Israa'iil oo malaayiin doollar oo maamulka Falastiin leeyahay siisay Falastiiniyiintii iyaga la shaqeynayey

Xigashada Sawirka, Getty Images
Israa'iil ayaa ku dhawaad 32 milyan oo doolar oo aheyd daqliga canshuuraha ee la siin lahaa maamulka Falastiin u wareejisay 52 Falastiiniyiin ah oo la shaqeeyay militerigooda sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray kanaalka 7.
Warbixinta waxaa lagu sheegay in tani ay timid kaddib markii "shaqsiyaadkaas ay magdhow ahaan u siisay maxkamadda ku taal Quddus".
Tv-ga wuxuu sheegay in lacagta la bixiyay ka dib wax lagu sheegay dagaal dheer oo dhanka sharciga ah. Kuwa lacagta la siiyay ayaa la sheegay in "jirdil" loogu geystay xabsiyada maamulka Falastiin, sida la sheegayna waxaana ka mid ahaa waxyaabaha loo geystay garaacid, in lagu gubo walxo kulul, ilko-ka-saarid iyo hurdada oo loo diido. Maamulka Falastiin weli wax jawaab ah kama bixin eedaha loo soo jeediyay.
Heshiiskii lagu gaaray Paris sanadkii 1994-tii ayaa Israa'iil siiyay in ay wakiil uga noqoto maamulka Falastiin qaadista iyo ururinta canshuuraha kastamada. Arrintan waxay siisay Israa'iil in ay yeelato awood ay ku maamusho xaduudaha dhulka Falastiin.
Maamulka Falastiin waxay sheegeen in Israa'iil ay lacagtaas haysato. Wasiirka lacagta Falastiin wuxuu sheegay in Israa'iil ay haysato malaayiin doolar oo ah daqliga canshuuraha laga soo bilaa 2019-kii ilaa iyo bishii Feberaayo ee sanadkan 2025.
Bishii la soo dhaafay, golaha wasiirada Falastiin ayaa ka digay in maamulkooda uusan sii wadi karin bixinta adeegyada sababtuna ay tahay lacagta ka maqan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Fiidiyow laga duubay toogasho ka dhacday Al-Hathalin
Dhinaca kale, ururka xuquuqda aadanaha Israaiil B'Tselem ayaa internetka soo dhigay fidiyoow muujinaya Yanon Levy oo ka mid ah Yahuuda dhulka xoogga ku qabsatay kaas oo ku tooganaya bishii la soo dhaafay tuulada Masafer Yatta ee Hebron, dhaqdhaaqe xuquuqda aadanaha, Awda Al-Hathalin.
Awda Al-Hathalin ayaa fidiyowga iska duubay iyadoo ninkaas uu soo tooganayo, Awda dhulka ayuu markaa ka dib ku dhacay ka hor inta uusan geeriyoon.
Levi wuxuu Al-Hathalin dilay bishii 28-kii bishii July. Ciidamada ayaa meydkiisa hayay ilaa iyo 7-dii bishan markaas oo ay wareejiyeen.
Booliska Israaiil waxay xireen Levy, waxayna daayeen horaantii bishan ka dib markii ay maxkamada aqbashay in uu is-difaacayay. Fidiyow ay soo bandhigeen B'Tselem ayaa xaqiijiyay in ay isku dhaceen dadka deegaanka iyo Levy kaas oo ahaa qofka kaliya ee joogay goobta ee hubeysnaa.
Sida maxkamadu xukuntay, Levy waxaa laga doonayay in uu galo xabsi guri balse afartii bishan Agoosto ayaa lagu arkay isagoo jooga dhulka Umm al-Khair.

Xigashada Sawirka, X
Labo qof oo ajnabi ah ayaa la garaacay
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waqooyiga Daanta Galbeed, labo qof oo dhaqdhaaqayaal ah ayaa Isniintii la dhaawacay ka dib markii dadka dhulka degay iyo ciidamada Israaiil ay garaaceen sida ay sheegtay hay'da Bisha Cas ee Falastiin.
labada qof ee la dhaawacay lama sheegin dalka ay ka soo jeedaan, balse waxaa degdeg loo geeyay isbitaalka.
Ilo dhanka Falastiin ah waxay sheegayaan in ciidamada Israaiil ay xoog ku galeen xerada qaxootiga ee Amari talaadadii, waxayna xireen labo nin oo dhalinyaro ah ka dib markii ay guryahooda xoog ku galeen.
Wararka waxay kaloo sheegayaan in ciidamada Israaiil ay isku wareejiyeen halka laga galo xerada iyagoo halkaas dhigay ciidamo. Waxay sidoo kale saareen saqafka guryaha askarta wax shiishta.
Militeriga Falastiin waxay sheegeen in ciidamada Israaiil ay fuliyeen wax ay ku sheegeen howlgal militeri. Waxaa ka qeybgalay helikobtaro iyo ciidamo wax baara.
Dadka deggan labada tuulo ee ciidamadu galeen waxay sheegeen in ciidamo badan la soo dhigay wadooyinka iyadoo diyaarado ay dul joogeen. Arrintan ayaa cabsi ku beertay dadka deegaanka.
Mahmoud Abbas iyo Mohammed bin Salman
Madaxweynaha Falastiin Mahmoud Abbas ayaa Isniintii khadka taleefoonka kula hadlay dhaxal-sugaha Sacuudiga, Mohammed bin Salman. Labada mas'uul ayaa ka wadahadlay dhacdooyinkii ugu dambeeyay dhulka Falastiin iyo caqabadaha ay wajahayaan shacabka Falastiin sida ay sheegtay wakaalada wararka Falastiin ee WAFA.
Abbas wuxuu uga mahad celiyay Mohammed bin Salman sida adag ay dowladda Sacuudiga u taageertay Falastiin iyo xaqa ay leeyihiin dadka Falastiin, wuxuuna "uga mahad celiyay boqortooyada kaalinta weyn ay ka qaateen taageerada caalamka ee ah sidii loo aqoonsan lahaa iyo dhismaha dal Falastiin leedahay si waafaqsan heshiiskii 1967-dii kaas oo bariga Jerusalem ka dhigaya caasimadooda.
Xiriirka Khadka taleefoonka ee labada mas'uul ayaa la xiriiray diyaargarowa shir heer caalami ah oo nabada looga hadlayo kaas oo la filayo in bisha Sebtember 22-keeda uu ka dhaco New York iyo dadaalada lagu aqoonsayo Falastiin sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Falastiin.













