Ururka ugu weyn dunida ee daraasaadka xasuuqa: "Israel waxay buuxisay shuruudaha sharci ee xasuuq ka dhacay Qasa"

Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images
Ururka Caalamiga ah ee baara Xasuuqyadaee magaciisa loo soo gaabiyo (IAGS) ayaa soo saaray qaraar saddex bog ka kooban, kaas oo uu ku muujinayo tallaabooyin badan oo uu sheegay in Israa'iil ay qaaday muddadii 22-ka bilood ahayd ee dagaalladu socdeen, kuwaas oo uu ururku u aqoonsaday inay yihiin isir-tir qowmiyadeed (genocide), dambiyo dagaal, iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha.
IAGS waa ururka ugu weyn ee caalami ah ee khubarada baara xasuuqa, wuxuuna ka kooban yahay cilmi-baarayaal badan oo khibrad u leh xasuuqii Yuhuudda ee Holocaust.
Ururku wuxuu leeyahay 500 xubnood, balse kaliya qiyaastii rubuc (28%) ayaa codeeyay, waxaana inta badan (86%) codbixiyeyaashaasi ay ogolaadeen qaraarka.
Qaraarku wuxuu si kooban u muujinayaa siyaasadaha iyo ficillada Israa'iil, oo ay ka mid yihiin weerarro baahsan oo lala beegsaday shaqaalaha iyo xarumaha nolosha muhiimka u ah, sida caafimaadka, gargaarka iyo waxbarashada.
Waxa uu sidoo kale xusay in in ka badan 50,000 oo caruur ah la dilay ama lagu dhaawacay weerarrada Israa;iil sida ay sheegtay hay'adda Qaramada Midoobay ee carruurta, UNICEF taas oo saameyn ku yeelatay awoodda dadka reer Qasa inay ugu sii noolaadaan bulsho ahaan iyo inay dib u tartami karaan.
Qaraarka wuxuu sidoo kale muujiyey in madaxda Israel ay taageereen in si khasab ah looga masaafuriyo dhammaan shacabka Falastiin ee Qasa, iyadoo Israa'iil ay burburisay guryo badan oo ku yaalla dhulkaas.
Ururka ayaa xusay hadallo ay jeediyeen madaxda Israa'iil oo muujinaya in Falastiiniyiinta Qasa laga dhigay "dad aan bini'aadam ahayn", iyadoo dhammaan dadka deggan Qasa lagu tilmaamay "cadow", iyo ballanqaadyo ay sameeyeen sida in Qasa "dhulka lala simayo".
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa'iil ayaa sheegtay in warbixinta IAGS ay ku saleysan tahay "been ay faafisay Xamaas" iyo cilmi-baaris liidata, waxayna ku tilmaantay wax "ceeb ku ah xirfadda sharciga". Afhayeen u hadlay ayaa intaas ku daray in Israa'iil lafteedu ay tahay dhibbane loo geystay xasuuq.
Israa'iil marar badan ayay beenisay in ficilladeeda Qasa ay yihiin xasuuq iyo isir-tir ah, waxayna sheegtay inay yihiin tallaabooyin is-difaac ah.

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Khubarrada IAGS, waxay caddeeyeen in weerarkii Xamaas ee dhacay 7-dii Oktoobar 2023-kii oo lagu dilay ku dhowaad 1,200 qof, laguna afduubtay 251 kale , laakiin jawaabta Israa'iil aysan ku ekaan Xamaas oo keliya, hase-yeeshee si toos ah u beegsatay dhammaan shacabka Qasa.
Heshiiskii Qaramada Midoobay ee Xasuuqa ee la ansixiyey 1948, kaddib xasuuqii Yuhuudda ee Nazi-ga Jarmalka, ayaa xasuuqa ku qeexaya inuu yahay dambiyo lagu galo "niyad ah in la dabar-gooyo gebi ahaan ama qayb ahaan koox qaran, qowmiyad, jinsi ama diin gaar ah".
Hay'adaha xuquuqul insaanka ee waaweyn, oo ay ku jiraan labo Israa'iil ah, ayaa iyaguna sheegay inay rumeysan yihiin in Israa'iil ay geysaneyso isir-tir.
Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ), oo ah tan ugu sarreysa ee Qaramada Midoobay, ayaa hadda baaraysa dacwad ay Koonfur Afrika ka gudbisay Israa'iil sanadkii 2023, taasoo sheegaysa in Israa'iil ay geysanayso xasuuq isir-tir ah. Maxkamaddu weli go'aan kama gaarin arrintaas, waxaana ay siisay Israa'ii illaa Janaayo 2026 si ay uga jawaabto eedaha.
Israa'iil waxay ku tilmaantay dacwadda mid huwan "nacayb ka dhan ah bulshada Israa'iiliyiinta ah ".
IAGS waxay sheegtay in qaraarkooda aanu wax saameyn ah ku yeelanayn dacwado kasta oo maxkamado caalami ah loo gudbiyo.
Isniintii, Wasaaradda Caafimaadka ee hoos tagta Xamaas ayaa sheegtay in 63,557 qof lagu dilay, 160,660 kalena lagu dhaawacay tan iyo markii dagaalku bilowday. Tiradaas ayaa si weyn loo tixgeliyaa, inkastoo aysan kala saarin rayid iyo dagaalyahanno.
Bishii Agoosto, hay'adda QM taageerto ee IPC ayaa xaqiijisay in macaluul ka jirto qaybo ka mid ah Qasa. Israa'iil ayaa lagu eedeeyey in macaluusha ay sababtay, iyadoo si joogto ah u xannibeysay cunto iyo gargaar caafimaad oo la' gayn lahaa Qasa.













