Maxay shacabka reer galbeedka u bixiyaan sadaqada?

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Raashinka aan cunno ma aha mid aan si asxaan ah uga rajeyneyno ganacsatada raashinka iibisa, ama kuwa hilibka ama xitaa kuwa rootiga warshadeeya, waayo iyaga xitaa dantooda dhinaca faa'iidada ayey ka eegayaan. Annagu isuma aragno inaan nahay dad ay si bani'aadannimo ah adeegyadaas ugu sameynayaan, laakiin iyaga xitaa waxay shaqadaas ka helayaan waxyaabaha ay naftooda jeceshahay, waligeenna ulama hadalno inaan wax ka faa'iideyno awgeed balse waxaan u qaabilnaa inay iyaga wax naga faa'iidayaan".
Markii uu dhaqaaleyahankii lagu magacaabi jiray Adam Smith qorayay buuggiisii saameynta badnaa ee la magac baxay The Wealth of Nations, (Barwaaqada Qaramada), sanadihii 1770-meeyadii, sawirradii uu buuggiisa kusoo qaatay kuma jirin carruur gaajeysan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Haddana sidaasoo ay tahay bil kasta wuxuu lacag sadaqo ah u qeybin jiray haween sabool ah, oo marka uu xaafaddiisa Kirkcaldy, oo ka tirsan Fife ku wareegayo kusoo xoomi jiray, si ay saxiix uga qaataan.
Maalamahan, si joogto ah ugama hadalno faa'iidadeenna balse waxaan ka hadalnaa baahida dadka kale.
Bixinta sadaqada waxay noqotay ganacsi weyn, wayna adagtahay in xitaa la qiyaaso sida uu ganacsigaas u weynyahay: waxaa jirarta xog aad u kooban oo laga hayo.
Daraasad aan dhawaan sameynay waxaan ku qiyasnay in tusaale ahaan dadka reer Britain ay boqolkiiba 54 ka sadaqeeyaan £100 gini oo kasta..
Tiradan waxay saddex laab ka badan tahay midda ay bixiyaan dadka waddanka Jarmalka laakiin waxay saddex laab ka yar tahay tan ay bixiyaan dadka ku nool dalka Mareykanka.
Sida aan ku helnay cilmi baaristeenna, lacagtaas waxay la mid tahay tan ay dadka reer Britain ku bixyaan cabitaanka, cuntada iyo waxyaabaha kale ee quutul-daruuriga ah.
Dadka sadaqada bixiya waxaa xitaa ku jira ganacsatada raashinka gada, kuwa kawaanleyaasha hilibka ah iyo kuwa rootiga duba.


50 waxyaabood oo uu ka kooban yahay dhaqaalaha casriga ah ee dunida waxay isgu jiraan fikrado iyo waxyaabo lasoo hindisay oo gacan ka geystay sare u kaca dhaqaalaha adduunka.
In la bixiyo sadaqada waxay dabcan xilli hore u soo jirtay isla sida loo muddo aad u fog ka hor loo sameyn jiray arrimaha bani'aadannimada.
Dadkii hore waxay uruurinta sadaqada u adeegsan jireen dhinaca diinta - iyagoo si aan toos ahayn u bixinayay boqolkiiba 10 ka mid ah dakhliga qofka soo gala.
Hadda waxaa lacagtaas baddashay canshuurta laga qaado shacabka, dad badan oo ka mid ah kuwa dhaqaale aruurinta sameeyanay way ku adkaatay inay dhinaca diinta soo maraan.
Waa inay khibrad fiican u yeeshaan sida dadka looga dhaadhicin karo arrintaas.
Maxay tahay sababta ay reer galbeedka wax u sadaqeystaan?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dadka ku xeel dheer arrimaha dhaqaalaha ayaa baaray sababta ugu badan ee dadka ku kallifta inay saqada bixiyaan. Qaar waxay sheegeen in dadka badankood ay wax u bixiyaan iyagoo muujinaya dhaqaalaha ay heystaan, kuna faanaya.
Waxaa jira kuwo kale oo sheegay in dadka reer galbeedka ah ay sadaqada u bixiyaan si ay wanaag u dareemaan, ama xitaa ay ugu yaraan muujiyaan inaysan khalad ku lahayn sababta ay dadka kale sabool u yihiin.
Baaritaanno toos ah oo lagu sameeyay arrintan ayaa natiijadooda lagu ogaaday inay dadka siyaabo kala duwan wax u bixiyaan, islamarkaana uusan .












