Dhowr waxyaabood oo aadan ka ogayn Safwaan Halac oo ku geeriyooday Hargeysa

Xigashada Sawirka, Safwaan Halac
Waxaa magaalada Hargeysa ee caasimadda jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqaday ee Somaliland ku geeriyooday Allaha u naxariistee fannaankii da'da yaraa Safwaan Xasan Aadan oo caan ku ahaa (Safwaan Halac) ka dib shil gaari oo uu ku galay wadada lagu magacaabo labada boqol ee gudaha Hargeysa sida uu BBC-da u xaqiijiyey Mudasir Xasan Aadan.
Waxaa kale oo shilka ku dhaawacmay saddex qof oo la socday fannaanka Safwaan Halac markii gaari ay wateen oo nooca raaxada ah uu ku gadoomay sida BBC-da u sheegay sarkaal ka tirsan isbitaalka guud ee Hargeysa.
Fannaan Cabdiraxmaan Muuse Dhamac, Cabdi yare oo ay bandhig ku wada-lahaayeen xalay Hargaysa ayna wada joogeen marxuum saacado ka hor shilka ayaa BBC-da u sheegay inuu aad uga naxay geerida Safwaan.
"Xalay ayaanu bandhig ku wada qabanay Magaalada Hargeysa, markii uu dhamaaday, isaga isoo qaaday oo i keenay guriga Xidigaha Geeska, markii aan ka dagay ayey qolo kale la soo hadashay oo ay ku yiraahdeen kaalay na qaad, markii uu qaaday ayuu shilka galay, aad ayaan uga naxay markii aan maqlay inuu geeriyooday saaxiibkay Safwaan oo aan wakhtigaas geeridiisa la ii soo sheegay saacado ka hor aan wada joogay"ayuu yiri Cabdi Yare.
Wuxuu intaa raaciyey: "Alle ha u naxariistee Safwaan inta aan ka aqaanay wuxu ahaa Fannaan afgaaban, oo ummada ilaahay ka nabad gashay, waxa uu ahaa nin akhlaaq badan, oo aan dhac dhac aqoon,"
Fannaanka ayaa iminka maydkiisu yaallaa Isbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa, iyada oo uu socda qorshaha aaskiisa. Marxuumka ayaa saddexdii bilood ee u dambeeyey ku sugnaa magaalada Hargeysa ka dib markii uu ka soo noqday dalka Ireland oo saddexdii sanno ee u dambeysay uu degganaa.

Xigashada Sawirka, Jeylaani
Allaha u raxmadee Fannaan Safwaan Xasan Aadan ayaa ku dhawaad tobban sanno ku noolaa dalalka Yurub gaar ahaana Sweden iyo Ireland.
Cabdirisaaq Xaamud Caydiid Jeylaani oo muddo ka badan toddobo sano ay saaxiibo ku ahaayeen dalalka Yurub ayaa BBC-da u sheegay in Safwaan uu ahaa qof ku suntaa afgaabni iyo xishood.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Saddexdii sanno ugu dembeeyey waxaan u soo wada guurnay Ireland, haddii aad adduunyada fanka ugu necebtahay balse aad Safwaan la kulanto waxaad jeclaanaysaa fanka sababtoo ah akhlaaqdiisa, wuxuu ahaa qof aad u miskiina, aad u afgaaban, aad u xishood badan, saddex jeer indhihiisa iyo kuwaagu aysan isqabanayn xishood dartiis," ayuu yiri Jeylaani.
Wuxuu intaa raaciyey inuu fannaanku ahaa qof naxariis badan oo shaqada fanka aysan ka lumin shaqsiyadda gaarka ah.
Marxuum ayaa sida uu Jeylaani u sheegay BBC-da muddo sharci la'aan ku ahaa dalka Sweden basle markii dembe oo uu u guuray dalka Ireland sanadkan ka helay deggaansha dalkaasi kaas oo u suura galiyey inuu muddo dheer ka dib booqdo magaalada Hargeysa oo qoyskiisa ay deggan yihiin.
Ka hor inta uusan ka soo ambabixin Yurub, Safwaan Hilaac oo waraysi bixiyey ayaa sheegay in booqashadiisa Somaliland ku tagayo uu rabo inuu ku soo arko qoyskiisa gaar ahaan hooyadii, walaalihii iyo asxaabtii ay soo wada koreen oo ay muddo kala baadeen.
Isagoo ka hadlayey kala duwanaanshaha aragtida qofka marka uu jooga dalka iyo marka uu tagao qurbaha ayuu Safwaan waraysi uu dhawaan bixiyey ku sheegay.
"Qurbuhu koley waayihiisuu iska wataa marka xaggan laga tagayo la sii socdo koley sawir baa kuu yaalla annigu markii hore Sweden baa tagay waxaa maskaxdayda ku sii jiray meel aad u sii quruxbadan, quruxdii iyo nadaafadii waa arkay laakiin kama fekeraysa marka hore qyab labad baa galaysaa ah sharci raadin oo noloshii oo waraysi baa ku yaalla sanad ama laba sanadood taas maskaxda kuma hayn waa la tagaaa kadibna lacagta la soo daldalayaa baan is lahaa, haddana qorshe kalaa mesha sii yaalla oo ah marka waa ku dhacay dhowr jeer waa igu adkeeyey marka sanadkii 2023-kii ayaan ka cararay, Ireland ayaan aaday oo alle arrimahaygii iga dhameeyey, markaan sidaa sharciga u qaatayna anoon dhinacna eegin ayaan hargaysa soo aaday" ayuu waraysiga ku sheegay Safwaan Halac.
Geeridiisa ayaa gilgishay bahda fanka gaar ahaana fanaaniintii ay saaxiibada ahaayeen, fanaanka Qamar Suugaani oo ay saaxiibo ahaayeen isku waqtina fanka ku soo wada kacaamen ayaa Bartiisa Facebook soo galiyey muuqaal ay murugo badani wajigiisa ka muuqato isagoo ku timaamay geeri "Naxdin leh"
Kumu ahaa fannaan Safwaan Halac?
Sida uu isagu ku sheegay waraysi uu horraan bixiyey Safwaan Xasan Aadan, Safwaan Halac, ayaa ku dhashay magaalada Berbera ee gobolka Saaxil ee Somaliland.
Wuxuu ku barbaaray magaalada Hargaysa isagoo waxbarashadiisa hoose, Dhexe iyo Sareba kaga baxay magaalada halkaasi. Mar uu waraysi bixiyey Safwaan Halac ayaa xusay inuu gaaray heerka waxbarashada jaamacadeed balse markii uu meel dhexe marinayo uu fanka aaday.
Sanadkii 2014-kii ayuu ku soo biiray fanka wuxuu ka mid ahaa fannaaniin mar la araga ahaa ee ka soo baxay Hargaysa ee lahaa hibo iyo cod gaar ah.
Safwaan ayaa aakhirkii sanadkii 2016-kii u safray qaarada Yurub isagoo muddo dheer qaxooti ku ahaa dalka Sweden halka markii dambe uu dagganaansho qaxootinimo uu ka helay dalka Ireland oo ku noolaa.
Sida ehelkiisu BBC-da u sheegeen waxaa Marxuunka lagu aasayaa magaalada Hargaysa.













