Trump: 'waa weerareynaa Iran haddii ay Nukliyeer ka shaqayso'; Araqchi: 'Jawaab aan la qarin karin ayaan ka bixinaynaa'

Araqchi

Xigashada Sawirka, Reuters

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araqchi oo u jawaabay Donald Trump ayaa yiri, "Haddii gardarrada la soo celiyo, waxaan shaki la'aan uga jawaabi doonnaa si adag, jawaab aan mar aysan dambe suurtagal ahayn in la qariyo."

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran ayaa ku soo qoray shabakada bulshada ee X: "Duqeymihii sharci darrada ahaa ee dhawaan lagu qaaday xarumaha Nukliyeerka Iran waxa ay caddeeyeen in aanu jirin xal militari. Laakin xal wada xaajood ah ayaa laga yaabaa in uu shaqeeyo".

Saacado ka hor, Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay, isaga oo jooga Scotland oo uu wehelinayey Ra'iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer: "Waxay soo dirayaan calaamado aad u xun, calaamado aad u xun, mana aha inay sidaan sameeyaan... Waxaan baabi'inay awoodooda nukliyeerka, mar kale ayay bilaabi karaan. Haddii ay sameeyaan, waxaan u tirtiri doonaa si dhaqso badan."

Isaga oo tixraacaya waraysi uu dhawaan taleefishin siiyey Cabbaas Araqchi, waxa uu yiri: "Wasiirka arrimaha dibadda ee Iraan waxa uu ka hadlayaa waxyaabo aanay ahayn in uu ka hadlo.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale yiri: "Waxaan u maleynayaa inay ku jiraan wadahadal, waxayna ka hadlayaan arrimo Xamaas ku saabsan, ioyi qaar ahaysan ahayn in ay ka hadlaan".

Cabbaas Araqchi ayaa todobaadkii hore la hadlay Fox News, wuxuuna Mr. Trump ka fal celiyay kadib markii la baahiyay, isaga oo ku qoray shabakada bulshada ee Truth in xarumaha Nukliyeerka ee Iran la burburiyay, haddii loo baahdo uu mar kalena samayn doono.

Ka dib weerarkii Mareykanka ee xarumaha nukliyeerka ee Fordow, Natanz, iyo Isfahan, Mr. Trump wuxuu ku celceliyay in uu mar kale weerari doono xarumahan haddii loo baahdo. Tusaale ahaan, bil ka hor, isagoo ka jawaabaya su'aal ay weydiisay weriyaha BBC-da Noumiya Iqbal, wuxuu ku sheegay shir jaraa'id oo uu ku qabtay Aqalka Cad in haddii hay'adaha sirdoonku ay soo gabagabeeyaan in Iran ay kobcin karto Uranium ilaa heer walaac ah, uu mar kale weerari doono "isagoon ka labalabayn."

Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay ka dib markii uu wadahadal la yeeshay Ursula von der Leyen, oo ah madaxa guddiga Yurub: "Iraan si adag ayaa loo garaacay oo sax ah. Laakiin wali waxay ka hadlayaan kobcinta".

Esmail Baghaei, oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran, ayaa maanta ka sheegay barnaamijka Nukliyeerka Iran: "Sii wadidda barnaamijka Nukliyeerka Iran, oo ay ku jirto tayeynta, waa mid aad u cad".

"Waxaan sugeynaa warbixinnada arrinkan la xiriira ee ka imaanaya Ururka Tamarta Atoomikada ee ku saabsan xaaladda xarumaha nukliyeerka kadib weerarkii Mareykanka iyo Israa'iil".

"Dhinaca Hay'adda Caalamiga ah ee Quwadda Nukliyeerka, waxa aanu weli qayb ka nahay ilaalinta heshiisyada, waxana aanu u soconaa in aanu qeexno buug-gacmeed cusub oo lala galo Hay'adda, anagoo tixgelinayna go'aankii Golaha Wadatashiga Islaamka, kaas oo waajib nagu ah in aanu aragno sidii loo sii wadi lahaa wada-shaqeynta".

Trump iyo Starmer

Xigashada Sawirka, PA Media

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Isagoo ka hadlayay hadalka Steve Whittaker oo ah wakiilka Donald Trump u qaabilsan wada xaajoodka Iran, waxa uu yiri: "Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran hadda wax qorshe ah uma laha inay la xaajooto Mareykanka, mar kasta oo danaha qaranku u baahdaan, go'aanka lagama maarmaanka ah waa la gaari doonaa laguna dhawaaqi doonaa".

Mr. Baghaei ayaa sidoo kale yiri: "Labada toddobaad ee soo socda, sarkaal ka tirsan IAEA wuxuu u safri doonaa Iran, waxaana ka wada hadli doonnaa arrimo farsamo inta lagu jiro safarkaas."

Qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2231 ayaa la meel mariyay 10 sano ka hor, isla mar ahaantaana waxaa la isla meel dhigay heshiiskii Nukliyeerka ee JCPOA, waxaana uu meesha ka saaray go'aamadii hore ee Golaha Ammaanka ee barnaamijka Nukliyeerka Iran.

Qaraarka ayaa saadaaliyay qaab lagu soo nooleynayo go'aamadii hore loo joojiyay haddii quwadaha adduunku ay ku qanci waayaan iskaashiga nukliyeerka Iran. Waqtiga kama dambaysta ah ee isticmaalka habkan ayaa ku eg bisha Oktoobar ee sanadkan.

Saddex waddan oo Yurub ah oo kala ah Britain, France iyo Germany ayaa ku dhawaaqay in haddii Iran aysan gelin heshiis cusub oo Nukliyeer ah muddo ku dhow afar toddobaad gudahood ay dhabbaha u xaari doonaan dib u soo nooleynta go'aamadii hore iyo soo celinta cunaqabateyntii hore ee Golaha Ammaanka.