Waayeellada iyo khiyaanada burcadka

Margaret Smeed
Qoraalka sawirka, Margaret Smeed

Dadka da'da ah ayaa badanaa la sheegay inay wajahaan dhibaatooyin dhanka qiyaanada ah, dadkan oo sheegta inay lacagaha ay ka qaadan ay sadaqo u bixiyaan.

Teleefoonada, qadka internert-ka ayey dadkan kala soo xirriiran, iyagoo sheegta inay yihiin boolis una hanjabaya. Ayey tiri Age Cymru.

Waxaa la sheegay in dad gaaraya ku dhawaad 150,000 oo qof sannad kasta la khiyaano, lagana qaato lacag gaaraysa 1,200 oo gini.

Inta badan dadka la bartilmaameedsado waa kuwa waayeelka ah.

Margaret Smeed, oo 84 sanno jir ah ayaa sheegtay in marar badan ay soo waceen dad sheeganaya iney ka shaqeeyaan shirkado badan, xilli ay u baahnayd inay hadiyado ka dalbato.

Booliska ka howl gala Koonfurka Wales ee boqortooyada Ingiriiska, oo hay'adaha samafalka ah kala shaqaynaya aqoonsiga dadkan been abuurka sameeya ayaa walaac ka muujiyey arrinkan, waxayna sheegeen inay sii badanayaan falalkan.

Dadkan been abuurka sameeya oo weydiista lacagaha dadka da'da ah ayaa ka codsada dhibanayaasha inay siiyaan lambarrada sirta ah ee kaararka ay wax uga iibsadaan dukaanada ama kuwa bangiyada.

"Hanjabaadda loo gaysto waxay ku khasbeysaa iney lacagaas bixiyaan," ayey tiri Mrs Smeed.

.
Mrs Smeed
Qoraalka sawirka, Mrs Smeed

Mrs Smeed, waxa ay dalbatay hadiyaddo ay ugu tala gashay dabaaldaga ciidda masiixiyiinta, waxayna sheegtay inay hal shirkad ka dalbadatay adeegga balse ay heshay dalabyo badan oo ka socda shirkado kala duwan.

"Badanaa waxa la ii keenaa warqado muujinaya lacagaha la iga rabo balse waan iska dhaga tiri jiray," ayey tiri.

.
Qoraalka sawirka, Mrs Smeed

Haweeneydan waxa ay sidoo kale sheegtay in marar badan laga soo wici jiray teleefoonno kala duwan, kuwaas oo sheegan jiray inay ka socdaan shirkado ku yaala dalka Mareykanka ayna iibiyaan joodariyada.

"Isbuuc walba mar ayey i soo wici jireen, markii dambe waan fahmay inay kuwo been abuur ah yihiin, markaas ayaan teleefoonka ku jari jiray", ayey tiri Mrs Smeed.

.

Dad badan ayaa sidoo kale sheegay inay helaan farriimo lagula wadaago dhanka Email-ka, kuwaas oo ah been abuur, waxa ayna sheegtaan shirkado aysan ka howl galin si ay lacago uga khiyaameeyaan macaamiisha shirkaddahaas.