Muxuu yahay nidaamka PISCES ee Mareykanka ee lagu soo kordhiyey socdaalka Soomaaliya?

Xigashada Sawirka, HSJ
Hay'adda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa hirgelisay hannaan cusub oo loo yaqaan PISCES, kaas oo ah nidaam casri ah oo ay mas'uuliyiinta hay'adda ku sheegeen inuu wax weyn ku soo kordhinayo horumarka socdaalka dalka.
Sida uu BBC-da u sheegay agaasimaha guud ee Haya'dda Socdaalka iyo Jinsiyadaaha Soomaaliya, Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, nidaamkan PISCES, oo ay isticmaalaan in ka badan labaatan dal ayaa Soomaaliya u sahlaya inay la jaanqaaddo nidaamyada caalamiga ee adduunka.
"Barnaamij wuxuu ka mid yahay dadaalo ay ka wadno haya'adda taas oo ugu talagalnay inaan dadka siino adeeg fiican há'yadduna la jaanqado adduunka intiisa kale"ayuu yiri Dhuxulow.
Hannaankan PISCES, ayaa baddelaya barnaamijkii horey ay hay'addu isticmaali jirtay.
Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya,Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo ka qayb galay kulanka lagu daahfurayey nidaanka PISCES, ayaa xusay in hannaankan uu sare u qaadayo awoodda dowladda ee la socodka dhaq-dhaqaaqa dadka, xakameynta tahriibka iyo dambiyada la xiriira, isla markaana uu kaalin mug leh ka qaadan doono sugidda amniga qaranka.
Yaa ka caawiyey nidaanka PISCES ee Soomaaliya?

Xigashada Sawirka, HSJ
Dowladda Maraykanka ayaa ka gacan ka siiyey Soomaaliya hannaankan cusub ee PISCES, kaas oo ay sidoo kale tabarayaal ka socda Maraykanku ay Muqdisho ku tababareen saraakiil ka tirsan hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo ku shaqaynaya hannaankan cusub sida uu BBC-da u sheegay agaasime Dhuxulow.
Qalabka nidaamkan cusub ee PISCES, ayaa lagu rakibay Muqdisho kaas oo hadda looga shaqa bilaabay garoonka Aadan Cabduule ee magaalada Muqdisho.
"Barnaamijka waa la rakibay waa la tijaabiyey, waana lagu guuleystay, wuxuu u saamaxayaa Soomaaliya inay qayb ka tahay socdaalka adduunka, dadka soo galaya iyo dadka ka baxayana in Soomaaliya heli karto xogtooda, lana aamini karo haya'addeena Socdalka lana jaanqaadi karno hay'addaha socdaalka ee adduunka inteeda kale" ayuu yiri Mustaf Dhuxulow.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Agaasime Mustaf dhuxulow, wuxuu sheegay inay wadashaqayn yeellan doonaan dowladaha ku jira hannaanka PISCES, iyo booliska caalamiga ee Interpol taas u ogolaanaysa inaysan Soomaaliya noqon meel halaq mareena.
"Waxaa si horumarsan u ogaan karaynaa cidkasta, waxaana adkaan doonto in dalka Soomaaliya ay ku dhuumaaleystaan dadka Al-qaacidada ah, ama alshabaab ah ama xagjirka ah ama dadka dambiyada adduunka ka soo galay, waxaanana nalaga aamini doonnaa adduunyada , garoomada Soomaaliya uu ugu horreeyo kan Muqdishana dadka ka duulana waxaa la ogaan doonaa inay yihiin dad soo maray nidaamka, qalabyo farabadan ayaa lagu soo kordhiyey oo lagu ogaan karo, iska daa Soomaaliyee kaliye dadka dambiyada adduunka ka galay ayaa halkan lagala socon karaa,"ayuu BBC-da u sheegey agaasime Mustaf Dhexe.
Dhuxulow, waxaa uu xusay in dhawaan si weyn loogu eedeyey sida dukumentiyada ay ku bixiyaan Basaboorka, balse ay hadda billaabeen wadashaqaynta hay'adda NIRA, iyo CID-da.
Isagoo sharaxay isbaddelo lagu sameeyey qaabkii hore ee lagu qaadan jiray Basaboorka ayuu xusay Dhuxulow, in hadda la joojiyey badddelka da'da ama magacoodii hore.
"Qofku wuxuu noqon karaa qof dambi soo galay, qof deyn ka soo qaatay Bankiyo oo lacag fara badan lagu leeyahay qof wuxuu noqon karaa dal intuu ka soo guuray mid kale u guuraya ma rabno in hay'addaha socdaalka adduunka in qofka Soomaaliya tagan yahay im maalin walba la joojiyo oo xog cusub lagu helo, waxaana hubin doonaa in xogta ay haystaan ay tahay mid sharaci taas ayaana lagu aamini karaa baasaboorkeena"ayuu yiri Musftaf.
Muxuu yahay nidaamka PISCES?
Nidmaanka PISCES, waxaa bilowday wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka waaxdeeda Ka Hortagga Argagixisada sanadkii 1997-dii . Ujeedada mashruucan ayaa ahayd in dalalka la siiyo nidaam kombiyuutar ah oo casri ah si ay u horumariyaan awooddooda la socodka dadka laga shakiyo – gaar ahaan kuwa argagixisada lala xiriiriyo – iyo fududeynta habka socdaalka iyo soo gelidda dalka.
Dowladaha shisheeye ayaa loo xilsaaray inay isticmaalaan nidaamka si ay u sameeyaan liisaska dadka laga shakiyo, ulana wadaagaan xogtaas Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.
Xogta ay la socdaan waxaa ka mid ah sawirrada wejiga, faraha, iyo macluumaadka shakhsiyadeed ee dadka u socdaalaya Mareykanka kana soo baxaya dalal "khatar sare leh".
PISCES, ayaa ka kooban qalabyo kala duwan sida Kamarado, barayaal baasaboorda ah kuwaas oo bixiya tababaro, rakibaad iyo taageero farsamo intaba.
Xarumaha socdaalka, booliska, iyo hay'adaha sirdoonka ee dalalka ka qeybgalaya nidaamkan ayaa si toos ah uga heli kara xogta laga aruuriyay xarumaha socdaalka iyadoo loo marayo wide area network (WAN).
Sanadkii 2007-dii ayaa nidaamka lagu kordhiyey kartida ogaanshaha dukumentiyada been abuurka ah,baadhitaanka biyomeetrikada (faraha ) iyo hagaajinta habka raadinta magacyada.
Sidaas oo kale sanadkii 2010-2011ayaa hannaanka laga qayb galiyey dalal Maraykanku arko kuwa khatar sare oo ammaan leh sida dalalka Ciraaq, Afganistan iyo Pakistan.













