Waa kuma taliyaha sare ee Iiraan ee loo maleynayay inuu dhintay ee hadda farriinta u soo diray Khamenei?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbaahinta Iran ayaa ku warantay in Ali Shamkhani, oo ah la taliyaha sare ee dhanka siyaasadda ee hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan Ayatollah Ali Khamenei, uu xaaladdiisa wanaagsan tahay ka dib markii uu dhaawac culus ka soo gaaray weerar ay Israa'iil fulisay.
Tani waxay timid maalmo ka dib warar is khilaafaya oo ku saabsan dhimashadiisa duqaymaha Israa'iil. Haddaba waa kuma Shamkhani? Maxaanse ka ognahay jaranjarooyinka uu u maray jagooyin kala duwan oo uu soo qabtay .
"Waan noolahay oo diyaar ayaan u ahay inaan nafteyda huro," ayuu Cali Shamkhani ku yiri warqad uu u diray hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan Ali Khamenei, oo ay daabacday warbaahinta dowladda Iiraan Jimcihii.
Farriintiisa oo ay daabaceen wakaaladaha wararka ee Iiraan ayaa u qornayd sidan: "Guushu waa soo dhawdahay, magaca Iiraan waxa uu ahaan doonaa mid aan dhimanayn taariikhda, sida had iyo jeer".
Ali Shamkhani waxa uu ka mid ahaa asaasayaashii hore ee Ilaalada Kacaanka Iiraan iyo mid ka mid ah taliyayaasheeda sare intii lagu jiray dagaalkii Iiraan iyo Ciraaq.
Shamkhani, waxa uu ahaa la taliyaha dhinaca siyaasadda ee hoggaamiyaha ugu sarreeya Cali Khamenei, ahaana xoghayihii hore ee golaha ammaanka qaranka, waxa uu weli ahaa shakhsi caan ka ah ciidammada iyo ammaanka Jamhuuriyadda Islaamiga ah, oo inta badan lagu tilmaamo taliye istiraatijiyad iyo mid diblomaasiyadeed.
Waxa uu isu haystay in uu yahay "wiilka kacaanka", mar ayaa laga soo xigtay, "Aqoonteyda oo dhami waxa ay ka soo jeedaan kacaankan, ilaa haddana waxa aan isu haystaa in aan ahay askari darajo ahaan".
Waxaa lagu tirin jiray in uu yahay nin qunyar socod ah oo ka mid ah hay'adaha militariga, kana mid ahaa kuwa fara ku tiriska ah ee ku haray siyaasadda, amniga iyo ciidamada ilaa iyo intii ay jirtay dowladnimada kacaanka.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Weerarradani waxay daaha ka faydeen duldaloolooyinka amniga iyo sirdoonka ee Iran dhexdeeda, taas oo taliska galisay mid ka mid ah waqtiyadii ugu xasaasisanaa uguna qalafsanaa taariikhda tan iyo 1979kii.
Inkasta oo duqeymahaasi ay ahaayeen kuwo dhinaca cirka ah, haddana waxaa la tuhunsan yahay in hay'adda sirdoonka Israa'iil ee Mossad ay door muhiim ah ka ciyaartay ogaanshaha bartilmaameedyada iyo hagidda hawlgallada dhulka.
Laakiin sannadihii u dambeeyay, taariikhdiisa ciidan iyo siyaasad-ba waxa hareeyay dhaq-dhaqaaqa dhaqaale ee qaraabadiisa. Warbaahinta ayaa si weyn u dhaleeceysay "Hantidiisa gaar ahaan wiilashiisa iyo gabadhiisa arooska quruxda badan ee loogu dhigay Espinas Palace Hotel May 2024." Waligiis si guud wax su'aalo ah loogama waydiin ilaha hantidan ama qaab nololeedkiisa quruxda badan ee lagu eedeeyay, sida lagu sheegay warbixin ay qortay laanta BBC Persian.
Wakiillada Mossad ayaa la rumaysan yahay in ay adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee si qarsoodi ah lagu soo galiyay dalka si ay u beegsadaan nidaamka difaaca hawada ee Iran u haray.
Laga soo bilaabo kooxdii Mansuur ilaa aasaaskii Ilaalada Kacaanka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ali Shamkhani waxa uu ku dhashay Ahvaz 1955. Waa Carab ka soo jeeda gobolka Khuzestan, wuxuuna leeyahay afar carruur ah.
Waxa uu ahaa siyaasi ka soo horjeeday taliskii Shah ee kacaanka ka hor, waxaana la xiray dhowr jeer. Sannadkii 1975-kii, waxa uu aasaasay kooxda hubaysan ee Mansouroun, isaga oo ay weheliyaan Mohsen Rezaei, Gholam Ali Rashid, Mohammad Bagher Zolghadr, Mohammad Jahan Ara, Esmail Deghaghi, iyo rag kale.
Qaar ka mid ah kooxdan ayaa la dilay ka hor intii uusan dhicin kacaanka, ka dib guushii 1979-kii, Shamkhani iyo saaxiibbadiis waxay gacan ka geysteen aasaaskii ilaalada kacaanka Iran.
Sida ku cad buuga Rasuul Jafarian ee "Dhaqdhaqaaqa Diinta iyo Siyaasada ee Iran," kooxda Mansourun waxay ka soo baxday Khuzestan qiyaastii 1971 waxaana dib loo habeeyay 1975 si loogu daro tirooyin ay ka mid yihiin Shamkhani iyo Rezai, ka hor inta aan la ballaarin oo lagu darin magaalooyinka kale sida Tehran, Isfahan, Qom, Kashan, iyo Arak.
Kooxdan ayaa dhowr jeer hawlgalo hubaysan fulisay sannadihii 1977 iyo 1978, waxaana qaar ka mid ah xubnaha ururkaasi ay sheegeen inay xiriir la sameeyeen culimo waaweyn oo ay u soo mareen Hossein Rasti Kashani oo ka tirsan ururka Macallimiinta Seminary ee magaalada Qom.
Kacaankii ka dib, Shamkhani waxa uu gacan ka geystay aasaaska "Ururka Mojahid ee Kacaanka Islaamiga ah" isagoo ku biiray dhowr kooxood (Umma Wahida, Towhidi-e Badr, Towhidi-e Saff, Falah, Falaq, Mansourun, iyo Movahidin) si ay uga hortagaan MEK.
Si kastaba ha ahaatee, iyadoo la raacayo amarkii Khumeyni ee ahaa in ciidamada militariga laga mamnuuco ku lug lahaanshaha siyaasadda, Shamkhani iyo kooxdiisa ayaa isaga baxay ururka, taasoo markii dambe u burburtay khilaaf gudaha ah ka hor inta aan dib loo soo nooleyn 1991-kii.
Ilaalada Kacaanka iyo madaxda ciidamada

Xigashada Sawirka, Getty Images
Shamkhani waxa uu ka mid ahaa aas aasayaashii Ilaalada Kacaanka iyo taliyihiisii ugu caansanaa intii uu socday dagaalkii Iran iyo Ciraaq.
Waxa uu taliye ka ahaa laanta Khuzestan, kadibna waxa uu noqday ku xigeenka taliyaha guud ee IRGC intii u dhaxaysay 1981 ilaa 1989,isaga oo isla mar ahaa taliyaha ciidamada dhulka ee IRGC oo uu noqday ku xigeenka madaxa shaqaalaha ee sirdoonka iyo hawlgalada.
Waxa uu muddo kooban u soo noqday "Wasiirka Ilaalada Kacaanka" ee dawladdii Mir Hossein Mousavi, ka hor inta aan wasaaradda lagu biirin Wasaaradda Difaaca.
Ka dib waxaa loo bedelay ciidanka militariga, wuxuuna taliye u noqday ciidamada badda intii u dhaxeysay 1989-kii ilaa 1997-kii, waxaana u dheeraa inuu taliye u ahaa ciidamada badda ee Ilaalada Kacaanka tan iyo 1990-kii.
Magaca Shamkhani waxa uu aad u soo shaac baxay dagaalkii uu ku caan baxay "Na badbaadi!" khudbad uu u jeediyay saraakiisha bilowgii dagaalka. W
Wuxuu yiri: "Na badbaadi!, waa maxay hay'ad rasmi ah oo aan xitaa haysanin hub gaar ah, ma aadan tababarin ilaaladii shahiiday...150 ka mid ah ilaaladii Mohammerah, 30 ka mid ah ayaa soo haray, waxaan u adkeysan karnaa 30 hoobiye muddo saddex bilood ah.. Shuhadadeenii 25 maalmood ka hor weli aan la aasin, na badbaadi, waxaan u baahanahay hub iyo sahay."
Sida laga soo xigtay xasuus-qorka Hashemi Rafsanjani, Shamkhani wuxuu u tartamay doorashadii madaxtinimo ee 2001 "isagoo dhiirigelinaya taliyeyaasha IRGC." Waxa loo dalacsiiyay darajada Admiral sannadkii 1999-kii, waxaana saddex jeer la guddoonsiiyay billadda Fat ee hoggaamiyaha sare.
Waxa uu soo noqday wasiirka gaashaandhigga xilligii madaxweyne Mohammad Khatami, waxaana sanadkii 2000 uu Sacuudiga guddoonsiiyay bilad sharafeedka Boqor Cabdulcasiis, taasoo ah abaalmarinta ugu sareysa Sacuudiga.
Waxa uu la tartamay Khatami 2001, laakiin waxa uu helay wax ka yar hal milyan oo cod (qiyaastii 2.5%) waxana uu ku guuldaraystay codad aad u badan. In kasta oo ay niyad-jabeen dadka isbedel-doonka ah, haddana waxa uu sii hayay xilkiisii wasiirka gaashaandhigga.
September 10, 2013, Shamkhani waxaa loo magacaabay Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka, isagoo bedelay Siciid Jaliili.
Hassan Rouhani ayaa markii dambe qoray in dooqiisa koowaad iyo labaad, Ali Akbar Nategh Nouri iyo Mohammad Foruzandeh, labaduba ay diideen jagadaas, wuxuuna soo jeediyay Shamkhani inkastoo Khamenei uu ka caga jiidayay. Waxa uu sheegay in markii dambe uu ka qoomameeyay xilka loo magacaabay balse uu ka laaban waayay.
Door miyuu ku lahaa wadahadallada nukliyeerka?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sida lagu sheegay xog ay daabacday laanta BBC Monitoring, wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa soo saartay bayaan 4-tii February ay ku sheegtay mas'uuliyadda wadahadalka Nukliyeerka, taasoo jawaab u ah warbixinno ay warbaahintu baahisay oo lagu sheegay in Cali Shamkhani uu yahay mas'uulka arrintan gacanta ku haya.
Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa xaqiijisay in "wax is beddelay aysan jirin" ayna weli mas'uul ka tahay qabashada wadahadallada ku saabsan arrinta Nukliyeerka sidii ay markii hore ahayd.
War-saxaafadeedku wuxuu intaas ku daray: "Waxay noqonaysaa iyadoo aan la sheegin in Golaha Sare ee Amniga Qaranka uu sii wadi doono inuu go'aamiyo istaraatiijiyadda gorgortanka iyo isku-dubbaridka dhinacyada ay khuseyso."
Website-ka rasmiga ah ee dowladda Iran iyo shabakadda warbaahinta Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran (IRIB) ayaa ka warbixiyay booqashadii Shamkhani ee "Guulooyinkii ugu dambeeyay ee Warshadaha Nukliyeerka", iyagoo ula jeeday mas'uulka u qaabilsan barnaamijka Nukliyeerka ee Iiraan.
Mas'uuliyadda wadahadalka caalamiga ah ee barnaamijka Nukliyeerka Iiraan ayaa horay ugu dhacay Golaha Ammaanka Qaranka ee Sare, laakiin waxaa loo wareejiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda sanadkii 2013.













