Sida xijaabka gabadhan yar ee Muslimka ah uu Faransiiska uga abuuray xiisad ballaaran

Xigashada Sawirka, Getty Images
Raysal Wasaaraha Faransiiska ayaa sheegay in dowladdu ay maxkamad la tiigsan doonto gabar yar oo loo heysto inay si been abuur ah macallinkeeda ugu eedeysay inuu ku amray dhigidda xijaabka kadib muran dheer oo dhex maray.
Macallinka ayaa ku adkeystay in ardayaddiisa ay siibto xijaabka iyadoo iskuulka dhex joogta, iyadoo la raacayo sharciga Faransiiska.
Wuu iska casilay macallinnimada kaddib markii hanjabaado dil ah loo mariyay baraha bulshada.
Khatarta Islaamiyiinta ka imaaneysa ee ku wajahan iskuullada Faransiiska ayaa si dhab ah loo qaataa kadib dilkii labo macallin.
Samuel Paty ayaa lagu gowracay waddo ku taalla magaalada Paris sanadkii 2020 halka Dominique Bernard lagu dhex dilay iskuulkiisa oo ku yaalla xaafadda Arras shan bilood kahor.
Macallinkan iskuulka Paris, oo aan magaciisa la shaacin, ayaa go’aankiisa ku dhawaaqay kadib email uu Jimcihii u diray saaxiibbadiis ay iskala shaqeynayeen ee Maurice Ravel Lycée oo ku yaalla degmada 20aad ee Paris.
"Waxaan ugu dambeyn qaatay inaan joojiyo howlahayga," ayuu yiri, "anigoo u cabsi qaba badqabkeyga iyo tan iskuulka."
"Waxaan tegayaa kadib toddoba sano, oo aan si buuxda waqti ugu qaatay agtiinna, iyo kadib 45 sano oo aan waxbarashada bulshada ku jiray," ayuu qoraalkiisa ku sheegay, isagoo saaxiibbadiis uga mahadceliyay taageerada ay u muujiyeen saddexdii toddobaad ee lasoo dhaafay.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Arrintan oo dhacday 28-kii February, ayaa macallinku wuxuu saddex gabdhood oo ardaydiisa ka mid ahaa u sheegay inay u hoggaansamaan sharciga iyagoo iska dhigaya xijaabka.
Labo ayaa u hoggaansamay, balse tii saddexaad ma aysan oggolaan amarkiisa waxaana halkaas ka dhashay dood adag.
Maalmihii xigay, madaxa iskuulka ayaa baraha bulshada loogu hanjabayay dil, taasoo uu dugsigu u sheegay khadka telefoonka ee wasaaradda arrimaha gudaha.
Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in labo qof loo xiray hanjabaad dil ah. Lama shaacin magacyadooda, balse wasaaradda waxbarashadu waxay sheegtay inaysan wax xiriir ah la lahayn iskuulka.
Booliska ayaa loo diray inay roondo ku sameeyaan agagaarka dugsiga, kaas oo sidoo kale uu booqday wasiirka waxbarashada Nicole Belloubet.
Saraakiisha ayaan helin wax caddeymo ah oo muujinaya in macallinku uu gabadha ku amray arrintaas.
Hadda howsha waxaa soo galay Ra'iisul Wasaare Gabriel Attal oo yiri, "Dowladdu... waxay mar walba garab istaagi doontaa mas'uuliyiintan, kuwa safka hore kaga jira ee la kulma xadgudubyadan calmaaniyadda, isku dayga Islaamiyiinta ee soo gelitaanka xarumahayaga waxbarashada," ayuu yiri.

Xigashada Sawirka, REUTERS/Stephanie Lecocq
Siyaasiyiinta garabka bidix iyo midig ee Faranskiiska ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin in xirfadda macalinka la ixtiraami waayo iyo in la soo afjari waayo ololayasha nacaybka ee ka socda internetka.
"Dawladdani ma awooddo inay ilaaliso dugsiyadeenna," ayay tiri Marine Le Pen oo ka tirsan xisbiga Midigta adag ee X, oo hore loo oran jiray Twitter.
"Tani waa meesha aad ku dhamaanayso marka siyaasaddaadu tahay 'ha samaynin mowjado'. Tani waa meesha dhammaan kuwa yar yar ee isku dhiiba ay horseedaan," ayuu yiri Bruno Retailleau oo ka tirsan Jamhuuriga dhexe ee midig.
Siyaasiyiinta xisbiyad ayaa u muuqda inay si wadajir u dhaliileen tallaabada shaqo ka tagista ah ee macallinka.
"Waa wax aan la aqbali karin, marka uu macalinku shaqada ka tago sababo la xiriira hanjabaad dil ah, waa guul darro wadajir ah," ayuu yiri Boris Vallaud oo ka tirsan xisbiga Socialist Party.
Tan intii ay dhacdadani dhacaday, dhowr iskool oo ku yaalla Paris ayaa lagu qasbay in la xiro ka dib markii ay bateen hanjabaadaha loo jeedinayo.
Toddobaadkii hore ku dhawaad soddon dugsi oo kale oo ku yaal agagaarka Paris ayaa la kulmay hanjabaado kala duwan oo loo diray. Laakiin baarayaashu waxay ku qasbanaan doonaan inay si dhab ah u qaataan hanjabaadaha.













