Israa'iil oo ku dhawaaqday dilka hoggaamiye sare oo ka tirsan Xamaas

Xigashada Sawirka, Reuters
Milateriga Israa'iil ayaa ku dhawaaqay in ay magaalada Qasa ku dileen "Mid ka mid ah aasaasayaashii Xamaas ee Qasa, Xakam al-Ciise, oo ahaa hoggaamiye caan ah oo ka tirsan garabka milatariga ee dhaqdhaqaaqa."
Ciidanka Israa'iil ayaa xaqiijiyay in "Al-Cissa uu door muhiim ah ka ciyaartay qorsheynta iyo fulinta weerarkii aan hore loo arag ee Xamaas ay ku qaaday koonfurta Israa'iil 7-dii Oktoobar, sanadkii 2023-kii
Xamaas ayaan weli ka hadlin warkan kasoo baxay ciidamada Israa'iil.
Soddon iyo toddoba Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan sagaal carruur ah, ayaa lagu dilay weeraro badan oo ay fuliyeen ciidammada Israa'iil Sabtidii, sida uu sheegay afhayeenka difaaca madaniga ah ee Qasa.
Mahmoud Basal, ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in ciidamada Israa'iil ay qaadeen lix weerar oo dhanka cirka ah oo ay adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ama kuwa dagaalka, ayna ku dileen 35 qof oo ay ku jiraan sagaal carruur ah weerar ay ku qaadeen guri ku yaalla magaalada Jabalia ee waqooyiga Marinka Qasa.
Waxa uu intaa ku daray in ciidamada difaaca madaniga ah iyo shaqaalaha gurmadka degdega ah ay daabuleen "ugu yaraan laba dhimasho ah iyo tiro dhaawac ah, taas oo ka dhalatay rasaasta lagu furtay dad sugaya cunto gargaara ah meel u dhow xarun gargarar oo u dhaxaysa isgoyska Netzarim iyo buundada Wadi Qasa" ee bartamaha marinka Qasa.
Afhayeen u hadlay Difaaca Rayidka ayaa sheegay in "saacadaha hore ee subaxnimadii, ciidanka Israa'iil ay ku burburiyeen 12 guri qaraxyo ay adeegsadeen gudaha Khan Yunis, iyo dhowr guri oo ku yaalla xaafadda Zeitoun ee koonfur-bari magaalada Gaza."
Wasaaradda caafimaadka ee Qasa yaa ku dhawaaqday in 81 qof ay ku dhinteen 422 kalena ay ku dhaawacmeen intii u dhaxaysay Jimcihii iyo galabnimadii sabtida, taasoo ka dhalatay duqeymo joogto ah oo ay Israa'iil ku hayso meelo kala duwan oo ka tirsan marinka Qaza.
Wasaaradda ayaa xustay in gaadiidka gurmadka degdega ah iyo kuwa difaaca shacabka ay dhibaato weyn kala kulmaan sidii loo gaari lahaa dhibanayaal badan oo ku hoos jira burburka iyo waddooyinka, sababo la xiriira xaaladda dhulka iyo dhaq-dhaqaaqa meelaha qaar ee ay dhibaatadu ka dhacday.
Bayaan uu soo saaray afhayeenka milatariga Israa'iil, Avichay Adraee, ayuu ugu baaqay dadka deggan dhowr xaafadood oo ku yaalla degmada Nuseirat ee bartamaha Marinka Gaza in ay si degdeg ah u baxaan, isagoo sheegay in baaqaasi uu khuseeyo xaafado la rumeysan yahay in laga soo tuuro gantaallada.
Wuxuu intaas ku daray in ciidanku ay "si xooggan uga shaqeynayaan in ay wiiqaan awoodda kooxaha hubeysan," isagoo ugu baaqay dadka shacabka ah in ay u guuraan dhanka koonfureed, gaar ahaan aagga Al-Mawasi.
"Biladda Nobel ayaa ku sugaysa"

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Kumanaan Israa'iiliyiin ah ayaa Sabtidii dhigay dibadbax ay ku dalbanayeen in dowladda ay ka shaqeyso sidii loo sii deyn lahaa 49-ka la heyste ee wali lagu haysto Qaza, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.
Isku soo baxa ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee ay abaabulaan ehallada la haystayaasha tan iyo xabad-joojintii dhexmartay Israa'iil iyo Iran ka dib 12 bari oo dagaal ah.
Xayiraadaha la soo rogay intii uu socday dagaalka Iran ayaa ka hortagay dibad-baxyada todobaadle ahaa oo ay wadeen ehelada iyo taageerayaasha la haystayaasha.
Fagaaraha la haystayaasha ee ku yaalla badhtamaha magaalada Tel Aviv ayaa waxaa soo buux dhaafiyay dadwayne lulaya calanka Israa'iil iyo boorar ay ku xardhan yihiin sawirada la haystayaashii lagu qafaashay weerar ay Xamaas ku qaaday koonfurta Israel 7-dii October, 2023.
Madasha Qoysaska la haystayaasha iyo kuwa la la'ayahay ayaa ku yiri bayaan ay ku muujinayeen dibadbax , "Dagaalkii Iran wuxuu ku dhammaaday heshiis, dagaalka Qasa-na waa in uu ku dhammaadaa si la mid ah — heshiis dadka oo dhan ku soo celinaya guryahooda."
Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump inuu ka shaqeeyo xabbad-joojin ka dhacda Qasa taasoo horseedi karta sii deynta la haystayaasha, iyagoo sidoo kale amaanay taageeradiisa uu siiyay Israa'iil intii uu socday dagaalkii Iran.
Mid ka mid ah boorarka ayaa waxaa ku qornaa, "Madaxweyne Trump, soo afjar qalalaasaha Gaza, Nobel-ka ayaa sugaya," isaga oo tixraacaya abaalmarinta nabadda ee Nobel.
"Waxaan ugu baaqayaa Ra'iisul Wasaare Netanyahu iyo Madaxweyne Trump," waxaa sidaas tiri la hayste hore Liri Albag intii uu socday bannaanbaxa. "Waxaad qaadatay go'aano geesinimo leh oo khuseeya Iran. Hadda qaado go'aan geesinimo leh si aad u soo afjarto dagaalka Qasa oo aad ugu soo celiso la haystayaasha gurigooda."













