Wax ka ogow dalkan Afrika ku yaal ee fiiso iyo lacag bixin kusoo rogay muwaadiniinta reer galbeedka

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Inta badan waxaa muwaadiniinta dalalka Qaaradda Afrika ku adag in ay helaan dal-kugalka wadamada reer galkbeedka marka ay u safrayaan.

Taa badalkeeda waxaa aad u sahlan in ay muwaadiniinta dalalka reer galbeedka ay dalalka qaaradda Afrika ku yimaadaan si fudud, halka qaarkooda ay xitaa fisa la'an ku soo galaan.

Michelle Nehoya oo u dhalatay dalka Namibia waxay ku bixisay lacag ku dhaw ​​$500 codsiga fiisaha ay doonaysay inay ku booqato Canada- laakiin ku dhawaad ​​laba sano ka dib wali uma hirgalin.

Michelle Nehoya oo dad'deedu tahay 38 snao oo ku nool caasimadda Namibia ee Windhoek, ayaa aad u doonaysa inay tagto Quebec si ay u aragto eeddadeed iyo ilmo adeerteed oo aanay arag muddo toban sano ku dhow.

Codsiga dal-kugalka ayaa ah mid shaqo badan u baahan sida buuxinta foomam badan - iyo shuruudaha kale, waxay sidoo kale ku qasbanaatay inay bixiso lix bilood oo waraaqo bangi ah, warqad martiqaad ah iyo taariikh socdaal oo faahfaahsan.

Ma jirto hab looga codsado Namibia, sidaas darteed waxay ku qasbantahay inay u safarto Koonfur Afrika si ay u soo gudbiso xogteeda biometric, sida in faraha laga qaado islamarkana ay halkaas sawir geyso.

Caqabadaha ay la kulantay Michelle Nehoya ma aha wax ku cusub dadka Afrikaanka ah ee u socdaalaya waddamada reer galbeedka.

Sida laga soo xigtay shirkadda la-talinta ee Henley and Partners Sannadkii 2022, toddobo ka mid ah 10-ka waddan ee loo diiday dal-kugalka Midowga Yurub ee loo yaqaan aagga Schengen waxay ahaayeen Afrikaan.

“Waxay ahayd mid waqti dheer qaadatay oo niyad jab leh, wax sabab ah oo ay waqtigaa ay u qaadatay la iima sheegin," Ms Nehoya ayaa sidaasi u sheegtay BBC-da.

Balse, haddii qoyskeeda Quebec ay go'aansadaan inay Namibia ugu safraan baasaboorka Canada, ma la kulmayaan wax caqabad ah ama qarash ah oo la mid ah tii ay martay Nehoya.

Muwaadiniinta Canada waxay hadda ku geli karaan Namibia fiiso la'aan.

Ms Nehoya (Bidix) waxay u safartay meelo badan oo Namibia, laakiin waxay doonaysaa fursado badan oo ay dibadda ugu baxdo

Xigashada Sawirka, Michelle Nehoya

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Laakiin tani wax badan ayaa iska badali doona muddo siddeed bilood gudahood ah.

Laga bilaabo bisha April ee soo socota, muwaadiniinta Canada, oo Jarmalka, Mareykanka, UK iyo 29 waddan oo kale, waxay u baahan doonaan dal-kugalka Namibia.

"Namibia waxay muujisay astaamo niyad wanaag ah iyo in si wanaagsan loola dhaqmo muwaadiniinta dalal kala duwan, si kastaba ha ahaatee, in kasta oo dadaalladaas ay jiraan, hadana dalalka qaar abaalkii ma soo celin,” waxaa sidaasi sheegtay wasaaradda socdaalka Namibia bishii May.

"Iyadoo taasi aga duulayo dawladdu waxay u aragtay inay lagama maarmaan tahay in la fuliyo shuruudaha fiisaha si loo hubiyo sinnaanta iyo caddaaladda isdhexgalka diblomaasiyadeed," ayuu intaa ku daray bayaanka.

Sidoo kale dadka soo booqanaya Namibia waxay heli doonanaan dal-kugalka 90-ka maalmood , oo qiimihiisu yahay $90.

Dhankeeda Ms Nehoya, ayaa u aragta go'aanka dowladda Namibia ee la xiriira in la adkeeyo shuruudaha fiisaha in uu yahay mid soo daahay oo horey loo baahnaa."Waxaan filayaa inay cadaalad tahay. Waxaan dareemayaa in Namibia ay nafteed u istaagtay."

Dareen-celinta baraha bulshada ee warkaas ayaa sidoo kale ahaa mid lagu taageerayo go'aanka dowladda Namibia.

“Ugu dambayn waxaan rajeynayaa inay sidoo kale uga baahan yihiin inay soo gudbiyaan bible dukumeenti ah, ay sameeyaan baaritaanno caafimaad, iyo in ay maraan imtixaannada luqadda Namibia," ayuu soo qoray mid ka mid ah ddakii fikradahood dhiibtay.

Mid kale ayaa yiri: "Haddii aan u baahdo inaan keeno warqad bangiga iyo dhammaan noocyada dukumentiyada oo aan weli iibsado fiisaha si aan waddan u galo, waddankaas waa inuu sidaas oo kale sameeyaa si aan uu su so galo waddankayga."

Fiisooyinka Mareykanka iyo Canada ayaa ah kuwa aan raqiis ahayn marka ay timaado dadka sita baasaboorka dalalka Afrika.

Midowga Yurub ayaa ka sameeyay in ka badan $58milyan oo dolar codsiyada fiisaha ee la diiday ee wadamada Afrika 2023, sida lagu sheegay warbixin ay dhawaan soo saartay Lago Collective, oo ah xarun diiradda saarta socdaalka.

Dal-ku-galka waxaa loo diidi karaa sababo badan dartood. Warbixintu waxay sheegtay in diidmada intooda badani ay ku salaysan yihiin "shaki macquul ah oo ku saabsan rabitaanka fiisaha dal-ku-galka inuu yahay in uusan dalkiisa dib ugu laaban.

In kasta oo hindisaha fiisaha Namibia uu ammaan ka helay baraha bulshada, hadana waaxyaha dalxiiska ma aha kuwa ku afraxsan.

Ururka dalxisayaasha ayaa sheegay in ay"aad uga walaacsan yihiin" fariinta ay u dirto ganacsiga socdaalka caalamiga ah.