana uu si weyn u yareeyo qul qulka biyaha ee Wabiga Nile, taasoo ka tarjumaysa welwelka Masar — oo ah saaxiib xooggan oo Maraykanka ah.
Itoobiya ayaa sheegashadiisa ku tilmaantay "been abuur", iyadoo ku adkaysay in dhismaha biya-xireenka uu ahaa mid ay si igu maalgaliyeen.
Okello ayaa sheegay in Trump muddo xileedkiisii kowaad uu isku dayey inuu dhexdhexaadiyo heshiisa ku saabsan biyo xireenka laakiin Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, oo ku guuleystay biladda Nabadda ee Nobel Peace Prize oo ku mutaysay dhamaynta colaadii dalkiisa kala dhaxaysay Eritrea ayaa ka baxay markii ay dareemeen in Madaxweynaha Maraykanku uu la saftay Masar.
"Trump wuu niyad jabay. Wuxuu rabay Abaalmarinta Nabadda ee Nobel-ka, laakiin kaliya abiy ma helin taas, man siin Trump heshiisa ama midood" ayuu yiri Okello.
Kahor xafladda furitaanka Gerd ee Talaadada, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty, ayaa sare u qaaday hadallada dowladdisa ee ka dhanka ah biya-xireenka, isagoo sheegay in badqabka biyahu ay yihiin "khad cas" isla markaana biya-xireenku uu yahay "halis jiritaan" oo ku wajahan dalka Waqooyiga Afrika.
Si kastaba ha ahaatee, Prof Sharaky ayaa meesha ka saaray suurtagalnimada in Masar ay dagaal la gasho Itoobiya.
"Waa alaalaheen. Waxaan ka cabnaa biyo isku mid ah. Wabiga Nile wuxuu ka soo burqadaa iyaga," ayuu yiri, isagoo intaa ku daray in Masar ay sii wadi doonto dadaallada lagu xallinayo khilaafka iyada oo loo marayo wadahadal.
Mr. Fekahmed ayaa sheegay in Masar aysan u adeegsan karin duqeyn biya-xireenka Gerd maadaama ay taasi ay ku noqon lahayd "is-dilid" dalka – iyo sidoo kale Suudaan oo xuduud la leh Itoobiya – sababtoo ah dhammaan biyaha xireenka ayaa soo burqanaya ama fatahaya oo "burburin doona" labada waddan.
Khabiirka cilmiga dhulka ee Masar ayaa muujiyay cabsida laga qabo in Itoobiya ay u adeegsato biyo-xireenka si ay u isticmaasho "awood ciidan", gaar ahaan Suudaan - oo ah xulafo istiraatiiji ah oo muhiim u ah Masar - iyadoo Wabiga Niilka Buluuga iyo Niilka Cad ay ku kulmayaan Khartoum.
"Haddii ay jirto xiisad ama colaad u dhexeeya Itoobiya iyo Suudaan, Itoobiya waxay burburin kartaa Suudaan iyada adeegsanaysa biyo xireenkam hub iyo diyaarado la'aan," ayuu yiri Prof Sharaky.
Waxa uu sidoo kale kor u qaaday walaac ah in Gerd uu bilaabi karo "nidaam cusub oo dhulgariirro ah,"
"Haddii aad keydiso 64 bilyan oo mitir cubic ah oo biyo ah, waxay la micno tahay 64 bilyan oo tan oo culeys ah, taasoo lagu hayo meel ay ku badan yihiin dhagaxaan foolkaane ah, jeex jeex badan leh iyo dillaaca dhulka ee ugu weyn adduunka — dillaaca Bariga Afrika — oo ah mid firfircoon," ayuu yiri Prof Sharaky.
Itoobiya ayaa horay u sheegtay in daraasado la sameeyay ay muujinayaan in walaaca Masar uu yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn, islamarkaana biyo xireenka uu ka fog yahay meelaha u nugul dhulgariirka.
Haddaba Itoobiyaanku uma badna in Masar ay niyaddooda hoos u dhigto oo waxay isku isu diyaariyaan in ay u dabbaal-degaan furitaanka biyo-xidheenka oo ay diiradda saaraan yoolkooda soo socda ee ah in ay dib u helaan badda cas, taas oo ay Itoobiya lumisay markii ay Ereteriya xorriyadda qaadatay 1991-kii.

Xigashada Sawirka, Office of Ethiopia's Prime Minister
Todobaadki hore ayuu ra'iisul wasaaraha Itoobiya sheegay in ka tanaasulida badda cas ay tahay khalad berito la sixi doono.
"Arrinta dekeddu ma aha wax laga xishoodo intaa ka dib. Aragtida caalamkuna waa mid cad — ma jiro waddan weyn oo an lahayn gaaritaan dekad , waana in arrintan lagu wajaho wadahadal," ayuu yiri Abiy.
Eritrea ayaa hadalladiisa ku tilmaantay "hanjabaad khatar ah oo aan laga fiirsan", iyada oo ay jiraan cabsi laga qabo in xiriirka u dhexeeya labada dal — kuwaas oo dagaal xuduudeed oo ay ku dhinteen tobanaan kun ku dhex maray dabayaaqadii 1990-meeyadii — uu markale sii xumaanayo.
Mr. Okello ayaa sheegay in xumada waddaniyadeed ee ka dhex jirta Itoobiyaanka ee ku aaddan biya-xireenka ay ay bilaabanayso in laga dhex arko ololaha badda cas.
"Itoobiya way dhistay biya-xireenka, inkastoo ay caqabado jireen," ayuu yiri.
"Hadda waxay rabtaa inay hesho marin badeed, isla markaana dhisto ciidan badeed. Ma cadda sida ay taas ku samayn doonto, balse Itoobiya waxay isku aragtaa qaran weyn, mana jiraan quruumo badan oo weyn oo aan marin badeed lahayn."













