Mareykanka: 'Muslimiintu waa bulshada ugu yar, balse ugu sadaqada badan'

Muslimiinta Mareykanku waxay jecelyihiin sida warbixinta lagu sheegay u shaqeynta si mutadawacnimo
Qoraalka sawirka, .

Muslimiinta dalka Mareykanka ayaa la sheegayaa inay bixiyeen sadaqo ka badan tan dadka aan Muslimiinta ahayn ee dalkaasi sanadkii 2020-kii, sida lagu sheegay daraasad cusub oo la soo saaray.

Sidoo kale, Muslimiinta ayaa jecel inay u shaqeeyaan si mutadawacnimo ah.

Kaliya 1% dadka dalka Mareykanka ayaa Muslimiin ah, iyadoo dhaqaalaha soo galana uu ka yaryahay kan soo gala dadka aan Muslimiinta ahayn.

Bulshada Muslimiinta ah oo aad ukala duwan isla markaana aad ugu badanaya gudaha Mareykanka ayaa badankooodu dhaqaalaha ay ku bixiyeen howlaha samafalka waxaa lagu qiyaasay 4.3 bilyan oo doolarka Mareykanka ah.

Daraasadda ay soo saartay Jaamacadda Indiana Lilly Family School of Philanthropy, ayaa lagu sheegay inay rumaysanyihiin in baaxadda wax bixinta bulshadan yar ee Muslimiinta ah ayaa aad u ballaaran tahay, kuwaas oo sidoo kale gudaha dalka ku wajahaya takoor.

Jaamacadda Indiana Lilly Family School of Philanthropy, ayaa warbixinteeda ku sheegtay inay saameynta iyo baaritaanka arrintan la kaashatay urur lagu magacaabo Islamic Relief , oo ah urur samafal kana shaqeeya arrimaha Muslimiinta. Natiijada baaritaanka ayaa ku timid sahan lagu sameeyay in ka badan 2,000 qof oo Maraykan ah, kuwaas oo kala bar ka mid ahi ay Muslimiin yihiin.

Qoraalka Muuqaalka, Muslimiinta waa 1% shacabka Mareykanka

Daraasaddaan dhawaan la soo saaray ayaa muujinaysa in Muslimiintu ay markii hore lacagaha u diri jireen dibadaha Mareykanka, hase yeeshee hadda daraasadda la soo saaray ayaa tilmaamaysa in tan iyo markii uu billowday Covid-19 ay korartay lacagta Muslimiintu ay ugu deeqeen dadka dhibaatsayn ee ku nool gudaha Mareykanka.

Sheekh Cabdiraxmaan Kaariye oo ka mid ah Culimada Soomaalida ah ee ku nool dalka Mareykanka ayaa BBC-da u sheegay in "Covid-19 markii uu dilaacay wuxuu saameeyay Mareykan oo dhan Muslimiintuna runa haantii waxay u kaceen si ay dadka u caawiyaan Alxamdulilaah, Mareykanka gudihiisa waxaan ku aruurinay innagoo ah jaaliyadda Muslimiinta ah lacag dhan 40 milyan oo doolar".

Bixinta lacagaha sadaqada ah ayaa la rumaysanyahay in Soomaalida ku nool dalka Mareykanka ay ka qaataan qayb weyn isla markaana cid walba ay bixiso wixii awoodeeda ah.

Muslimiinta ayaa doonaya inay ka hortagaan tallaabooyinka Muslim naceybka ah
Qoraalka sawirka, Muslimiinta Mareykanka

"Alxmadulilaah ganacsatada Soomaalida ah aadbey ugu fiican yihiin xagga sadaqada ta haysta meheradda yar iyo qofka ganacsiga weyn haysta intuba way ka qayb galaan, laakin mid walba awoodiisa ayuu kaga qayb galaa," ayuu yiri Cabdiraxmaan Ciise Kaahin oo ka mid ah ganacsatada Soomaalida ah ee ku nool Mareykanka.

Tallaabadaan ay Muslimiinta Mareykanka ku noqdeen dad ku deeqa lacago badan oo lagu caawiyo dadka dhibaataysan ayaa lagula dagaallamayaa falalka Islaam naceybka ah ee sida joogtada ah ay ula kulmaan Muslimiinta ku nool dalka Mareykanka. Waxaa sidoo kale Muslimiintu ay arrimahaan ku muujinayaan in diinta Islaamku ay tahay diin nabadeed oo ku dhisan wanaag iyo khayr.