Maraykanka iyo Midowga Yurub oo ugu dambeyn gaaray heshiis

Maraykanka iyo Midowga Yurub

Xigashada Sawirka, Getty Images

Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa gaaray heshiis ganacsi, kaas oo soo afjaray ismariwaagii muddo bilo ah u dhexeeyay labada dhinac ee dhaqaalaha ugu awoodda badan dunida.

Ka dib wadaxaajood iyo go'aan dhex maray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo madaxweynaha Komishanka Yurub Ursula Von der Leyen oo ku sugnaa Scotland, labada dhinac waxay ku heshiiyeen in Mareykanku saaro canshuur dhan 15% dhammaan badeecadaha laga keeno Midowga Yurub.

Taasi waxay ka dhigantahay kala bar heerkii hore ee canshuuraha oo gaaraysay 30% ee alaabta Midowga Yurub ugu tagta Maraykanka ee Trump uu horey ugu hanjabay inuu dhaqan gelinayo Jimcaha. Trump wuxuu sheegay in 27-ka dal ee xubnaha ka ah Midowga Yurub ay suuqyadooda u furi doonaan wax-soo-saarka Mareykanka, iyagoo xitaa boqolkiiba eber ka dhigay qaar ka mid ah canshuuraha badeecadaha la dhoofiyo.

Von der Leyen ayaa iyaduna soo dhaweeyay heshiiska, iyadoo sheegtay inuu xasillooni u keeni doono labada xulafo, kuwaas oo marka la isku daro ka dhigan ku dhawaad saddex meelood meel ganacsiga caalamka.

Trump wuxuu adeegsaday canshuuro si uu cadaadis ugu saaro saaxiibada ganacsi ee waaweyn ee Mareykanka, isaga oo isku dayaya inuu dib u habeeyo nidaamka dhaqaalaha caalamka isla markaana uu yareeyo khasaaraha ganacsi ee Mareykanka.

Marka laga soo tago Midowga Yurub, Trump wuxuu sidoo kale heshiisyo canshuureed la gaaray waddamo ay ka mid yihiin Boqortooyada Ingiriiska, Japan, Indonesia, Filibiin iyo Vietnam. Si kastaba ha ahaatee, weli ma uusan gaarin yoolkiisii ahaa "90 heshiis 90 maalmood gudahood."

Heshiiska ayaa lagu dhawaaqay Axaddii kadib wadahadalo dhexmaray Madaxweynaha Maraykanka Trump iyo Von der Leyen oo ka dhacay South Ayrshire.

Trump - oo booqasho shan maalmood ah ku jooga Scotland ayaa yiri ka dib kulankooda kooban "Waxaan gaarnay heshiis. Waa heshiis u wanaagsan qof walba."

"Wuxuu inaga dhigi doonaa kuwo is fahamsan oo is kusoo dhawaada."

Von der Leyen-na waxay heshiiska ku tilmaamtay "heshiis weyn" oo ay sheegtay in lagu gaaray "wadaxaajoodyo adag" kadib.

Trump ayaa sheegay in Midowga Yurub uu ku kordhin doono maalgashigiisa Mareykanka $600bn oo ay ku jiraan qalabka militariga Mareykanka, ayna ku bixin doonaan 750 bilyan oo tamarta ah.

Maalgelintaas saddexda sano ee soo socota ee gaaska dabiiciga ah ee Maraykanka, saliidda iyo shidaalka nukliyeerka, ayey tiri Von der Leyen, waxay gacan ka geysan doontaa dhimista ku tiirsanaanta Yurub ee ilaha tamarta Ruushka.

Alaabooyinka qaarkood lama saari doono wax canshuur ah, oo ay ku jiraan qaybaha diyaaraddaha, kiimikooyinka qaarkood iyo qaar ka mid ah wax soo saarka beeraha. Heshiis gaar ah oo ku saabsan semiconductors ayaa laga yaabaa in dhawaan lagu dhawaaqo.

Maraykanka iyo Midowga Yurub

Xigashada Sawirka, Reuters

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Laakiin 50% tacriifaha Mareykanka ee Trump uu ku dhaqan-geliyay birta iyo aluminiumka adduunka ayaa sii jiri doonta, ayuu yiri.

"Waxaan rabaa inaan u mahadceliyo Madaxweyne Trump shakhsi ahaan go'aankiisa gaarka ah iyo hoggaankiisa si uu u gaaro horumarkan," ayey tiri Von der Leyen.

"Waa gorgortan adag, laakiin sidoo kale waa qof ku fiican heshiiska."

Labada dhinacba waxay heshiiskan ku muujin karaan wax guul ah.

Ganacsiga badeecooyinka u dhexeeya Midowga Yurub iyo Maraykanka ayaa dhan 976 bilyan oo dollar sannadkii hore.

Madaxda Yurub ayaa si taxadar leh u soo dhaweeyay heshiiska.

Raiisel wasaaraha Irish, Taoiseach Micheál Martin, ayaa xusay xaqiiqda ah in canshuuraha ay wali ka sii badnaan doonaan sidii hore, taas oo ka dhigaysa ganacsiga "ka qaalisan oo aad u adag".

Wadamada EU-da, Ireland ayaa ah tan ugu tiirsan Maraykanka oo ah suuqa dhoofinta.

Hoggaamiyaha Jarmalka Friedrich Merz ayaa qoraa uu soo dhigay bartiita X, ee horrey loo oran jiray Twiter waxaay uu sheegay in khilaafka ganacsigu uu si adag u saameyn lahaa Jarmalka.

"Xidhiidh ganacsi oo xasiloon oo la saadaalin karo oo leh helitaanka suuqa ayaa faa'iido u leh qof kasta oo ku nool labada dhinac ee Atlantic, ganacsiyada iyo macaamiisha si isku mid ah," ayuu intaas raaciyay.

Ra'iisul wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa soo dhoweysay heshiiska, balse waxay sheegtay inay u baahan tahay inay aragto faahfaahinta, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Talyaaniga ee Ansa.

Ra'iisal wasaaraha Britain Keir Starmer ayaa qorsheynaya inuu Trump kula kulmo Turnberry Isniinta.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa ku sugnaan doona Aberdeen Talaadada, halkaas oo qoyskiisu ay ku leeyihiin garoon kale oo Golf ah oo uu furayo seddexaad bisha soo socota.