Maxaad kala socotaa cuntooyinka aad ka heli karto hurdada fiican?

Cuntooyinka lagu hurdo

Xigashada Sawirka, Serenity Strull/ BBC

Inta badan dadka waxay ogyihiin adigoo dhargan hadii aad seexato in ay taasi saameyn ku yeelaneyso hurdadaada.

Balse in wax laga bedalo sida aan wax u cuno ayaa kor u qaadi karta hurdadeena. Hadii aad seexato adigoo cunto badan cunay, waxay taas keeneysaa in aad hurdada ka soo kacdo adigoo daalan.

Si dheefshiidka u burburiyo cashadii badneyd waxa uu jirka u baahan yahay tamar taas oo carqaladeysa hurdada, waxay keentaa in aadan nasan habeenkaas.

Nasiib wanaag, waxaa jira habab kor loogu qaadi karo hurdada adigoo cunaya cunto fiican, waxaadna ka fogaaneysaa cuntooyinka iyo cabitaanada hurada kuu diidaya sida cabitaanada ay ku jiraan Kafiinka.

Waxaa jira cuntooyin fiican gaar ahaan marka aad cunto ka hor inta aadan seexan kuwaas oo kor u qaadi kara tayada huradaada.

Cunto mise Nafaqo?

Daraasado dhowr ah ayaa lagu ogaaday in qaar ka mid ah cuntoyinka ay hurdada kor u qaadaan. Daraasad yar ayaa lagu ogaaday in cabitaanka Jeeriga lagu magacaabo uu hurada kor u qaado. Cilmibaaris kale ayaa lagu ogaaday in miraha loo yaqaan kiwi hadii aad cunto kar hor inta aadan seexan ay leeyihiin faa'idooyin. Sidoo kale waxay cilmibaarista muujineysaa in caanaha kulul ay u fiican yihiin hurdada.

Waxaa la rumeysan yahay in caanaha laga helo macdano soo saari kara dhecaanada kor u qaada huradada.

Cabitaanka Jeeri oo hurdada u fiican

Xigashada Sawirka, Getty Images

Daraasado badan ayaa muujineysaa in la qaato cuntooyinka ay ku jiraan Melotiinka in ay sare u qaadaan tayada hurdada iyo in ay sidoo kale kordhiyaan mudada aad hurdi karto.

Cilmibaarista ayaa sidoo kale muujineysa in hal cunto ama hal nooc oo cabitaan ah aysan sare u qaadin tayada hurdada. Cuntooyinka caafimaadka leh oo la wda isticmaalo ayaa muhiim ah.

"Cunto aan tayo laheyn waad cuni kartaa maalintii oo dhan kaddibna waxaad cabi kartaa cabitaanka Jeeri ka hor inta aadan seexan intaas waad ku heli kartaa hurdo fiican", ayey leeyahay Prof. Marie-Pierre St-Onge oo ka tirsan jaamacada Columbia ee dalka Mareykanka.

Jirka bani'aadanka ma awoodo in uu nafaqooyinka asaasiga ah ka soo qaato cuntada saacado yar ka hor hurdada marka waxaa huradadeena saameyn ku yeelan kara waxaa an maalintii oo dhan cuno.

Cunto noocee ah ayaa kor u qaadi karta hurdada?

Daraasada ayaa muujineysaa in cuntada ugu fiican ee hurdo lagu heli karo in ay tahay tan ka timaado waxyaabaha dabeeciga sida ay sheegeyso Erica Jansen oo kaaliye borofeesar ka ah jaamacada Michigan ee dalka Mareykanka.

Sanadkii 2021-kii cilmibaaris laga sameeyay xiriirka u dhexeeya hurdada iyo cuntada ayaa lagu ogaaday in hurdada ay fiicnaatay kaddib markii dadkii daraasada lagu sameynayay ay muddo saddex bilood ah khudaar raacinayay cuntooyinka ay cunaan.

In ka badan kun qof ayaa lagu dhiirogeliyay in ay kordhiyaan khudaarta iyo miraha ay qaataan maalin kasta.

Cuntooyinka nafaqada leh ee hurdada u wanaagsan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ujeedka ayaa ahaa in la ogaado xiriirka ka dhexeeya cuntada iyo hurdada fiican maxaa yeelay kuwa sida fiican u hurdo waa dadka cuntooyinka caafimaadka leh qaata.

Cilmibaarista ayaa lagu ogaaday in haweenka cuno saddex ilaa iyo wax ka badan oo khudaar iyo miro ah maalintii labo jeer in ay hoos u dhacday hurdo yarida haysay.

Sanadkii hore ee 2024-kii daraasad laga sameeayy Spain ayaa waxaa ka qeybgalay 11,000 arday, kuwa qaatay cuntooyinka ay ku yar yihiin macdanta Tarabatuufaanka in aysan hurdo fiican helin.

Waa in aad cuntaa cuntooyinka faybarka leh sida qamadiga kuwaas oo la sheegay in ay kor u qaadi karaan hurdada.

Waxyaabaha laga helo cuntooyinka la beerto waxaa ka mid ah Magniisiyamka oo u wanaagsan hurdada.

Meelaha laga helo Magniisiyamka waxaa ka mid ah khudaarta cagaaran sida koostada.

Qaadashada kaniinka Melotiinka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dad badan ayaan helin nafaqooyinkan sababtuna waxay tahay cuntooyinka ay qaataan oo tayo fiican laheyn.

Daraasada waxaa kaloo lagu ogaaday dadka qaata kaniiniyada Magniisiyamka in hurdadoodu ay fiicnaatay, waxayna sidoo kale sheegeen in uusan Magnisiiyamka wax ka qaban karin dhammaan dhibaatooyinka hurdada.

Cilmibaarayaasha waxay isku raaceen in hal cunto oo aad qaadato ka hor inta aadan seexan in aysan ku filneyn in ay sare u qaado hurdada. Xiliga aad cuntada qaadato ayaa sameyn weyn ku yeelan karto hurdadaada.

Daraasad yar ayaa lagu ogaaday in maalinta xili hore oo wax la cuno, gaar ahaan quraacda oo goor hore la cuno in ay keento hurdo fiican.

Cuntooyinka ka yimaada dhirta in ay yihiin kuwa ugu waxtarka badan marka ay timaado hurdada iyo sidoo kale in aad waqtiyo cayiman aad qaadato cuntada waxay sare u qaadi kartaa hurdada.