Maraykanka oo cunaqabatayn ku soo rogay tiro badan oo ah shaqsiyaad, hay'ado iyo shirkado lala xiriirinayo Iiraan

..

Xigashada Sawirka, Reuters

Wasaaradda Maaliyadda ee Mareykanka ayaa iyadoo adeegsanaysa mid ka mid ah cunaqabataymaha ugu culus ee ay tan iyo sanadkii 2018-ka ay saarto Iran, waxay liiska cunaqabataynta ku dartay in ka badan 115 qof iyo hay'ado la xiriira warshadaha batroolka iyo maraakiibta dalkaas.

Ismaaciil Baqaa'i, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa ka falceliyey cunaqabatayntan isagoo ku tilmaamay "fal shar ah" isla markaana si xooggan u cambaareeyey.

Waxaa la sheegaya in Maxamed Xuseen Shamkhaani, oo ah wiilka Cali Shamkhaani la-taliyaha sare ee hogaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran islamarkaana maamula shabakad gaadiidka badda ah, isagana lagu daray liiskan.

Mareykanka wuxuu sidoo kale sanadkii 2020 cunaqabatayn saaray Cali Shamhaani.

Wararka la xidhiidha Cali Shamkhaani, oo ah la-taliyaha siyaasadeed ee Aayatullah Khamenei, islamarkaana ku dhaawacmay maalintii ugu horreysay ee weerarkii Israa'iil ku qaadday Iiraan ayaa si weyn hadal hayn u dhaliyey.

Hadda Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka waxay sheegtay in shabakadda Maxamed Xuseen Shamkhaani, oo "ka faa'iideysanaya saameynta aabbihiis," ay dhoofiso saliid, badeecooyin saliid ah iyo shixnado kale oo ka yimaada Iran iyo Ruushka, una gudbiso iibsadeyaal ku kala sugan daafaha dunida.

Sida ay ku dhawaaqday Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka, Maxamed Xuseen Shamhani wuxuu sannad kasta faa'iidaa tobannaan bilyan oo doollar.

Wasaaraddu waxay sheegtay in tan iyo bilowgii xukuumaddii Donald Trump, ay xoojisay ololaha "cadaadiskii ugu badnaa" ee ka dhanka ah Iran, isla markaana ay adeegsanayso dhammaan qalabkeeda iyo awoodeeda sharciyeed" si ay u fuliso.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Iyada oo ay jiraan cunaqabataynadii la shaaciyey, tirada dadka, hay'adaha iyo maraakiibta Iraniyaanka ah ama la xidhiidha Iiraan ee Mareykanku bartilmaameedsaday sanadkan waxay kor u dhaaftay 500.

Cunaqabataynta cusub waxaa ku jira magacyada 50 qof iyo maraakiib.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Maxamed Xuseen Shamhaani uu ka faa'iideystay saameynta aabbihiis, isla markaana uu dhisay shabakad adag oo ka kooban shirkado maraakiib ah, shirkado qarsoon iyo doomo u adeegga dhoofinta saliidda Iran iyo Ruushka.

Wasaaradda waxay sidoo kale sheegtay in "shabakaddan ay adeegsatay magacyo been abuur ah, baasaaboorrada shisheeye, shirkado been ah oo laga diiwaan geliyey jasiiradaha canshuurta aan laga qaadin, iyo xeelado qarsoodi ah si ay u qariyaan xiriirkooda Iran iyo Ruushka."

Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in shirkadaha uu leeyahay wiilka Shamhaani ay horey "qalab milatari" Iran uga qaaday una dhoofisay Ruushka.

Waxaa ka mid ah shirkadaha la cunaqabateeyey tobannaan shirkadood oo ku sugan Imaaraadka, Singabuur, Panama, Turkiga iyo dalal kale, ayadoo qaar ka mid ahna la sheegay inay xidhiidh ganacsi la leeyihiin Shiinaha.

Falcelinta Iran ee cunaqabataynta cusub

Ismail Baghai

Xigashada Sawirka, Irna

Ismaaciil Baqaa'i, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran, ayaa saacado kadib markii la shaaciyey cunaqabatayntan cusub si xooggan u cambaareeyey.

Warka ay baahisay wakaaladda wararka dowladda ee IRNA ayaa sheegaya in Baqaa'i uu cunaqabataynta cusub ku tilmaamay "sharci-darro iyo dulmi," isagoo ku daray in ay yihiin "markhaati cad oo muujinaya nacaybka ay hogaamiyeyaasha Mareykanka u qabaan Iran."

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa sidoo kale ku tilmaamay cunaqabataynta inay yihiin "dhaqan hal dhinac ah, aalado sharci-darro ah iyo ku-takri-fal xoog ah," isagoo intaas ku daray:

"Si xad dhaaf ah ayayna u ixtiraamin sharciga, xuquuqda aadanaha, iyo mabaadi'da aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah, oo ay ku jirto in la ixtiraamo madaxbannaanida dowladaha iyo xorriyadda ganacsiga caalamiga ah. Tani waxay dunida gelinaysaa khataro aan hore loo arag."

Baqaa'i wuxuu cunaqabataynta cusub ee Mareykanka ku tilmaamay "fal shar ah" oo loola jeedo in lagu burburiyo horumarka dhaqaale iyo nolosha shacabka Iran, wuxuuna sheegay in cunaqabatayntaasi ay yihiin "fal dambiyeed ka dhan ah bini'aadantinimada," isla markaana ay jebinayaan mabaadi'da iyo qawaaniinta aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah iyo xuquuqda aadanaha. Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in dowladda Mareykanka ay tahay in lala xisaabtamo lana maxkamadeeyo, sababo la xidhiidha xadgudubyada ba'an ee ay kula kacday xuquuqda aadanaha iyada oo adeegsanaysa cunaqabataymo sharci-darro ah.

Maxaynu ka ognahay wiilka Maxamed Shamhaani?

Xasan iyo Xuseen, laba wiil oo uu dhalay Cali Shamkhani

Xigashada Sawirka, Social media

Jeneraal Cali Shamhaani ayaa waaberigii 23-kii bisha Khordad (oo u dhiganta bartamihii Juun) sanadkan, si xun ugu dhaawacmay weerarkii Israa'iil ku qaaday gurigiisa, waxaana loola cararay isbitaalka.

Sanadihii u dambeeyay, howlaha dhaqaale ee carruurtiisa ayaa si weyn hadal hayn uga dhaliyey warbaahinta.

Dhammaadkii bisha Febraayo 2022, waxaa si weyn loo hadal hayey warar ku saabsan in markab lagu magacaabo Kabul la qabtay.

Xilligaa, wakaaladda wararka shaqaalaha Iran (ILNA) ayaa warbixin ku sheegtay in saraakiil Hindi ah ay xidheen markab waday badeeco dhoof ah oo Iran leedahay, kaas oo ka tirsan shirkadda Admiral, laguna qabtay dekedda Kandla ee dalka Hindiya.

ILNA waxay sheegtay in markabka Kabul uu leeyahay shirkadda Admiral, taas oo ay sheegtay inay leeyihiin "walaalaha Shamkhaani."

Warbixintu waxay si gaar ah u magacaawday Xasan iyo Xuseen Shamhaani inay yihiin milkiilayaasha shirkaddaas.

Shirkadda maraakiibta ee Admiral waxaa la aas aasay sanadkii 1390 (2011 miilaadiga), iyadoo loo diiwaan geliyey inay bixiso adeegyada xamuulka badda iyo gaadiidka koonteenarada.