Muxuu yahay dal-ku-galka cusub ee Jarmalka ee hadii aad xirfad leedahay lagu siinayo

Haddii aad waligaa u dooneysay inaad ku noolaato Jarmalka, hadda waxay noqon kartaa wakhtiga ugu fiican ee la isku dayo.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Haddii aad waligaa u dooneysay inaad ku noolaato Jarmalka, hadda waxay noqon kartaa wakhtiga ugu fiican ee la isku dayo.

Haddii aad waligaa u dooneysay inaad ku noolaato Jarmalka, hadda waxay noqon kartaa wakhtiga ugu fiican ee la isku dayo.

Dalkan ayaa dhawaan ku dhawaaqay fiisaha shaqada ee cusub, ee loo yaqaan Chancenkarte, ama "kaarka fursada", kaas oo siinaya dadka aan ka soo jeedin dalalka Midowga Yurub fursad ay uga shaqaystaan Jarmalka.

Tallaabadan ayaa ah fursad cusub oo ay dadka daneeynaya ugu haajiraan Jarmalka.

Barnaamijkan Chancenkarte, ayaa waxa uu furmay 1-dii Juun, waxaana bixiya nidaam cusub oo ku salaysan dhibco kaas oo ku qiimeeya codsadayaasha shuruudo gaar ah, oo ay ku jiraan shahaadooyin waxbarasho, xirfadaha luqadda iyo waayo-aragnimadiisa xirfadeed ee hore.

"[Kaarka Fursadda] waxa uu u fududayn doonaa dadka khibradda iyo kartida leh si ay u helaan shaqo ku habboon oo ay bilaabaan," Nancy Faeser, Wasiirka Federaalka ee Arrimaha Gudaha iyo Bulshada ee Jarmalka, ayaa sidaas u sheegtay BBC.

Kuwa la siiyo kaarka fursada waxay ku noolaan karaan Jarmalka ilaa hal sano iyagoo isla markaana shaqo raadinaya, taas ayaa ka caawineysa inaysan u baahnaan in qofka loo shaqeynayo ama shirkadda aysan kafaalo qaadin ka hor inta aysan waddanka tagin.

Kaarka ayaa sidoo kale u ogolaanaya dadka inay si sharci ah kaga shaqeeyaan shaqo ku meel gaar ah ama shaqo aan toos ahayn inta ay ka helayaan shaqo joogto ah.

Waxay ka dhigan tahay isbeddel weyn oo ku saabsan habka waddanku wax uga qabanayo shaqaale la’aanta sii kordheysa waxaana loogu talagalay in barnaamjikan uu gacan ka geysto kordhinta tirada shaqaalaha xirfadleyda ah gaar ahaan sida caafimaadka, waxbarashada, wax soo saarka iyo injineernimada.

kaarkan cusub wuxa uu muwaadiniinta aan ka soo jeedin waddamada Midowga Yurub uu siinayaa fursad ay kaga faa’iideysanayaan hannaanka socdaalka Jarmalka iyo helidda shaqooyinka jarmalka. Barnaamijkan ayaa sidoo kale fursad u noqon kara qof ka magangalyadoonn ka ah oo horay loogu diiday inay shaqo ka helaan Jarmalka.

Codsadayaasha ku guulaysta waa inay haystaan shahaado xirfadeed ama shahaado tacliimeed oo si buuxda looga aqoonsan yahay Jarmalka, ama wax u dhigma sida sanadaha khibradeed ee uu qofka haysto, da' gaar ah iyo xirfadaha luqadda, kuwaas oo mid kastaa uu ku mudanayo tiro dhibco ah.

Baasaboor

Xigashada Sawirka, Social Media

Baasaboor Soomaaliga dadka haysta maka faa'iideysan karaan?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Shuruudaha waxaa ka mid ah inuu qofka marka hore soo barto ama yaqaano luuqadda Jarmalka," ayuu yiri Kamal Jaamac Muuse oo ah Soomaali muddo 15 sano ka badan deggan Jarmalka kana mid ah jaaliyadda Soomaalida.

Inta badan Soomaalidu ma yaqaanaan luuqadda Jarmalka, kamana mid ah luuqadaha looga hadlo Soomaaliya, xitaa caan kama dhex ah luuqadda Jarmalku Soomaaliya. Taas ayaana caqabad ku noqon karta dad badan oo Soomaaliyeed.

Codsadayaashu waa inay ugu yaraan helaan lix dhibcood ama ka badan si ay noqdaan qof u qalmo dal ku galka. Waa inay sidoo kale keenaan caddayn muujineysa awoodda ay u leeyihiin inay daboolaan kharashaadka noloshooda inta lagu jiro xilliga shaqo raadinta taas oo ugu yaraan ah 1,027 oo pound bishii.

Caqabadda kale ee Soomaalida dooneyso inay ka mid nqodaan dadka ka faa'iideysanaya fursaddan ayaa ah baasaboor Soomaaliga oo waddamo qaar aysan oggoleyn in dadka wata ay siiyaan dal-kugal - gaar ahaan wadamada Yurub.

Sida uu Kamal u sheegay BBC-da, Jarmalka ayaan aqoonsanyn baasaboor Soomaaliga la qaatay wixii ka dambeeyay burburkii 91-kii.

Inkastoo uu Kamaal Muujiyay rajo wanaagsan oo ah in bilowga bisha July marka ay soo dhaweynayaan safiir cusub oo ay Soomaaliya u soo magacawday Jarmalka ay jaaliyad ahaan arrintan kala hadli doonaan si xal loogu helo.

Qofkasta oo xiiseynaya inuu wax badan ka sii ogaado qorshahan waxa uu booqan karaa website-ka Make It In Germany.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Qofkasta oo xiiseynaya inuu wax badan ka sii ogaado qorshahan waxa uu booqan karaa website-ka Make It In Germany.

Barnaamijka Chancenkarte waxaa loogu talagalay in lagu taageero muwaadiniinta aan haysan dhalashada waddama Midowga Yurub ee xiriirka la leh Jarmalka, maadaama dhibco dheeri ah ay heli karaan kuwa leh xirfadaha luqadda Jarmalka ama wax ku bartay iskuulada Jarmalka.

Alex Masurovsky, oo horey shahaadada labaad uga bartay Iskuulka Berlin School of Mind and Brain, oo hadda ku nool New York, ayaa aad u xiiseeyna fursadda fiisaha cusubi u siinayo inuu ku noolaado kana shaqeeyo Berlin.

"Aniga ahaan, intii aan Jarmalka joogay waxaa xusuus igu filan fadhiga maqaaxiyaha kafeega si aan ugu raaxeysto. Jarmalka waxa uu sidoo kale leeyahay qadarin weyn oo dhanka muusikada ah, marka waxaan fursaddan kula talin lahaa inuu ka faa’iideysto qofkasta.

In kasta oo ay run tahay in dhaqanka iyo nolosha cawayska ee waddanku ay noqon karaan wax fiican, hadana ujeedada ugu weyn ee fiisahan loo bixinayo ayaa ah in looga hortago shaqaale yarida ka jirta dalka Jarmalka.

"Waxaan hubinaynaa inaan soo jiidan karno shaqaalaha xirfadda leh ee dhaqaalaheennu si degdeg ah ugu baahan yahay sannadaha badan," ayuu yiri Fraser. "Tani waxay muhiim u tahay mustaqbalka waddankeena."