Israa'iil oo burburisay dabaqii labaad ee ugu dheeraa Qasa iyadoo weerarka ay ku hayso Magaalada uu sii xoogeysanayo

Qasa

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Milateriga Israa'iil ayaa burburiyey dhismo dabaq dheer ah oo ku yaalla Magaalada Qasa, waana dhismihii labaad oo weyn oo ay bartilmaameedsadaan muddo laba maalmood gudahood ah.

Wasiirka Difaaca Israel, Israel Katz, ayaa bartiisa X, ee horrey loo oran jiray Twiter, soo dhigay muuqaal muujinaya burburka dhismaha, isagoo ku qoray: "Waan sii wadeynaa."

Ciidamada Difaaca Israel (IDF), oo ballaarinaya howlgaladooda gudaha Qasa, ayaa sheegay in Dhismaha Sussi Tower ay isticmaaleysay Xamaas – balse kooxda hubeysan ayaa beenisay arrintaas.

Weli lama caddayn tirada khasaaraha ka dhashay weerarka, ka hor duqeyntii Sabtidii, Israa'iil ayaa mar kale warqado ku daadisay si ay ugu baaqdo Falastiiniyiinta in ay u guuraan aagga ay ugu yeerto "aagga bani'aadantinimo" ee ku yaalla koonfurta.

Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada, afhayeenka IDF ee luuqada Carabiga Avichay Adraee, ayaa ku booriyay dadka deegaanka inay "ku biiraan kumannaanka qof ee horay u aaday" al-Mawasi - oo ah aag u dhexeysa Khan Younis iyo xeebta.

IDF ayaa marar badan ku dhiirigelisay dadka rayidka ah inay u guuraan halkaas, iyagoo sheegay in halkaas ay ka heli karaan daryeel caafimaad, biyo iyo cunto la siin doono.

Si kastaba ha ahaatee, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in xerooyinka teendhooyinka ah ee Al-Mawasi ay yihiin kuwo buux dhaafay oo aan ammaan ahayn, isbitaallada koonfurtana ay buux dhaafeen.

Talaadadii, shan caruur ah ayaa lagu dilay al-Mawasi iyagoo saf ugu jira biyo. Goob joogayaal ayaa sheegay in ay duqeysay diyaarad aan duuliye lahayn oo Israa'iil leedahay, dhacdadaas oo ay IDF sheegtay in dib loo eegayo.

Qasa

Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dhismaha Sussi Tower waa kii labaad oo dabaq dheer ah oo la burburiyo laba maalmood gudahood. Jimcihii, muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay Mushtaha Tower oo ku yaalla xaafadda al-Rimal ee magaalada Qasa, isagoo dumaya kadib qarax weyn oo ka dhacay salka dhismaha.

Ciidamada Difaaca Israa'iil ayaa sheegay in la qaaday tallaabooyin taxaddar ah si looga hortago waxyeello soo gaarta dadka rayidka ah, kuwaas oo ay kamid yihiin "digniino horudhac ah oo la siiyay shacabka" iyo isticmaalka "hub sax ah oo bartilmaameedkiisu yahay mid gaar ah".

Laakiin Falastiiniyiinta ayaa sheegay in qoysas barakacayaal ah ay ku sugnaayeen Mushtaha Tower xilligii la beegsaday. Afhayeenka hay'adda difaaca rayidka ee Qasa, Mahmud Bassal, ayaa ku eedeeyay Israa'iil in ay fulinayso "siyaasad barakicin qasbi ah"

Sawirrada laga qaaday dayax-gacmeedka ayaa muujinaya in dhowr xaafadood oo ka mid ah magaalada Qasa ay si buuxda u burbureen, kaddib duqeymo iyo dumin ay fulisay Israa'iil bishii la soo dhaafay.

Dhismayaasha dabaqyada ah ee deegaan iyo ganacsiba ee magaalada Qasa waxay astaan u ahaayeen bog muhiim ah oo ka mid ah taariikhda magaalada – kuwaas oo la xiriiray rajada dadka Falastiiniyiinta ay ka qabeen dhammaadka qabsashada Israa'iil iyo dhismaha dawlad madax-bannaan oo Falastiini ah.

Kobaca dhismayaasha dabaqyada badan – kuwa ka badan shan dabaq – waxay bulaabeen kaddib saxiixii heshiisyadii Oslo ee 1993, kuwaas oo oggolaaday in tobanaan kun oo Falastiiniyiin ah ay dib uga soo laabtaan qurbaha kuna soo laabtaan Qasa iyo qaybo ka mid ah Daanta Galbeed.

Markii Israa'iil ay ka baxday inta badan Qasa sanadkii 1994, dhismaha dabaqyo dhaadheer ayaa noqday mid lama huraan ah si loo dejiyo dadkii dib u soo laabanayey.

Maamulka Falastiiniyiinta ayaa dhiirrigeliyay maalgelinta ballaaran ee kaabeyaasha dhismaha, iyada oo xaafado dhammaystiran loogu magac daray dabaqyadaas.

Ra'iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa ku dhawaaqay in Israa'iil ay damacsan tahay in ay la wareegto guud ahaan Marinka Qasa, kaddib markii wadahadalladii dadbana ee xabbad-joojinta iyo sii deynta maxaabiista ee ay la lahaayeen Xamaas ay burbureen bishii Luulyo.

Qaramada Midoobay ayaa qiyaastay in ku dhowaad hal milyan oo qof ay wali ku sugan yihiin Magaalada Qasa, halkaas oo bishii hore lagu dhawaaqay in macaluul ka jirto. Waxay ka digtay "masiibo" soo socota haddii weerarku sii socdo.

Milatariga Israa'iil ayaa Qaza ka bilaabay olole ay kaga jawaabayaan weerarkii ay Xamaas hogaaminaysay ee lagu qaaday koonfurta Israa'iil 7-dii October 2023, kaas oo ku dhawaad 1,200 oo qof lagu dilay, 251 kalena lagu qafaashay.

Tan iyo markaas, ugu yaraan 63,746 qof ayaa lagu dilay weerarrada Israa'iil ee Qasa, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas maamusho.

Wasaaraddu sidoo kale waxay sheegtay in ilaa hadda 367 qof ay u dhinteen cunto-yari iyo nafaqo-darro la xiriirta dagaalka.