'Waxay bukaannada ku toogteen sariiraha' – BBC oo maqashay xasuuq ka dhacay isbitaalka Suweida

Xigashada Sawirka, BBC / Jon Donnison
- Author, Jon Donnison
- Role, BBC News, Suweida City, Syria
Ciidamada dowladda Suuriya ayaa lagu eedeeyay in ay xasuuq ka geysteen isbitaal xilli ay socdeen iska horimaadyo diimeed oo dhacay wax yar ka hor.
BBC-da ayaa booqatay Isbitaalka Qaranka ee Suweida, halkaas oo ay shaqaaluhu sheegeen in bukaannada lagu dilay waadhyada ay jiifeen.
Digniin: Sheekadan waxaa ku jira faahfaahinno rabshad
Urta ayaa i saaqday wax kasta oo kale ka hor.
Meesha baabuurta la dhigto ee cisbitaalka weyn ee magaalada Suweida, daraasiin meydad ah oo qurmay ayaa lagu safay bac cad cad.
Qaarkood way furan yihiin, waxaana ka muuqanaya barar iyo googo'a haraaga kuwii halkan lagu dilay.
Dhulka cagahayga hoostiisa waa dufan lagu simbiriirixan karo oo dhiig leh.
Cadceedda oo aad u kulul iyo urta xad-dhaafka ah ayaa is qabsatay.
"Waxay ahayd xasuuq," Dr Wissam Massoud, oo ah dhakhtarka neerfaha ee isbitaalka, ayaa ii sheegay.
"Ciidanku waxay halkan yimaadeen iyagoo leh waxay doonayeen inay nabad keenaan, balse waxay dileen dad badan oo bukaan ah oo isugu jiray kuwo aad u yar iyo kuwo aad u weyn."
Horraantii toddobaadkan, Dr Massoud waxa uu ii soo diray muuqaal uu sheegay in uu ahaa mid si degdeg ah u dhacay duullaankii dowladda.
Halkaa, naag ayaa ku tusi doonta agagaarka cisbitaalka. Dhulka waadhadhka waxaa yaal tobannaan bukaan oo dhintay oo weli ku dhex jira go'yaashooda sariirta oo dhiig leh.

Xigashada Sawirka, BBC / Jon Donnison
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Qof kasta oo halkan jooga, Dhakhaatiirta, kalkaaliyeyaasha caafimaadka, mutadawiciinta ayaa sidaas oo kale leh.
Fiidnimadii Arbacada ee la soo dhaafay, ayay ahayd markii ciidamada dowladda Suuriya ay bartilmaansadeen bulsho-diimeedka Druze ka soo jeeda kuwaas oo yimid isbitaalka oo dilka geystay.
Kiness Abu Motab, oo si iskaa wax u qabso ah uga shaqeeya isbitaalka, ayaa ka hadlay dhibbanayaasha: "Waa maxay dambigooda? Ma keliya inay ahaayeen dad laga tiro badan yahay oo dal dimuqraaddi ah ku sugan?"
"Waa dambiileyaal. Kuma kalsoonin haba yaraatee," Osama Malak oo macallin Ingiriiska dhiga oo magaalada jooga ayaa iigu sheegay bannaanka albaabka isbitaalka.
"Waxay madaxa ka toogteen wiil yar oo siddeed jir ah," ayuu yiri.
"Sida uu qabo sharciga caalamiga ah, isbitaallada waa in la ilaaliyo, laakiin waxay nagu soo weerareen xitaa gudaha isbitaallada.
"Waxay galeen cisbitaalka, waxay bilaabeen inay toogtaan qof walba, waxay ku toogteen bukaannada sariirahooda iyagoo hurda."
Dhammaan dhinacyada dirirtu dhexmartay ayaa midba midka kale ku eedeynayay in uu gabood-fallo ka geystay.
Labada dagaalyahan ee Bedouin iyo Druze iyo sidoo kale ciidamada Suuriya ayaa lagu eedeeyay inay dileen dad rayid ah iyo dilal sharciga ka baxsan.
Ilaa hadda ma jiro sawir cad oo ku saabsan waxa ka dhacay isbitaalka. Qaar ayaa halkan ku qiyaasaya tirada dadka la dilay Arbacadii inay dhaaftay in ka badan 300 oo qof balse tiradaas lama xaqiijin karo.
Habeennimadii Talaadada wasaaradda difaaca ee Suuriya ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay ka warqabto warbixinnada "xadgudubyada naxdinta leh" ee ay gaysanayaan dadka xiran dharka milatariga ee magaalada Suweyda oo ay u badan yihiin bulshada Druze.
Horraantii toddobaadkan, Raed Saleh, Wasiirka Maareynta Musiibooyinka iyo Gurmadka Degdegga ah ee Suuriya, wuxuu ii sheegay in eedeymo kasta oo ku saabsan gabood-fallada ay geysteen dhammaan dhinacyada si buuxda loo baari doono.
Gelitaanka magaalada Suweida ayaa si weyn loo xaddiday, taasoo la macno ah in ururinta caddaynta gacanta hore ay adkayd.
Magaalada ayaa si rasmi ah loo go'doomiyay, iyadoo ciidamada dowladda Suuriya ay xaddideen cidda loo oggol yahay inay soo gasho iyo ka bixidda.
Si aan u galno waxa ay noqotay in aan soo marno isbaarooyin badan.
Magaaladii markii aanu soo galnay waxa aanu sii marnay dukaamo iyo dhismeyaal gubtay iyo baabuur lagu burburiyay taangiyo.
Magaalada Suweida waxay si cad u wajahday dagaal culus oo u dhaxeeya Druze iyo dagaalyahannada Bedouin.
Markaas ayay ahayd markii ugu horreysay oo dowladda Suuriya ay soo faragelisay inay isku daydo oo ay dhaqangeliso xabbad-joojin.
Inkastoo tuulooyin badan oo Druze ah ee gobolka Suweida ay dib u qabsadeen ciidamada dowladda, magaalada oo ay ku nool yihiin in ka badan 70,000 oo qof ayaa weli si buuxda waxaa gacanta ugu haysa Druze.
Kahor intaanan ka bixin isbitaalka, waxaan aragnay Hala al-Khatib oo siddeed jir ah oo kursi kula fadhida eeddadeed.
Hala wejigeedu dhiig baa ku yaalla faashad ayaana ku xirneyd. Waxay u muuqataa inay il beeshay.
Waxay noo sheegtay in rag hubeysan ay u yimaadeen oo ay madaxa ka toogteen xilli ay ku dhex dhuumaneysay armaajo gurigeeda taallay.
Hala wali ma oga, laakiin labadeeda waalid waa dhinteen.













