Iiraan, Israa'iil ama Maraykanka, Yaa ku guulaystay dagaalka?

Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu,hogaamiyaha sare ee Iiraan Cali Ayatollah Khamenei iyo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Guo Jiaqun ayaa ka sheegay shir jaraa'id, Juun 24 in Bijing ay qabto "Walaac aad u daran" oo la xiriira horumarada Bariga Dhexe, ka dib weerarkii Israa'iil ee Iiraan.

Hadalka ayaa yimid ka dib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu sheegay colaadii la joojiyay si dhamaystiran oo loo dhan yahay.

Guo ayaa mar kale ku baaqay in dhamaan dhinacyada ay khusayso ay ku soo laabtaan wadada saxda ah ee gaaritaanka heshiiska siyaasadeed, waxaana uu adkeeyay Shiinaha uu doonayo inuu kala shaqeeyo bulshada caalamka inay ku taagnaadaan "nabadda iyo xasilloonida" Bariga Dhexe.

Barta bulshada Shiinaha ee Weibo, adeegsadayaasha ayaa ku wadaagaya aragtiyo yar ama badan ee la xiriirta isbeddelka degdega ah ee dhacdooyinka iyo ku dhawaaqista xabbad joojinta oo muujisay in labada dhinac midkoodna uusan doonayn dagaal muddo dheer sii jiitama, iyada oo dhamaan dhinacyada ay isku dayayeen isu muujinta inay iyagu yihiin guulaystayaasha.

Daadihiyaha waddaniga Shiinayska, Shen Yi ayaa sheegay midkoodna Trump ama Iiraan uusan diyaar u ahayn sii hurinta dagaalka. Jin Canrong oo ah barafasoor kale oo daadihiye ah caan ah ayaa ku qeexay weerarka Iiraan ee saldhiga milatariga Maraykanka ay tahay "jawaab matalaad ah"

Gantaalo

Xigashada Sawirka, AFP/GETTY

Qadar ayaa ku dhawaaqday joojinta dhammaan gantaalihii Iiraan ay ku soo riday Juun 23, iyada oo Trump uu uga mahadceliyay Dahraan bixinta digniinta wakhtiga hore si looga hortago waxyeello ay gaystaan.

Hu Xijin, oo ah tafatire hore wargayska waddaniga ee dowladu ay maamusho ee Global Times ayaa sidoo kale sheegay labadii maalmood ee u dambeeyay dagaalku uu ahaa sida "bandhig" oo ogolaanaya dhamaan dhinacyadu ay u muuqdaan kuwo guulaystay.

Ho ayaa sheegay inkasta oo waxyeello daran gaartay Iiraan, Dahraan waxa ay awood u yeelatay inay ku taagnaato muqaalkeeda ah in aan laga adkaan karin, ayna sameysay qaab dhismeed siyaasadeed, iyada oo Cali Khamenei hogaamiyaha jamhuuriyada Islaamiga oo sii joogo awoodda.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxa uu intaa ku daray Trump uu hadda sheegan karo inuu ''dhameeyay dagaalka'' uuna meesha ka saaray ''khatartii nukliyeerka Iiraan'' waxa uu sheegay Trump uu awood u leeyahay samaynta ''guul degdeg ah'' isaga oo ka fogaanaya inuu dalka u soo jiido dagaal.

Dhanka Israa'iil, Hu ayaa sheegay in kasta oo dalka uu ku guul daraystay inqilaabka maamulka Khamenei, ay khasaaro gaarsiiyeen Nukliyeerka Iiraan, taasi oo sida laga soo xiganayo qiimaynta Maraykanka qaadan doonta ugu yaraan 8 ilaa 10 sano in dib loo dhiso.

Si kastaba, Han Peng, madaxa xafiiska Waqooyiga Ameerika ee warbaahinta shiinaha ee kooxda dowlada ayaa ku qoray Weibo dhammaan saddexda dal ay ku guul daraysteen dagaalkan.

Waxa uu sheegay Iiraan ay la dhibtootay khasaare weyn oo ka soo gaaray burburka qaybo ballaaran oo ka mid ah awooddeedii nukliyeerkeeda oo dhalisay musiibo bini'aadanimo oo toban jeer ka weyn tan Israa'iil.

Laakiin dhanka kale, waxa uu sheegay weerarada Iiraan ay muujiyeen in nidaamyada difaaca Israa'iil ay ahaayeen daciif.

Hahn ayaa intaa ku daray Maraykanka ay sidoo kale muujiyeen awood yaridooda caalamka, iyaga oo hoos u dhigay joogitaankooda istaraatiijiga ee gobolka iyo in aysan doonayn inay ku sii socdaan ku lug lahaanshahooda dagaalka.

Trump kama uusan falcelin ka dib markii ay Iiraan weerartay xarunta Milatariga Maraykanka, waxaana uu uga mahad celiyay Dahraan inay ku soo wargelisay weerarada ay soo wado.

Yaa guulaystay sida ay Shiinuhu qabaan?

Dhinaca Shiinaha Liu Menglong, oo wax ku qora mareegaha Internate-ka ee hay'adda warbaahinta ee hoos timaada dowlada ee Guangcha ayaa sheegay fikradda in ka qayb qaadashada Maraykanka ee dagaalada waaweyn ay faa'iido u tahay Shiinaha, isaga oo ku dooday horumarka Shiinaha uusan kusii socon karin qalalaasaha iyo dagaalada iyo dhinac u riixid ka imaanaysa dalalka waaweyn.

Han Peng ayaa diiday fikradda Shiinaha ee ah inay la jiraan mid ka mid ah dhinacyada dagaalamaya, waxa uu sheegay Beijing ay kali ah fiirsato ganacsigeeda, iyada oo shiinaha ay yihiin bahwadaagta ganacsi ee ugu ballaaran Iiraan, Israa'iil bahwadaagteeda labaad ee ugu ballaaran ganacsiga iyo Maraykanka oo ah bahwadaagta saddexaad ee ugu ballaaran ganacsi ahaan.

Waxa uu intaa ku daray: "Ma jirto cidd ku guulaysatay dagaalka haddii aad meesha uga saari karto cadowgaada hal talaabo. Guusha runta ah waxaa lagu gaari karaa horumar. Mid koodna Maraykanka, ama Iiraan ama Israa'iil hadda ma leh awoodda si dhamaystiran meesha uga saaro dhanka kale, laakiin mid kasta waxa uu doonayaa inuu u muuqdo mid guulaysta.