Trump oo waqti gaaban u qabtay Putin

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump (Bidix) oo la sheekeysanaya Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo ka qeyb galaya shirka hoggaamiyeyaasha dhaqaalaha ee APEC, oo ka dhacay bartamaha magaalada Danang ee dalka Vietnam 11-ka November 2017.

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Laura Gozzi
    • Role, BBC News

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa soo bandhigay waqti cusub oo gaaban oo uu u qabtay Ruushka si uu ugu hoggaansamo xabbad-joojinta dagaalka Ukraine, isagoo sheegay in Ruushka la siiyay "toban ama laba iyo toban maalmood" laga bilaabo maalinnimada Isniinta.

Madaxweyne Trump wuxuu sheegay inaysan jirin sabab dib loogu sii dhigo arrintaas maaddaama wax horumar ah oo nabadeed aan la gaadhin. Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ku tilmaamay go'aankaas "mid aad muhiim u ah".

Laba toddobaad kahor, Trump wuxuu sheegay in Madaxweyne Vladimir Putin uu haysto 50 maalmood si uu u joojiyo dagaalka, haddii kalena Ruushka la saari doono cunaqabateyn adag.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa'id oo ka dhacay Scotland, Trump wuxuu sheegay inuu xaqiijin doono waqtiga cusub maalinta Isniinta ama Talaadada, wuxuuna ku celiyey hanjabaaddii ahayd inuu saari doono cunaqabateyn iyo canshuuro dheeraad ah oo lagu beegsanayo Moscow.

Zelensky ayaa uga mahadceliyay Trump waqtiga cusub ee la qabtay, isagoo bartiisa X ku qoray in uu yimid "goor ku habboon". Wuxuu ammaanay mowqifka cad iyo go'aanka adag ee madaxweynaha Mareykanka ku wajahayo "badbaadinta nolosha iyo joojinta dagaalkan foosha xun".

Horraantii bishii July, Trump wuxuu sheegay in cunaqabateyntaas ay noqon doonto 100% canshuur la saari doono waddan kasta oo ganacsi la yeesha Ruushka.

Tani waxay keeni doontaa in badeecaduhu noqdaan kuwa aad qaali u ah, taasoo shirkadaha Mareykanka ku qasbi doonta inay ka iibsadaan meel kale oo jaban, taasoo keeni doonta in Ruushka iyo dalkii la ganacsanayaba.

Markii uu la kulmay Ra'iisul Wasaaraha UK Keir Starmer, Trump wuxuu mar kale muujiyey sida uu uga soo horjeedo ficilada Putin ee Ukraine, halkaas oo dagaalku weli ka socdo saddex sano iyo bar kadib duullaankii buuxa ee Ruushku ku qaaday.

Inkasta oo uusan si cad u sheegin inuu u arko in Putin uu been u sheegay, Trump wuxuu tilmaamay isbarbardhig u dhexeeya hadallada Putin kulamadooda iyo gantaallada habeen kasta lagu garaacayo magaalooyinka Ukraine.

"Waan fileynay xabbad-joojin iyo laga yaabee nabad… haddana si lama filaan ah waxaad arkaysaa gantaalo duulaya oo ku dhacaya Kyiv iyo meelo kale," ayuu Trump ka cawday, isagoo intaas ku daray inuu u malaynayo in wada-hadallo suurtagal noqon karaan balse hadda ay "aad hoos uga dhacday wakhtigii suurtagalnimada".

Wuxuu yidhi, "Waxaan leeyahay, iska iloow, markale ma hadli doono. Mana doonayo inaan sii hadlo. Tani waxay dhacday marar badan mana jecli," hase yeeshee wuxuu sidoo kale sheegay in isaga iyo Putin ay had iyo jeer "si wanaagsan isula jaanqaadeen." Trump wuxuu sidoo kale sheegay inuusan "dan ka lahayn wada-hadallo dambe" hadal si degdeg ah uga muuqday warbaahinta waaweyn ee Ruushka.

Trump, oo xidhan jaakad suudh buluug ah, tie guduudan iyo shaadh cad, isaga oo farta ku fiiqaya wax kaamirada ka baxsan xilli uu fadhiyay qolka kubbadda ee goobtiisa golf-ka ee Turnbury ee Scotland.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Trump ayaa diiday in uu sheego in uu dareemayo in Putin uu "beenta u sheegayay" iyo in kale
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Putin weligiis kama uusan hadlin waqtigan la siiyey. Markii ugu horreysay ee 50-ka maalmood la shaaciyey, afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov wuxuu ku tilmaamay "mid aad u culus", balse wuxuu intaas ku daray in Moscow ay u baahan tahay waqti ay ku falanqeyso.

Markii ugu dambeysay ee arrintan laga hadlay Isniinta, xildhibaan Ruush ah oo la yidhaahdo Andrey Gurulyov wuxuu sheegay in hanjabaadaha Trump aysan "sii shaqeynayn… xagga hore dagaalka iyo Moscow toona" wuxuuna sheegay in Ruushku leeyahay awoodda hubkiisa, mabda'iisa iyo rabitaankiisa.

Markii Trump markii ugu horreysay ee uu xusay inuu yareynayo waqtiga la siiyey, madaxa shaqaalaha madaxweynaha Ukraine Andriy Yermak wuxuu ammaanay Trump isagoo sheegay inuu "soo bandhigay fariin cad oo nabad ku dhisan xoog ah" wuxuuna intaas ku daray in Putin "kaliya uu ixtiraamo xoogga."

Bilooyinkii ugu dambeeyay, Ruushka ayaa kordhiyey weerarrada uu ku hayo Ukraine, isagoo duqeymo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo badan ku garaacaya magaalooyinka, wuxuuna sii waday weerarkiisa xagaaga ee bariga dalka.

Saddex wareeg oo wada-hadal xabbad-joojin ah oo Turkigu martigeliyay ayaa horseeday is weydaarsi maxaabiis badan, balse wax horumar ah lagama gaarin heshiis xabbad-joojin rasmi ah.

Kadib saddex sano iyo badh oo dagaal dhiig badan ku daatay, lama hubo sida labada dhinac ay ugu heshiin karaan joojinta dagaalka muddo 12 maalmood gudahood ah.

Shuruudaha Ruushka ee nabadda oo ay kamid yihiin in Ukraine noqoto dal dhexdhexaad ah, si weyn hoos loogu dhigo ciidamadeeda, iyo inay ka tanaasusho riyada ay ka leedahay ku biiridda NATO waa kuwo xukuumadda Kyiv iyo xulafadeeda reer galbeedka aysan aqbalin.

Wareeggii ugu dambeeyay ee wada-hadallada oo socday in ka yar saacad, Peskov wuxuu sheegay in "isbeddel weyn" oo lagu gaari karo heshiis "ay u muuqato mid aan suurtagal ahayn."