Tuugsi casriyeysan: Dadka dal-ku-galka iyo tigidka qaaliga ah u jarta 'Tuugsiga' iyo sida dalkan muslimka ah uu ula tacaalayo

Dubai

Xigashada Sawirka, Social

Qoraalka sawirka, Dadka ku dawarsada sharci darrada

Booliska Dubai ayaa shacabka uga digay inay ka feejignaadaan dadka Imaaraatka ku imaanaya fiisaha booqashada si ay lacago ay tuugsadaan uga helaan inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.

Waa bil ay inta badan dadka muslimiinta ah ku dadalaan baxsashada sadaqada, ciidanka ayaa inta lagu guda jiro bisha barakeysan hoos u dhiga dadka Dubai ugu soo dhoofaya tuugsiga maadaama ay arkaan kororka dalxiiska dawarsiga, halkaas oo dambiilayaasha ay uga faa'iideystaan dadka deggan Imaaraadka Carabta.

Ololaha ay Booliiska Dubai ku doonayaan inay kaga hortagaan tuugsiga xad dhaafka ah ee bisha Ramadaan ayaa hore u soo qabtay haweenay ilmo yar oo ay dhashay ku tuugsaneysay xilli ay uruursatay lacag dhan 30,000 oo Dirham oo u dhiganta ($8,168).

Saraakiisha ayaa fadhigoodu yahay guud ahaan imaaraadka inta lagu guda jiro ololaha ka hortagga tuugsiga oo socon doona 1-da Maarso ilaa 13-ka Abriil, gaar ahaan agagaarka masaajidda iyo suuqyada iyo meelaha kale ee inta badan ay ku badan yihiin dadka tuugsada.

Ciidamada ayaa sannad walba soo xira boqollaal qof oo dawarsato ah, waxaana lacagta sida sharci darrada ah ay dadka ku weydiisanayaan ay ku muteysan karaan ilaa saddex bilood oo xarig ah iyo ganaax dhan 5,000 Dirham.

Waxaa jira kooxo abaabulan oo dadka geeya Dubai, dadkaasi tahriibka ku lugta leh waxay la kulmi karaan ugu yaraan xabsi lix bilood ah iyo ganaax 10,000 Dirham ah.

Qof kasta oo dadka deeq ku weydiisanaya baraha bulshada isaga oo aan haysan ogolaansho rasmi ah waxa uu wajihi karaa ganaax u dhexeeya 250,000 ilaa 500,000 Dirham, sida ay dhigayaan shuruucda dambiyada internetka ee Imaaraadka Carabta.

Dubai

Xigashada Sawirka, Booliska Dubai

Qoraalka sawirka, Hooyada lagusoo qabtay tuugsiga sharci darrada ah

Brig Ali Al Shamsi, oo ah agaasimaha waaxda tuhmanayaasha iyo dhacdooyinka dambiyada ee Booliska Dubai, ayaa sheegay horraantii bishan in ciidamadu ay qabteen haweenay kale oo ilmeheeda ku tuugsaneysay iyada oo xabsiga loo taxaabay.

"Haweeney kale oo tuugsato qorsheysan ah, kuna lug lahayd tuugsi abaabulan, ayaa la xiray waxaana lagu helay lacago badan," ayuu yiri.

Kororka arrintan

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Brig Al Shamsi waxa uu sheegay in ciidamadu ay qabteen ilaa 499 tuugsadeyaal qorsheysan ah 342 rag ah iyo 157 dumar ah, sannadkii hore, halka sannadkii ka sii horreeyay ee 2022-dii ay ahaayeen 318.

Ku dhawaad 1,702 qof oo tuugsato abaabulan ah ayaa afartii sano ee lasoo dhaafay lagu xiray magaalada Dubai, sida lagu sheegay tirakoobyo rasmi ah.

Ciidanka ayaa sheegay in dadka dawarsada ay u badan yihiin dadka soo booqday, fiisana kusoo galay Imaaraadka inta lagu guda jiro bisha Ramadaan iyagoo doonaya in ay si fudud lacago ku helaan.

"Waxay og yihiin in dadka Imaaraadku ay yihiin kuwo dadka caawiya oo naxariis badan," Brig Al Al Shamsi ayaa yiri.

"Dadku waa inaysan u nixin tuugada khiyaameeynaya Imaaraatka iyo dadka deegaanka iyagoo iska dhigaya inay naafo yihiin ama ay waayeen shaqooyinkoodii."

Brig Saeed Al Qemzi, oo ah kaaliyaha agaasimaha guud ee agaasinka guud ee baadhista arrimaha dembiyada ee Booliska Dubai, ayaa sheegay in ololaha ka hortagga tuugsiga looga gol leeyahay in bulshada lagu baro khatarta tuugsiga.

Brig Al Qemzi waxa uu sheegay in dadka doonaya in ay caawiyaan kuwa u baahan ay u tagaan hay’ado samafal oo la hubiyay oo ay si rasmi ah ugu deeqaan lacagtooda, si loo hubiyo in ay ku socoto dadka saxda ah.

Dubai

Xigashada Sawirka, Ali Al Shouk

Qoraalka sawirka, Mid kamida dadka sharci darrada ku tuugsada

Nolosha dadka tuugsada qaarkood

Nin tuugsade ah oo u dhashay dalka Koonfur Afrika, ayaa la’arkay isaga oo dad uusan garaneyn ka codsanaya in ay kirada ka bixiyaan.

Waxa uu sheegay in uu imaaraadku ku yimid dal-ku-gal booqasho ah oo uu shaqo raadis ahaa, balse uusan shaqo helin.

"Waa markii ugu horeysay oo aan dawarsado lacag," ayuu yiri.

"Waan ogahay inay sharci darro tahay, laakiin quus ayaan taaganahay, mana haysto doorashooyin kale, “ ayuu sii raaciyay.

Ninkan 40-jirka ah ayaa ku andacoodey inuu leeyahay xaas iyo wiil dhalinyaro ah oo ku nool dalkiisa hooyo taas oo ay tahay inuu taageero.

Layla Catiif oo u dhalatay dalka Masar ayaa sheegtay in ay siin jirtay lacag yar oo kaash ah dadka dawarsada, gaar ahaan inta lagu guda jiro bisha Ramadaan, taasoo qayb ka ah acmaasha wanaagsan ee bisha barakaysan.

"Waxaan siin jiray lacag caddaan ah waana sida aan jeclahay inaan u caawiyo dadka kale ee baahan, laakiin ololihii booliiska ka dib waxaan go'aansaday inaan ku caawiyo iyaga oo iibsanaya cunto," ayay tiri.

Qaar way diideen oo way iska tageen, laakiin qaar kale ayaa iiga mahad celiyay cuntada,” ayey sii raacisay.

Xubnaha dadweynaha ayaa loogu baaqay in ay ku wargeliyaan dadka ku dawarsada waddooyinka, iyo sidoo kale dadka lacagaha ku weydiisanaya khadka, xarunta wicitaanka ee 901 ee ciidanka.