Muxuu ahaa gantaalka Iran ay adeegsatay ee la sheegay in uu Tel Aviv ku gaari karo toddobo daqiiqo?
Dagaalka ka dhex qarxay Israa'iil iyo Iran ayaa tijaabo u ah labada dal awooddooda militari iyo sidoo kale hubkooda.
Markii Iran ay mar kale weerartay Israa'iil habeenkii Arbacada, waxay markii ugu horreysay sheegtay in gantaalka Iran Sajil-2 loo adeegsaday weerarka.
Si kastaba ha ahaatee, Israa'iil ayaa ku andacoonaysa in milatariga Israa'iil ay ka hortageen gantaalka Sajil oo ay si guul leh u qabteen iyaga oo kaashanaya hubka difaaca.
Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegay in weeraradii habeenki Arbacada ay fuliyeen ay qeyb ka ahaayeen "Howlgalka Ballanqaadka Runta 3".
Iyadoo warbixinta Pentagon-ka hore loo shaaciyay, madaxweyne
ku xigeenka JD Vance ayaa wareysi kooban siiyay NBC News isagoo sheegay in
"Mareykanku uusan dagaal kula jirin Iiraan".
"Waxaan dagaal kula jirnaa damaceeda nukliyeerka,"
ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in Mareykanku uu rumeysan yahay inuu
"burburiyay" barnaamijkii nukliyeerka ee Iiraan.
Vance ayaa sidoo kale meesha ka saaray qaar ka mid ah
dhaleeceynta Trump, isaga oo sheegay in aysan "run ahayn" in
howlgalku uu ka baxsan yahay awoodiisa madaxtinimo - sida hoggaamiyaha
Dimuqraadiga ee Aqalka Hakeem Jeffries uu su'aal hore uga keenay.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa intaa ku daray in Maraykanka iyo
xulafadiisa ay hadda ka shaqayn doonaan sidii ay "si joogto ah" u
burburin lahaayeen barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan.
Vance waxa kale oo loo qorsheeyay in uu ka soo muuqdo
barnaamijka hadalka ee ABC News subaxda dambe.
Waa maxay khataraha ka dhalan kara haddii la duqeeyo xarumaha Nukliyeerka Iran?
Israa'iil ayaa beegsatay kaabayaasha Nukliyeerka Iiraan, laakiin waxaa ay si gaar ah diiradda u saartay xarumaha kobcinta Yuraanyoomta. Sida laga soo xigtay hay'adda tamarta Atoomikada Caalamiga ah, xarunta Natanz ee ku taalla bartamaha Iiraan ayaa waxyeello aad u daran ay soo gaartay.
Xarunta kale ee kobcinta Yuraanyoomta Iiraan, ee Fardow ayaa laga dhex dhisay gunta hoose ee buuraha, waxaana burburinta adeegeeda Nukliyeerka uu yahay ''walaac qotodheer''
Isniintii, agaasimaha guud ee hay'adda, Rafael Grossi ayaa sheegay colaada ay sii kordhinayso inay sii dayso shucaac ku dhalinaya cawaaqib daran bini'aadamka iyo deegaanka.
Xarumaha kobcinta yuraanyoomta ayaa loo adeegsadaa soo saarista nooc gaar ah oo yuraanyoom ah ama nooc ka mid ah kiimikada (isotope).
Sidee ayay dalalka Carabta uga falceliyeen weerarka Mareykanka ee Iiraan?
Waxaa nasoo gaartay falcelin caalami ah oo badan saacadihii u
dambeeyay ka dib markii Mareykanka uu duqeeyay goobaha nukliyeerka ee Iiraan.
Waddamada Carabta ayaa si degdeg ah uga jawaabey, halkan ka akhriso
hadalka ay sheegeen:
Cumaan oo dhexdhexaadinaysay wada-hadallada nukliyeerka
ee u dhexeeya Washington iyo Tehran, ayaa si adag u cambaaraysay duqaymaha
Maraykanka ee goobaha nukliyeerka ee Iiraan.
Saldanadda Khaliijka "wuxuu muujinayaa walaac
qoto dheer, iyo cambaareyn ku wajahan kororka ka dhashay duqeymaha tooska ah ee
uu bilaabay Mareykanka".
Sacuudi Carabiya, oo xiriir adag la leh Mareykanka,
isla markaana ah mid ka mid ah xulafada ugu dhow ee gobolka, ayaa sheegtay inay
cambaareysay "ku xadgudubka madax-bannaanida Iiraan, waxayna carrabka ku
adkeynaysaa baahida loo qabo xakamaynta", iyadoo ugu baaqday beesha
caalamka "inay labanlaabaan dadaalka xaaladahan aadka u xasaasiga ah si
loo gaaro xal siyaasadeed".
Wasaaradda arrimaha dibadda Qadar ayaa ka digtay in
xiisadda halista ah ee hadda jirta ay horseedi doonto cawaaqib xumo heer gobol
iyo heer caalami ah. Waxay sheegtay inay "rajaynayso in dhammaan
dhinacyada ay ku dhaqmi doonaan xigmad iyo xakamayn waqtigan."
Masar ayaa ka digtay "khatarta gobolka oo u sii
gudbaysa fowdo iyo xiisad hor leh," iyadoo ku nuuxnuuxsatay in "xalka
siyaasadeed iyo gorgortanka dublamaasiyadeed, ee aan ahayn xal milateri, ay
yihiin habka keliya ee looga bixi karo dhibaatada".
Dhanka kale, Madaxweynaha Lubnaan, Joseph Aoun ayaa
sheegay in "duqeynta xarumaha nukliyeerka Iiraan ay sare u qaadayso heerka
cabsida laga qabo inay sii kororto xiisadaha khatarta ku ah ammaanka iyo
xasilloonida in ka badan hal gobol iyo waddan".
Maxaa Iiraan u furan? Wasiirka arrimaha dibadda ayaa la weydiiyay
Xigashada Sawirka, .
Waxaan haddaidiin soo gudbin karnaa hadallo kale oo ka soo baxay shirkii jaraa'id ee wasiirka arrimaha dibadda Iiraan Arakchi ee Istanbul.
Waxaa la weydiiyay in dalkiisa uu ka fekerayo in la beegsado saldhigyada ciidamada Mareykanka ee gobolka ama in la xiro marin biyoodka Hormuz.
Hay’adda Caalamiga ah ee Quwadda Nukliyeerka (IAEA) ayaa
berri yeelan doonta kulan degdeg ah “iyadoo la eegayo xaaladda degdegga ah ee Iiraan”,
sida uu sheegay madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta nukliyeerka.
Dhanka kale, madaxa Nukliyeerka Iiraan, Mohammad Eslam ayaa
warqad u diray IAEA, isagoo sheegay in Tehran ay rabto in baaritaan lagu
sameeyo weeraRradii Mareykanka, ayna ku boorineyso ilaalada inay cambaareyso
falka Mareykanka, sida ay ku warrantay warbaahinta Iiraan.
Hore, IAEA waxay u xaqiijisay inaysan jirin "kor u
kac" heerarka shucaaca ka dib markii Maraykanku uu weeraray saddex goobood
oo nukliyeer ah oo ku yaal Iiraan.
Ilhaan Cumar oo ka hadashay duqeymaha Mareykanka ee Iiraan
Xildhibaanadda
laga soo doorto gobolka Minnesota ee ka tirsan Golaha Wakiillada Mareykanka,
Ilhaan Cumar ayaa war kasoo saartay duqeymaha Maraykanka ee Iiraan, iyadoo
sheegtay in weerarkaas la fuliyay iyadoo aan amar laga heysan Kongareeska
dalkaas.
“Waxay calaamad u
tahay kasii darid khatar ah oo aan loo meel dayin oo ku saabsan dagaalka
haatanba sii fidiya ee Bariga Dhexe,” ayay tiri.
"Weerarrada militarigu
nabad ma keenayaan, kaliya waxay hurin doonaan rabshado badan, waxay khalkhal
gelinayaan gobolka, waxayna halis gelinayaan ciidamada Mareykanka iyo dadka
rayidka ah. Waxaan aragnay waxa dhaca marka dibloomaasiyadda laga beyro oo laga
door bido dhanka bambooyinka, waxay keliya keenaysaa dhimasho iyo burbur badan.
"Koongareesku
waa inuu si degdeg ah ugu codeeyaa Rep. Thomas Massie iyo Qaraarka Awoodaha
Dagaalka ee Sen. Tim Kaine marka aan ku soo laabanno kalfadhiga. Dadka
Maraykanku way ka daaleen dagaal aan dhammaadka lahayn, waxaan u baahannahay
inaan joojinno waallidan ka hor inta aan nafo badan la waayin."
Ciidamada Soomaaliya oo Aadan Yabaal ku burburiyay xarumo muhiim u ahaa al-Shabaab
Ciidamada Soomaaliya
ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen Xaafadda Howlwadaag ee degmada Aadan
Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa burburiyay labo xarumood oo muhiim u
ahaa al-Shabaab, kuwaas oo lagu diyaarin jiray gaadiidka dagaalka iyo keydinta hubka,
sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda.
M ka mid ah
goobaha la beegsaday ayaa waxaa lagu diyaarinayay gaadiidka lagu soo xiro
walxaha qarxa, sida wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA ay kasoo xigatay ilo
laamaha ammaanka ka tirsan.
Mas’uuliyiinta
ayaa xaqiijiyay in howlgalkan uu muujinayo guulo la taaban karo oo laga gaaray
dadaallada lagu burburinayo kaabayaasha howlgallada ee al-Shabaab ee gobolka,
ayay SONNA intaa ku dartay.
Madaxweynaha Israa'iil ayaa hadda uun soo saaray war-saxaafadeed, isagoo weerarka Donald Trump ee Iiraan ku timaamay “mid taariikhi ah”.
Isaac Herzog ayaa sheegay in erayada Trump ay muujinayaan “isbahaysiga qotada dheer ee dhiirranaanta leh” ee ka dhaxeeya Israa'iil iyo Mareykanka.
Balse wuxuu sidoo kale ka digay in “ololaha uusan weli dhammaan”, isagoo intaa raaciyay “in maalmaha soo socda ay noqon doonaan kuwo xasaasi ah, isku dhafan, oo caqabado leh”, wuxuuna dadka Israa'iil ku boorriyay inay raacaan tilmaamaha naf-badbaadinta ee saraakiisha.
Maxaan Iran loogu ogoleyn in ay yeelato hubka Nukleerka?
Mas'uuliyiin ka kala socda Mareykanka iyo Iran ayaa wadahadallo fool ka fool ah ku yeeshay magaalada Muscat ee caasimadda Oman, iyagoo isku dayaya in ay gaadhaan heshiis cusub oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka ee Iran.
Horey waxaa u jiray heshiis nukliyeer oo ay kala saxiixdeen Iran iyo quwadaha waaweyn ee caalamka, balse sannadkii 2018, Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in Mareykanku uu ka baxayo heshiiskaas, isagoo sidoo kale Iran saaray cunaqabateyn dhaqaale, taasoo si rasmi ah uga xanaajisay Tehran.
Markii uu xilka la wareegay, Madaxweyne Trump wuxuu bilaabay wadahadallo cusub oo ku saabsan heshiis nukliyeer oo cusub oo uu Iran la yeelanayo, wuxuuna uga digay in haddii wadahadalladaasi si guul leh ku dhammaan waayaan, ay suurtagal tahay in tallaabo milatari laga qaado dalkaas.
BBC waxay ogtahay in UK aysan ku lug lahayn weerarrada Mareykanka ee Iiraan
BBC waxay ogtahay in UK aysan ku lug lahayn weerarrada uu Mareykanku ku qaadat goobaha nukliyeerka Iiraan, iyadoo raysal wasaaraha dalkaas goor hore la ogeysiiyay inay dhici doonaan weerarrada.
Waa kuma taliyaha sare ee Iiraan ee loo maleynayay inuu dhintay ee hadda farriinta u soo diray Khamenei?
Warbaahinta Iran ayaa ku warantay in Ali Shamkhani, oo ah la taliyaha sare ee dhanka siyaasadda ee hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan Ayatollah Ali Khamenei, uu xaaladdiisa wanaagsan tahay ka dib markii uu dhaawac culus ka soo gaaray weerar ay Israa'iil fulisay.
Tani waxay timid maalmo ka dib warar is khilaafaya oo ku saabsan dhimashadiisa duqaymaha Israa'iil. Haddaba waa kuma Shamkhani? Maxaanse ka ognahay jaranjarooyinka uu u maray jagooyin kala duwan oo uu soo qabtay .
"Waan noolahay oo diyaar ayaan u ahay inaan nafteyda huro," ayuu Cali Shamkhani ku yiri warqad uu u diray hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan Ali Khamenei, oo ay daabacday warbaahinta dowladda Iiraan Jimcihii.
Farriintiisa oo ay daabaceen wakaaladaha wararka ee Iiraan ayaa u qornayd sidan: "Guushu waa soo dhawdahay, magaca Iiraan waxa uu ahaan doonaa mid aan dhimanayn taariikhda, sida had iyo jeer".
War deg deg ah, Khasaaraha ka dhashay gantaallo Iiran ku garaacday gudaha Israa’iil
Waxa hadda na soo gaaray war kale oo ka soo baxay adeega gurmadka
degdega ah ee Israa’iil, kuwaas oo sheegaya in 16 qof hadda laga daweynayo
dhaawacyo ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya duqaymaha Iran.
Mar sii horreysay, adeega gurmadka deg dega ee Magen David
Adom, wuxuu sheegay in 11 qof ay ku
dhaawacmeen weerarradii aroornimadii hore ee saakay.
Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah.
Hal nin, oo qiyaastii 30 jir ah, kaas xaalad dhexdhexaad ah
ku jira qabana dhaawac ka soo soo garay firir qaybta sare ee jirkiisa.
War deg deg ah, Ra'iisul Wasaaraha UK Keir Starmer,: Iiran waa inay ku soo noqotaa miiska wadahadalka
Xigashada Sawirka, EPA
Qoraalka sawirka, .
Waxaan hadda maqlaynaa Ra'iisul wasaaraha UK Keir Starmer,
kaas oo sheegay in Maraykanku uu qaaday tallaabo uu ku yareynayo "khatarta
weyn" ee barnaamijka Nukliyeerka Iran.
War qoraal ah oo uu soo saaray waxa uu ku yidhi:
“Barnaamijka Nukliyeerka Iran waxa uu khatar weyn ku yahay ammaanka caalamiga
ah, Iran marna looma ogolaan karo in ay samaysato hub Nukliyeer ah,
Maraykankuna waxa uu qaaday tallaabo uu ku yareynayo khatartaas.
"Xaaladda Bariga Dhexe ayaa weli ah mid kacsan,
xasilloonida gobolka ayaa ah mudnaanta koowaad, waxaan ugu baaqaynaa Iran inay
ku soo laabato miiska wadahadalka oo ay gaaraan xal diblomaasiyadeed si loo soo
afjaro dhibaatadan."
War deg deg ah, Duqaymaha Iiran oo lagu beegsaday goobo uu ka mid yahay garoonka diyaaradaha Israa’iil ee Ben Gurion
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, .
Iran ayaa bartilmaameedsatay dhowr goobood oo Israa'iil ah,
oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion, sida uu sheegay telefishinka dowladda Iran.
Goobaha kale ee la soo wariyey in la bartilmamaeedsaday
waxaa ku jira saldhigyo taageero, xarumo talis, xarun hagid iyo xarun
cilmi-baaris oo bayooloji ah.
Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in ciidamada ilaalada
kacaanka Islaamiga ah ee IRGC ay shaaciyeen in weerarka loo adeegsaday
gantaalada riddada dheer.
Iiran oo sheegtay in duqaymaha Maraykanku yeelan doonaan cawaaqib waara
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Seyed Abbas Araghchi,
ayaa cambaareeyay duqeymihii Maraykanka isagoo ku tilmaamay "mid fool
xun" wuxuuna sheegay in Iran ay hayso "dhammaan doorashooyinka si ay
u difaacdo madaxbannaanideeda."
"Waa dhacdooyin fool xun oo subaxnimadan dhacay,
waxayna yeelan doonaan cawaaqib waara. Xubnaha Qaramada Midoobay waa inay ka
digtoonaadaan falalkan halista ah, sharci-darrada ah iyo dhaqan dambiyeedka ah
," ayuu ku yir qoraal uu soo dhigay bartiisa X ee horrey loo oran jiray
twiter.
Araghchi waxa uu intaa ku daray in Maraykanku uu "ku
xad-gudbay" axdiga Qaramada Midoobay isaga oo xubin ka ah Golaha Ammaanka
ee Qaramada Midoobay.
War deg deg ah, Israa’iil ayaa mowjado cusub oo weeraro ah ka bilowday galbeedka Iran – militariga Israa’iil
Milatariga Israeli ayaa sheegay in ciidanka cirka ay hadda
bilaabeen mowjad cusub oo weerarro ah oo lagu qaadayo "bartilmaameedyo
militari" oo ku yaalla galbeedka Iran.
Waxa ay timid ka dib markii ciidamada difaaca Israel (IDF)
ay soo saareen digniin saacadii ugu dambeysay ay ku sheegeen in ay ogaadeen
gantaalo laga soo riday Iran oo ku wajahan dhulka Israa’iil.
IDF waxay intaa ku dartay inay sidoo kale fuliyeen duqeymo
lagu bartilmaameedsaday goobaha lagu soo tuuro gantaallada gudaha dhulka Iran.
Maxaan ka ognahay weerarrada Maraykanka ee xarumaha nukliyeerka Iiraan
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in
diyaarado dagaal oo Mareykan ah ay duqeeyeen saddex xarumood oo nukliyeer ah oo
ku yaalla Iiraan, taasoo calaamad u ah koror weyn oo ku yimid colaadda sii
socota ee u dhexeysa Iiraan iyo Israa’iil.
Mid ka mid ah bartilmaameedyada weerarka ayaa ahaa xarunta Fordo — warshad lagu kobciyo uranium oo si qarsoodi ah ugu taal meel buuraley ah oo fog, muhiimna u ah hamiga nukliyeerka Iiraan.
Labada xarumood ee kale ee muhiimka ah — Natanz iyo Isfahan — ayaa sidoo kale la duqeeyay.
Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa sheegay in ay si buuxda ula shaqeynayeen Mareykanka marka la qorsheynayay weerarradan.
Sida ay warbaahinta CBS News u sheegeen mas’uuliyiin Mareykan ah, Mareykanku wuxuu Sabtidii la xiriiray Iiraan iyada oo loo marayo waddooyin diblomaasiyadeed, isagoo u sheegay in duqeymahaasi ay yihiin wax kasta oo uu damacsan yahay, isla markaana uusan qorsheynin in xukunka Iiraan la beddelo.
Lama hubo weli heerka saxda ah ee khasaare gaaray xarumaha la weeraray — hase yeeshee hay’adda kormeerka nukliyeerka ee Qaramada Midoobay (IAEA) ayaa sheegtay in aan la diiwaangelin wax koror ah oo heerka shucaaca ah meel ka baxsan goobahaasi.
Warrarkii ugu dembeyey Maraykanka oo duqeeyey saddex ka mida xarumaha Nukliyeerka Iran
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, ,
Mareykanka ayaa sheegay in uu weerar ku qaaday saddex
xarumood oo Nukliyeer ah oo ku yaalla Iran oo kala ah Natanz, Isfahan iyo Fordo - kan
dambe ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa bartilmaameedkii ugu adkaa uguna qiimaha
badnaa.
Khudbad uu telefishinka u jeediyay shacabka, ayuu Trump ku
ammaanay howlgalka isagoo ku tilmaamay "guul millatari oo cajiib ah",
isagoo uga digay Tehran inay si degdeg ah nabadda u sameyso haddii kale ay
wajihi doonto weerarro "ka sii weyn".
Mareykanka ayaa lagu soo waramayaa inuu adeegsaday
bambaanooyin culus oo laga soo tuuray B-2, bambooyin qarsoodi
ah iyo gantaalada Tomahawk cruise missiles - faahfaahinta waxaa lagu dhawaaqi
karaa warbixin kooban oo Pentagon ah galinka dambe ee Axadda.
Warbaahinta Iran ayaa qirtay qayb ahaan in la weeraray
xarunta Fordo oo lagu “weerarray duqaymaha cadowga”laakiin waxay hoos u
dhigaysaa baaxada khasaaraha.
Tehran ayaa mar sii horreysay ka digtay inay beegsan doonto
danaha Mareykanka ee Bariga Dhexe, si ay uga aargoosato weerar kasta oo
Mareykanka uu geysto - illaa iyo hadda waxa ay gantaallo ku gantay dhanka Israa’iil,
iyadoo qaraxyo laga maqlay magaalada Qudus.
Qoraalka sawirka, Cabbaas Araqchi oo safar ku tagay Norway maalin ka hor weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Iran
Iyadoo hawada Iran xiran tahay, wasiirka arrimaha dibadda Iran Cabbaas Araghchi ayaa u safray Geneva isaga iyo xubno ka socda wafdiga siyaasadda Iran si ay ula kulmaan wasiirrada arrimaha dibadda ee saddex dal oo Yurub ah iyo wakiilka sare ee Midowga Yurub ee arrimaha dibadda.
Tani waxay noqoneysaa markii ugu horeysay ee uu ka tago Iran tan iyo markii ay weerareen Israel iyo bilowgii dagaalka u dhexeeya labada dal.
Lama shaacin sida uu Arakchi uga baxay Iran dagaalka ka dib.
Iyadoo hawada Iran xiran tahay ayaa su’aasha la is weydiinayaa waxay tahay sida uu wasiirka arrimaha dibadda ee Iran ugu suuragashay inuu dalka uga baxo.
Xiritaanka hawada Iran waa go’aan gudaha ah oo ka soo baxay militariga iyo hay’adaha siyaasadeed ee Iran, kaas oo lala socodsiinayo hay’adda duulista rayidka si loo fuliyo.
In kasta oo cirku ka xidhan yahay diyaaradaha, dalalku waxay soo saari karaan ogolaanshaha gaadiidka, degista, duulista, ama nooc kasta oo kale oo loo isticmaalo hawadooda xaalad kasta.
Qaabkan, marka la bixiyo oggolaanshaha, ogaysiisa ay dawladdu bixiso ayaa lagu ogeysiinayaa isbeddellada cusub ee xaaladaha hawada.
Ogeysiisyadani waa farriimo rasmi ah oo loo diro duuliyayaasha, shirkadaha diyaaradaha, iyo hay'adaha ka hagaya hawada in la xaddiday, madaarrada, meelaha la maro, ama hawada la xaddiday, la beddelay, ama khatar la geliyay, ama si ku meel gaar ah ama ujeeddo gaar ah loo furay, gaar ahaan xilliyada dagaalka.
Diyaaradda Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran kasoo qaaday wadankii ay ka yimaadeen ee ku wajahan goobaha ay ka howlgalaan ayaa ah diyaarado ay leedahay dowlada Iran oo aan loo aqoonsan duulimaad ganacsi iyo mid rakaab toona.
Marka uu Wasiirka Arrimaha Dibadda ku maqan yahay howlo shaqo oo uu dibadda u aadayo, waxaa suurtagal ah in dowladda Iran ay ku dhawaaqdo in si degdeg ah loo furay marin gaar ah, taasoo u ogolaaneysa in diyaaradda wasiirka ay baxdo.
Habkaas oo kale ayaa loo isticmaali karaa in lagu daadgureeyo dadka ajnabiga ah.
Waxa suurtogal ah in duruufo dagaal dartood loo doorto dariiqa duullimaad ee diyaaradda uu la socdo Wasiirka Arrimaha Dibadda si ay hawada Iran ugu sii jiri doonto wakhtiga ugu yar ee suurtogalka ah, isla markaana sida ugu dhakhsaha badan uga qaadi doonta goobta khatarta ah.