Abuu Cubayda: Ninkii wajiga duuban jiray ee Israa'iil xaqiijisay in ay dishay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Abuu Cubayda, afhayeenkii garabka hubeysan ee Xamaas, ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo ka dhacay magaalada Qasa, sida ay sheegtay Israa'iil.
Wasiirka Difaaca Israa'iil, Israel Katz, ayaa barta X,horeyna loogu yaqaanay Twitter uga mahadceliyay ciidamada difaaca Israa'iil (IDF) iyo hay'adda sirdoonka Shin Bet, isagoo ku tilmaamay "Fulin sax ah oo dhammeystiran."
Xamaas weli ma xaqiijin geeridiisa. Kooxda hubeysan ee Falastiiniyiinta ayaa horey u sheegtay in tobanaan rayid ah ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen duqeymo cirka ah oo Israa'iil ku qaaday dhismooyin la deggan yahay oo ku yaalla Qasa.
Wariyeyaasha maxalliga ah ayaa soo sheegaya in ugu yaraan toddobo qof ay ku dhinteen, 20 kalena ay ku dhaawacmeen duqeymaha lagu bartilmaameedsaday xaafadda aadka u ciriiriga ah ee al-Rimal ee magaalada Qasa, iyadoo carruur ay ku jiraan dadka waxyeelladu soo gaartay.
Weerarkii Sabtidii ayaa yimid iyadoo duqeymo cirka ah oo joogto ah ay ka socdaan magaalada Qasa, kahor weerar qorsheysan oo Israa'iil ay damacsan tahay inay halkaas ka fuliso.
Wasiirka Difaaca Israa'iil, Katz, ayaa Axaddii ka digay in "dambiilayaal badan oo la-shaqeynayay Cubayda" ay bartilmaameed noqon doonaan, maadaama uu socda olole milatari oo sii xoogeysanaya oo ka dhan ah magaalada Qasa – taasoo uu ugu yeeray tixraac ku wajahan qorshe Israa'iil dhawaan ansixisay si ay gacanta ugu dhigto Qasa.
Dhanka kale, ciidamada difaaca Israa'iil iyo hay'adda sirdoonka Shin Bet ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay duqeymihii Sabtidii ee lagu beegsaday afhayeenkii Xamaas.
War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen ayay ku sheegeen in howlgalkaasi uu suurta-galay kadib xog sirdoon oo ay hore u urursay Shin Bet iyo hay'adda sirdoonka ciidamada militariga, taasoo lagu ogaaday meesha uu Abuu Cubayda isku qarinayay.
Abuu Cubayda wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ugu dambeysay ee sar sare ee garabka milatari ee Xamaas ee weli noolaa tan iyo weerarkii dhimashada badan dhaliyay ee ay Xamaas ku qaadday koonfurta Israa'iil 7-dii Oktoobar 2023.
Shan gantaal ayaa la sheegay inay ku dhaceen dabaqa labaad iyo midka saddexaad ee dhismo lix dabaq ah oo ku yaalla xaafadda al-Rimal, iyagoo ka yimid laba jiho oo kala duwan.
Guriga la beegsaday waxaa la sheegay in uu hore u ahaan jiray rug caafimaad oo si gaar ah u qaabilsan ilkaha.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Abuu Cubeyda uu ahaa "wejiga dadweynaha ee ururka argagixisada ah ee Xamaas" isla markaana uu "faafin jiray borobogaandada Xamaas".

Xigashada Sawirka, EPA
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sanadihii la soo dhaafay, Abuu Cubayda – oo la rumeysan yahay inuu ku dhawaa da'da afatameeyada wuxuu jeedin jiray khudbado dhaa-dheer oo uu Israa'iil ku weerrarayo isagoo ku hadlaya magaca garabka milatari ee Xamaas ee al-Qassam Brigades.
Abuu Cubayda waxaa si weyn loogu garanayaa muuqaalkiisa qarsoodiga ahaa oo uu mar walba kusoo muuqdo isagoo madaxiisa ku xiran tahay cimaamad cas oo oo ah astaanta Falastiiniyiinta, taasoo daboolaysa wejigiisa oo dhan marka laga reebo qayb yar oo indhihiisa ah oo kaliya la arki karo ayna ku gartaan taageerayaasha Xamaas ee guud ahaan Bariga Dhexe.
Khudbaddii u dambeysay wuxuu Jimcihii ku sheegay in la haysteyaasha Israa'iil ee weli gacanta ugu jira Xamaas ay la kulmi doonaan "waxa ay go'aamiyaan dagaalyahannada Xamaas", isagoo uga digay Israa'iil duullaanka ay damacsan tahay ee magaalada Qasa.
Maxamed Cimaad, oo leh goob timo-jare ah oo kaliya 100 mitir u jira dhismaha la garaacay ee al-Rimal, ayaa BBC-da u sheegay in "qaraxyadu ay ahaayeen kuwo cabsi badan – muddo ka badan saacad ma aanan dhaqaaqin."
Wuxuu intaas ku daray: "Weli ma rumaysan karo inaan noolahay. Waxaan arkay carruur dhaawac ah oo wajigooda dhiig ku daadsan yahay, dadkuna waxay u cararayeen dhamaan jihooyin kala duwan sida in aduunyadu dhammaatay."
Muuqaal ay BBC-du xaqiijisay oo muujinaya wixii ka dambeeyay weerarka ayaa muujinaya dad deggan xaafadda oo argagaxsan kuna cararaya waddooyinka.
Dhiig ayaa laga arki karaa qof meyd ah oo maro lagu daboolay, halka ilmo dhaawac ah uu nin uu meesha ka qaaday oo uu la cararay.
Ciidanka Difaaca Israa'iil (IDF) ayaa sheegay in weerarka ka hor "la qaaday tallaabooyin badan si loo yareeyo waxyeellada dadka rayidka ah, oo ay ku jiraan isticmaalka hub sax ah, kormeerro hawada ah, iyo xog dheeraad ah oo sirdoon."
BBC -du si madax-bannaan uma xaqiijin karto sheegashooyinka IDF ama Xamaas.
Bishii Agoosto, golaha amniga ee Israa'iil ayaa ansixiyay qorshe lagu doonayo in lagu qabsado magaalada Qasa, iyada oo lagu qaadayo weerar cusub, ujeeddaduna tahay in lagu soo afjaro dagaalka socday 22-ka bilood.
Qaramada Midoobay ayaa si isdaba joog ah uga digtay in qabsashada milatari ee buuxda ay keeni karto "cawaaqib xumo naxdin leh" oo ku timaadda dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta ah iyo maxaabiista Israa'iil ee ku jira gacanta Xamaas ee Qasa. Danjiraha UK u fadhiya Israa'iil ayaa sheegay in arrintaasi noqon doonto "khalad weyn".
Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa ballan qaaday inuu Xamaas ka adkaan doono, isaga oo iska dhega-tiray cambaareynta caalamiga ah ee ku saabsan qorshihiisa dagaalka lagu sii ballaarinayo.
Howlgalka milatari ee Israa'iil ay ka waddo Gaza wuxuu bilowday kadib weerarkii 7-dii Oktoobar oo ay Xamaas hoggaamineysay, kaas oo ay ku dhinteen ku dhawaad 1,200 oo qof, halka 251 kalena la afduubtay. Tan iyo markaas, in ka badan 63,000 oo Falastiiniyiin ah ayaa la dilay, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza oo ay Xamaas maamusho.
Inkastoo howlgalka lagu doonayo in lagu qabsado magaalada Qasa uusan si buuxda u bilaaban, weerarro joogto ah ayaa lagu hayaa magaalada – oo ay ku nool yihiin ku dhawaad hal milyan oo qof.
Qof deggan magaalada ayaa u sheegay BBC-da in isla dhismaha la beegsaday Sabtidii uu horey uga mid ahaa bartilmaameedyo horey loo weeraray bilo ka hor.













