Maamulka Falastiiniyiinta oo soo dhoweeyay Aqoonsiga Canada

Xigashada Sawirka, Reuters
Dowladda Canada ayaa ku dhawaaqday in ay dal madax banaan u aqoonsanayso Falastiin iyada oo horay Ingiriiska iyo Faransiiska ay u sheegeen inay aqoonsan doonaan maamulka Falastiiniyiinta.
Arbacadii isaga oo ka hadlayay Ottowa, Ra'iisul wasaaraha Canada Mark Carney ayaa sheegay dalkiisa uu qorshaynayo inuu aqoonsado maamulka Falastiinyiinta bisha Semptember.
Xaalada ka jirta Qaza ayaa Carney sheegay in go'aankiisa ay ku dhiirigalisa, sababtana ay tahay in uu ka baqay maamul falastiin leedahay uuna xalku yahay labo maamul oo nabbad ku wada nool.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa kahor yimid aqoonsiga Canada, isaga oo sheegay in ay arrintaasi adkayn doonto in dalkaasi lala galo heshiis ganacsi.
Qoraal uu soo dhigay barta Truth Social ayuu ku sheegay "Canada waxay ku dhawaaqday inay taageereyso dowladnimada Falastiin, taasina waxay adkeyneysaa in Canada lala gaaro heshiis ganacsi".
Hadalka Trump ayaa imanaya ka dib markii raysal wasaaraha Canada, Mark Carney uu ku dhawaaqay in waddankiisu "uu doonayo" inuu u aqoonsado Falastiin dal madax banaan.
Dalalka Ingiriiska iyo Faraansiiska ayaa horey u sheegay inay aqoonsan doonaan dawladnimada Falastiin.
Waxaa uu sheegay wadada kali ah ee lagu dhammayn karo xaaladaha bini'aadanimo ee ka jira Qaza ay tahay inay Xamaas isasoo dhiibto lana sii daayo lahaystayaasha.
Horaantii todobaadkan ayuu Trump ugu sheegay wariyayaasha gudaha Scotland inay ka jirto gudaha Qaza ''baahi dhab ah'', iyada oo Netanyahu uu sheegay in arrintaasi oo kale aysan jirin.
Maamulka Falastiiniyiinta ee uu hogaamiyo Maxamuud Cabaas ayaa soo dhoweeyay go'aanka Canada ee aqoonsiga maamul ay leedahay Falastiin isaga oo ku tilmaamay go'aan ''taariikhi'' ah.
Dhankiisa qoraal uu soo dhigay barta X ayuu wasiirka arrimaha dibadda Falastiiniyiinta ku sheegay '' Arrintan waa mid dhiiranaan leh oo muujinaysa talaabo weyn oo horay loogu qaaday cadaalada, nabada iyo xaqiijinta dheer ee shacabka Falastiiniyiinta ay muddada dheer ugu halgamayeen dowlad ay iyagu leeyihiin.''

Xigashada Sawirka, Reuters
Maamulka Falastiiniyiinta ee uu hogaamiyo Cabaas ayaa awoodooda maamul ee qaybo kamid ah dhulka la haysto ee Daanta Galbeed ay kooban tahay. Waxaa ay sidoo kale maamulkii Qaza lumiyeen markii Xamaas ay kala wareegtay 2007.
''Xalka laba dowladood'' ayaa ah nidaam haysta taageero caalami ah oo nabad ka dhex dhalin kara Falastiiniyiinta iyo Israa'iiliyiinta.
Waxaa ay soo jeedinaysaa maamul madax banaan oo Falastiiniyiinta ay leeyihiin oo ka hirgala Daanta Galbeed iyo Qaza, iyada oo Bariga Qudus (Jerusalem) ay noqonayso caasimada.
Israa'iil waa ay ka soo horjeesatay xalka laba dowladood. Waxaa ay sheegtay go'aanka kama dambaysta ah uu ka yimaado wada hadalada Falastiiniyiinta, uusana noqon aqoonsiga wax waajib ah.













