Maxay tahay sirta ku duugan manida ragga ee saynisyahannadu ku wareersan yihiin?

mani

Sidee bay shahwadu u dhaqaaqdaa? Sidee bay u socdaan? Maxay shahwadu ka samaysan tahay? Muxuu ka leeyahay koodh jabiyaha dagaalkii labaad ee aduunka? BBC-du waxay kala furfurtay sababta aan wax yar uga ogaanay unuggaan dahsoon.

Garaac walba oo wadnaha ah, ninku waxuu soo saari kara qiyaastii 1,000 xabbo oo mani ah inta lagu guda jiro galmada, in ka badan 50 milyan oo ka mid ah manidaas geesiyaasha ah ayaa u kicitima si ay u bacrimiyaan ugxan. Keliya tiro yar ayaa gaadha meesha loogu talagalay, ka hor inta aysan hal mani ka ah oo ku guleysata tartanka aysan dhex galin ugxanta.

Laakiin wax badan oo ku saabsan safarkan dheer – iyo manida laftaheeda ee yaryar weli waa sir aan cilmiga sayniska si fiican loogu fahmin.

"Sidee bay manidu u socotaa? Sidee bay ku heshaa ugxanta? Sidee bay u bacramisaa?" ayey is weydiinaysaa Sarah Martins da Silva, oo ah bare sare oo ku takhasustay cudurka macaanka, hormoonnada, iyo cilmi-nafsiga taranka oo ka howgasga jaamacadda Dundee ee UK. In ka badan 350 sano kadib markii la helay manida, su'aalo badan oo la xidhiidha arrimahan ayaa weli si la yaab leh u ah kuwo aan weli la isku raacsanayn.

Iyagoo adeegsanaya farsamooyin cusub, saynisyahannadu waxay hadda si dhow ula soconayaan socdaalka manida; laga soo bilaabo markay ku samaysmaan xiniinyaha ragga ilaa marka ay ugxanta bacraniyaan gudaha jirka dumarka.

Natiijooyinkuna waxay horseedayaan helitaanka waxyaabo cusub oo la yaab leh, laga bilaabo sida dhabta ah ee manidu u dhaqaaqdo ilaa isbeddellada waaweyn ee ku dhaca markay gaaraan jirka haweeneyda.

Ma jiro unug kale oo jidhka ka mid ah oo u beddela qaab-dhismeedkiisa iyo samaysankiisa – sidaas jaadgooniga ah –adam Watkins

"Manidu – ama spermatozoa – aad bay uga duwan yihiin dhammaan unugyada kale ee jirka bini'aadamka," ayey leedahay Martins da Silva. "Ma laha hab tamar qaadasho oo la mid ah unugyada kale. Ma laha hab-dhismeedka tamar-dhallinta iyo habraacyada unugyada kale ee aan ka filan karno dhammaan unugyada kale ee jirka."

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sababo la xidhiidha shaqooyinka badan oo kala duwan oo laga rabo manida, waxay u baahan yihiin tamar ka badan tan unugyada kale. Intaas waxaa dheer, manidu waa inay noqdaan kuwo dabacsan, si ay uga falceliyaan deegaannada kala duwan iyo baahiyaha tamareed ee isbeddelaya inta lagu jiro biyo-baxa iyo safarka ay ku marayaan marin-haweeneedka ilaa ay ka bacramiyaan ugxanta.

Martins da Silva waxay sidoo kale sheegtay in manidu ay tahay unugyada kaliya ee aadmiga leeyahay ee awooda inuu ka badbaado dibadda jirka. "Taasi darteed, aad bay u takhasus gaar ah u leeyihiin." Si kastaba ha ahaatee, iyadoo ay aad u yar yihiin, unugyadan yaryar aad bay u adag tahay in la barto, ayey tidhi.

"Wax badan ayaan ka ognahay taranka – laakiin weli waxaa jira waxyaabo aad u fara badan oo aanan fahamsanayn."

Su'aal aasaasi ah oo aan weli jawaab rasmi ah loo helin in ka badan 350 sano oo cilmi-baadhis ah kadib ayaa ah: Waa maxay manidu dhab ahaantii?

"Manidu si cajiib ah ayaa loo xirxiray oo loo habeeyey," ayuu yidhi Adam Watkins, borofisar ku xigeen ku takhasusay hab-dhiska taranka iyo korriimada jirka, jaamacadda Nottingham ee UK. "Caadiyan waxaan u aragnay manida in ay tahay bac hiddo-side oo daboleh. Laakiin hadda waxaan fahmaynaa in ay tahay unug aad u adag – waxaa ku jira xog badan oo hidde-sideed ah oo kale."

Cilmiga manidu wuxuu bilaabmay sanadkii 1677, markaasoo saynisyahan Dutch ah oo lagu magacaabo Antoni van Leeuwenhoek uu eegay mid ka mid ah 500 mikroskoob oo uu gacantiisa ku sameeyey, wuxuuna arkay waxa uu ugu yeeray "xayawaanka shahwada ku jira". Markii la gaaray 1685, wuxuu rumaystay in unug kasta oo manida ah uu xambaarsan yahay qof yar oo dhamaystiran, xitaa leh "nafsad nool oo u gaar ah."

ksl

Xigashada Sawirka, Alamy

Manidu waxay qaadataa ku dhowaad sagaal toddobaad si ay ugu bislaato gudaha jirka ninka. Manida aan banaanka iman ugu dambeyn way dhimata, waxaana dib u nuugaya jirka. Laakiin kuwii nasiibka lahaa waa la biyobixiyaa – markaas ayayna sheekadu bilaabataa.

Marka biyobaxu dhaco, unug kasta oo manida ka mid ah waa inuu is-dhaqaajiyaa (iyagoo la tartamaya ilaa 50 milyan oo kale) isagoo adeegsanaya sayn u ekaha manida si uu ugusii dabaasho ugxanta. Inkastoo aad aragtay muuqaallo badan oo muujinaya manida oo sida xamaaratada u dabaalanaya, run ahaantii saynisyahannadu hadda ayay bilaabeen fahamka dhabta ah ee sida manidu u dabaasho.

Hal dariiqo oo ay cilmi-baarayaashu rajeynayaan inay iftiimiyaan shahwada waa inay bartaan noocyada kale ee aan kuweenna ahayn, ayuu yiri Scott Pitnick, oo ah borofisar bayoolajiga dhiga ah kana tirsan Jaamacadda Syracuse ee New York. Unugyada shahwada bini'aadamku waa wax yar, markaa ma ku arki karno isha qaawan. Laakiin qaar ka mid ah noocyada dukhsiga miraha waxay soo saaraan unugyada shahwada 20 jeer dhererkooda jidhkooda. Taasi waxay la mid tahay nin soo saaraya shahwo dhererkeedu yahay 40m (130ft).

Si aan si buuxda u fahanno manida, waa in aynu ka fikirnaa dhammaan marxalad kasta oo nolosheenna ah – iyo sida jirka dumarku door weyn ugu leeyahay horumarka manida, sida uu sheegay Pitnick.

"Manidu weli ma noqon qaangaadh marka ay ka soo baxdo xiniinyaha – horumarkeedu weli wuu socdaa."

Isdhexgal adag oo muhiim ah ayaa dhex mara manida iyo marinnada taranka ee haweeneyda, ayuu yidhi.

Saynisyahan Dutch ahaa oo noolaa qarnigii 17aad, laguna magacaabo Antoni van Leeuwenhoek, wuxuu aaminsanaa in ''bani’aadam yar oo dhameystiran'' uu ku jiro gudaha unugga manida (spermatozoa

Xigashada Sawirka, Alamy

Qoraalka sawirka, Saynisyahan Dutch ahaa oo noolaa qarnigii 17aad, laguna magacaabo Antoni van Leeuwenhoek, wuxuu aaminsanaa in ''bani'aadam yar oo dhameystiran'' uu ku jiro gudaha unugga manida (spermatozoa

"Hadda waqti badan ayaanu gelinaynaa barashada waxa aan ugu yeerno isbeddellada manida ku dhaca ka dib marka la biyobaxo, guud ahaan boqortooyada xayawaanka."

Inkasta oo saynisyahannadu ay si tartiib tartiib ah u furfuraan hababka faraha badan ee manidu u marto si ay u bacrimiso ugxanta, haddana cilmi-baaris kale ayaa muujinaysa walaac dhab ah oo la xidhiidha xaaladda manida bini'aadamka maanta.

Raggu waxay inta ay nool yihiin soo saaraan ku dhowaad hal trillion (1,000,000,000,000) oo mani ah, sidaas darteed way adkaan kartaa in la qiyaaso in manidu ay dhibaato ku jirto. Laakiin cilmi-baaristu waxay muujinaysaa in tirada manida (tirada laga helo muunad shahwo ah) ay hoos u dhacayso guud ahaan dunida isla markaana hoos u dhacaasi uu si xawli ah u socdo.

Sida lagu sheegay warbixin 2023 ah oo ay daabacday Hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO), ku dhawaad lixdii qof ee qaan-gaarka ah ee adduunka oo dhan mid ka mid ah ayaa la kulma dhalmo la'aan - dhalmo la'aanta ragga ayaana ah qiyaastii kala badh dhammaan kiisaska. (Waxaa sidoo kale xusid mudan in dad badan oo adduunka ah aysan dhalin caruur badan inta ay rabaan sababo kale sidoo kale, sida qiimaha mamnuuca ah ee waalidnimada, sida warbixintii Sanduuqa Dadweynaha ee Qaramada Midoobay ay dhawaan iftiimisay).

Wasakhowga hawada, sigaarka, khamriga, cunto xumo, jimicsi la'aanta iyo walbahaarka ayaa dhamaantood loo maleynayaa inay saameeyaan dhalmo la'aanta ragga. Hase yeeshee badi ragga qaba dhibaatooyinka bacriminta, sababta ayaa ah mid aan la sharraxin.