Wiilka mucjisada ah ee qaniinyada ku dilay maska halista ah ee kobra

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Situ Tiwari
- Role, BBC Reporter
- Reporting from, Bihar, India
Wiil yar oo hal sano jir ah kuna nool dalka Hindiya ayaa caan ka noqday deegaanka kadib markii la ogaaday inuu qaniinay mas sun leh oo uu dilay taariikhdu markay ahayd 24-kii Luulyo.
Wiilka oo lagu magacaabo Govind Kumar wuxuu ku ciyaarayay beerta guriga qoyskiisa oo ku taalla tuulada Mohchi Bankatwa ee gobolka Bari ee bariga Hindiya, meel u dhow xadka Nepal, markaasuu arkay mas.
"Hooyadiis waxay ka shaqaynaysay beerta dambe," ayay tidhi ayeeydiis, Matisari Devi. "Wuxuu qabtay maskii wuxuuna ku qaniinay ilkihiisa. Markaasaan ogaanay inuu yahay mas kobra ah," ayay raacisay.
Daqiiqado gudaheed ayuu Govind miyir beelay, qoyskiina waxay isla markiiba u qaadeen isbitaal deegaanka ah.
"Markii ilmihii la keenay, wajigiisa wuu bararay, gaar ahaan agagaarka afka," ayuu yidhi Dr. Kumar Saurabh oo ku daweeyay Govind, isbitaalka Government Medical College ee magaalada caasimadda gobolka Bettiah.
Dr. Saurabh wuxuu xusay in isla maalintaas uu daweeyay ilmo kale oo isagana mas nooca kobra ahi qaniinay, balse aan sida Govind isaga mas qaniinin. Labada caruurtaba hadda waa caafimaad qabaan.

Xigashada Sawirka, Aloka Kumar
Dr. Saurabh wuxuu sharraxay in inkastoo labada xaaladoodba ay halis yihiin, midkood uu aad uga khatar badan yahay kan kale.
"Marka mas Kobra ahi qaniino bini'aadam, sunta masaska waxay gashaa dhiigga waxayna keentaa neurotoxicity taasoo dhaawacda hab dhismeedka dareenka, waxaana laga yaabaa inay keento dhimasho," ayuu BBC-da u sheegay.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Laakiin marka bini'aadamku qaniino mas kobra ah, sunta waxay gaadhaa caloosha. Jirka bini'aadamka wuxuu sunta u beddelaa mid aan waxyeello lahayn, kadibna si dabiici ah ayuu uga saaraa," ayuu intaas ku daray Dr. Saurabh, isagoo xusay in xaaladdu ay ka sii dari lahayd haddii cunaha ilmaha ay dhaawac ama nabaro ka jiri lahaayeen.
Hindiya waxaa ku nool ku dhowaad 300 nooc oo masas ah, in ka badan 60 ka mid ahna waa kuwo sun leh, maska nooca kobraha waxaa loo arkaa kuwa ugu khatarsan.
Waddanku waxaa sidoo kale loogu yeeraa "caasimadda qaniinyada masaska ee dunida," iyadoo dhimashada ka dhalata qaniinyada masaska ay kor u kacday xilliga roobka dabaylaha socda awgeed.
Hey'adda Caafimaadka Adduunka (WHO) waxay qiyaastay in qaniinyada masasku ay dilaan u dhaxaysa 81,000 ilaa 138,000 qof sanad kasta dunida oo dhan.
Intii u dhaxaysay 2000 ilaa 2019, celcelis ahaan 58,000 oo qof ayaa sanad kasta u dhintay qaniinyada masaska gudaha Hindiya, sida laga soo xigtay WHO.
Si kastaba ha ahaatee, tirada dhimashada ay sababaan masasku gudaha dalka wali si buuxda loogama warbixiyo, taasoo ay sabab u tahay adeeg caafimaad la'aanta meelaha ay masasku dad ku qaniinaan, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Qoyska ee Hindiya.













