Iiraan oo mar kale cabsi ka qabta Mareykanka digniinna jeedisay

Mareykanka waa in uu meesha ka saaraa weerar kale oo ka dhan ah Iran haddii uu doonayo in uu dib u bilaabo wadahadalka diblomaasiyadeed, waxaa sidaa BBC u sheegay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Iiraan.
Majid Takht-Ravanchi waxa uu sheegay in maamulka Trump uu u sheegay inuu doonayo inay Iran ku soo laabtaan wada xaajoodka, laakiin "ma aysan cadeyn mowqifkooda" ku saabsan "su'aasha aadka muhiimka u ah" ee weeraro kale inta ay socdaan wadahadalo.
Hawlgalka militariga Israel, oo bilowday saacadihii hore ee 13-kii June, ayaa meesha ka saaray wareeggii lixaad ee wadahadalada aan tooska ahayn ee lagu waday in ay ka dhacaan Muscat laba maalmood ka dib.
Maraykanka ayaa si toos ah ugu lug lahaa dagaalkii u dhexeeya Israa'iil iyo Iran todobaadkii hore markii uu duqaymo la beegsaday saddex goobood oo Nukliyeerka ah.
Takht-Ravanchi waxa kale oo uu sheegay in Iran ay "ku adkaysan doonto" inay awood u yeelato inay tayayso uraniumka waxa ay ku sheegtay ujeedooyin nabadeed, isaga oo diiday eedaymaha ah in Iran ay si qarsoodi ah ugu socotay horumarinta bamka Nukliyeerka.
Waxa uu sheegay in Iran "loo diiday in ay hesho walxo nukliyeer ah" barnaamijkeeda cilmi-baariseed sidaa darteed loo baahan yahay "in aan nafteena isku halleyno".
"Heerkaas waa laga wada hadli karaa, awoodda waa laga wada hadli karaa, laakiin in la yiraahdo ma tayayn kartaan Yuuraaniyamka, haddii aad heshiin waydaanna waan idin duqeyneynaa – waa sharciga kaynta" ayuu yiri wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda.
Israa'iil waxay bilowday weeraradeeda, iyadoo bartilmaameedsanaysa goobaha nukliyeerka iyo militariga iyo sidoo kale dilka taliyeyaasha iyo saynisyahannada, Iran 13-kii June, iyadoo sheegtay in Tehran ay ku dhowdahay inay sameysato hub nukliyeer ah.
Iran ayaa kaga jawaabtay gantaallo ay ku weerartay Israa'iil. Dagaalka ayaa socday muddo 12 maalmood ah, xilligaasoo Mareykanku uu bambaanooyin ku tuuray saddex ka mid ah goobaha Nukliyeerka ee Iran: Fordo, Natanz iyo Isfahan.
Ma cadda heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaca barnaamijka Nukliyeerka Iran ee duqeymaha Mareykanka, waxaana Takht-Ravanchi uu sheegay in uusan bixin karin qiimeyn sax ah.
Rafael Grossi oo ah madaxa hay'adda caalamiga ah ee tamarta Nukliyeerka ee IAEA ayaa sheegay in duqeymahaasi ay sababeen khasaare ba'an balse "uusan ahayn gabi ahaanba", halka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu shaaca ka qaaday in gabi ahaanba la baabi'iyay xarumaha Nukliyeerka ee Iran.
Grossi waxa kale oo uu sheegay in Iran ay awood u leedahay in ay dib u xoojiso uranium-ka mar kale "bilo gudahood". Isaga oo ka jawaabaya, Takht-Ravanchi waxa uu sheegay in aanu garanayn in taasi ay ahaan doonto iyo in kale.

Xigashada Sawirka, EPA
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xiriirka Iran iyo hay'adda IAEA ayaa noqday mid sii xumaanaya. Arbacadii, baarlamaankeedu waxa uu u dhaqaaqay in uu hakiyo wada shaqayntii uu la lahaa hay'adda ilaalinta atomikada, iyaga oo ku eedeeyay IAEA in ay la safan tahay Israa'iil iyo Maraykanka.
Trump ayaa sheegay in uu "gabi ahaanba" ka fikiri doono in mar kale la duqeeyo Iran haddii sirdoonku ogaadaan in ay tayeyn karto uranium-ka heerar khuseeya.
Takht-Ravanchi waxa uu sheegay in aan la isla meel dhigin taariikhda suurtagalka ah in ay dib ugu soo laabtaan wada hadalada, isla markaana aanu garanayn waxa ku saabsan ajandaha shirka, ka dib markii uu Trump soo jeediyay in laga wadahadli karo todobaadkan.
Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Iran ayaa yiri "hadda waxaan jawaab u raadineynaa su'aashan: ma waxaan arki doonnaa fal gardaro ah oo soo noqnoqday inta aan wadahadal ku jirno?"
Waxa uu sheegay in Maraykanku uu "si cad ugu caddeeyo su'aashan aadka muhiimka ah" iyo "waxa ay na siinayaan si aan u samayno kalsoonida lagama maarmaanka ah ee looga baahan yahay wadahadalka noocaas ah".
Mar la weydiiyay in Iran ay ka fiirsan karto inay dib uga fakarto barnaamijkeeda Nukliyeerka oo qayb ka ah heshiis kasta, iyadoo laga yaabo inay ku soo noqoto cunaqabateynta iyo maalgashiga dalka, Takht-Ravanchi wuxuu yiri: "Maxay tahay sababta aan u ogolaaneyno soo jeedinta noocaas ah?"
Waxa uu ku celceliyay in barnaamijka Iran, oo ay ku jiraan tayeynta uranium-ka ilaa 60%, uu yahay "ujeeddooyin nabadeed".
Sida ku cad heshiiskii nukliyeerka ee 2015 ee quwadaha adduunka, Iran looma ogolayn inay tayayso uranium ka sarraysa 3.67% nadiif ah - heerka looga baahan yahay shidaalka warshadaha tamarta nukliyeerka ee ganacsiga - loomana ogola inay wax kobcin ah ka sameyso warshadeeda Fordo muddo 15 sano ah.
Si kastaba ha ahaatee, Trump ayaa ka baxay heshiiska 2018-kii markii ugu horreysay ee uu madaxweyne noqday, isagoo sheegay in ay wax yar ka qabatay joojinta waddo loo maro bamka niyukleerka, wuxuuna dib u soo celiyay cunaqabateyntii Mareykanka.
Iran waxay kaga jawaabtay iyadoo si isa soo taraysa u jebisay xannibaadaha - gaar ahaan kuwa la xiriira tayeynta. Waxay dib uga bilawday kobcinta Fordo sanadka 2021 waxayna tayeysay ilaa 60% uranium ku filan si ay u samayso sagaal bam oo nukliyeer ah, sida ay sheegtay IAEA.
Iyadoo lagu cadaadinayo hoggaamiyeyaasha Yurub iyo reer galbeedka oo aan kalsooni ku qabin Iran, Takht-Ravanchi wuxuu ku eedeeyay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Yurub "wax lagu qoslo" oo ay taageereen weerarrada Mareykanka iyo Israa'iil.













