Muxuu yahay hubka Balaayiinta Doollar ah ee Maraykanku ka iibinayo Masar xilli ay gobolka xiisad ka taagan tahay

Xigashada Sawirka, Reuters
Mareykanka ayaa xaqiijiyay sida ay uga go'an tahay in dalka ku yaalla waqooyiga Afrika uu siiyo hub casri ah, iyada oo loo marayo nidaamka wax iibsiga iyo midka gargaarka.
Qorshan ayaa waxaa ka mid ah hubka adag sida gantaalada cirka iyo hawada iyo saadka militariga, iyo sidoo kale barnaamijyada ciidamada qalabka sida oo dhan $4.67 bilyan.
Hay'adda iskaashiga amniga ee Mareykanka ayaa ogolaatay iibinta hubka iyo taageerada militariga Masar usbuucii hore.
Hay'adda Maraykanka ayaa sheegtay in Masar ay codsatay in ay Maraykanka ka soo iibsato gantaalada ugu casrisan ee hawada lagana soo rido dhulka ee afka ingiriiska lagu yiraahdo – National Advanced Surface-to- Air Missile System – loona soo gaabiyo (NASAMS).
Heshiiska hubka ayaa waxaa ku jira afar hab oo radar ah, boqollaal gantaallo ah iyo dhowr hab oo xagga koontaroolka ah.
NASAMS waa nidaamka difaaca cirka ee Maraykanka iyo Norway ay wadajirka u sameeyeen, wuxuuna ka hortagi karaa diyaaradaha dagaalka, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalada faraha badan.
Ilaa hadda, NASAMS waxaa ku shaqeeya Maraykanka iyo Norway. Saddex iyo toban waddan oo kale, oo ay ku jiraan Spain, Finland iyo Netherlands ayaa iibsaday.
Sida ku cad heshiiska Maraykanka iyo Masar, khubarada dawladda Maraykanku waxay u raaci doonaan hubkan Masar si ay uga caawiyaan injineernimada, farsamada iyo saadka.
Maraykanka oo xaqiijinaya in hubka laga iibinayo Masar waxa ay si weyn u xoojin doontaa qaybta milatariga ee aan Nato ahayn balse xulafada Maraykanka ah.
Hay'adda iskaashiga amniga ee Mareykanka ayaa sheegtay in heshiiskan uu qeyb ka qaadan doono ka guul gaarista siyaasadda amniga qaranka ee Mareykanka.
"Sharciga iibka hubka waxa uu sare u qaadi doonaa ammaanka dal aan NATO ka tirsanayn, marka sidaas la sameeyo, siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka iyo yoolalka amniga qaranka waa la gaari doonaa. Tani waxay xaqiijin doontaa xasilloonida iyo kobaca dhaqaalaha Bariga Dhexe," ayay hay'addu ku tiri hadal ay soo saartay.
Masar ayaa heshiis la gashay shirkad laga leeyahay dalka Maraykanka oo lagu magacaabo RTX Corporation si ay u hesho hubkan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dowladda Mareykanka ayaa caddaysay iibinta hubka waxayna arrintan u sheegtay Congress-ka.
Haddii kongressku uu ansixiyo heshiiska, Maraykanku wuxuu Masar u diri doonaa 16 shaqaale ah iyo 34 qandaraasleyaal ah.
Dadkani waxay sii joogayaan dalkaas si u bixiyaan tababar, iyo sidoo kale adeegyada farsamada iyo saadka muddo dheer.
Ilaa iyo Diseembar 2024, intii lagu jiray maamulkii madaxweyne Joe Biden, Mareykanka wuxuu xaqiijiyay in uu $5 bilyan oo hub ah siin doono Masar.
Heshiiska ayaa waxaa ku jira 555 taangiyada M1A1 Abraham, 2,183 gantaalada cirka ee dhulka wax ka dila iyo hub kale.
Masar ayaa ahayd xulafada ugu xoogan ee Maraykanka ee Bariga Dhexe tan iyo markii ay heshiis nabadeed la gashay Israa'iil 1979kii.
Tan iyo markaas, waxay taageero milateri ka heshay Maraykanka.
Si kastaba ha ahaatee, dhawaan ayaa xiriirka Masar iyo Shiinaha wuxuu u muuqday inuu sii xoogeystay.
Shiinaha ayaa dhoolatuskii ugu horreeyay ee militari la sameeyay Masar bilihii Abril iyo May.
Ciidamada cirka ee labada dal ayaa hawlgal loo bixiyay Eagles of Civilization 2025 waxay si wadajir ah ugu samaynayeen tababar muddo laba toddobaad oo xiriir ah.
Militariga Masar ayaa bogaadiyay dhoolatuska hawada iyagoo ku tilmaamay "xoojinta iyo ballaarinta xiriirka Shiinaha iyo Masar.













