Imaaraatka iyo Urdun oo gargaar hawada uga soo daadiyay Qasa

Qasa

Xigashada Sawirka, Reuters

Wax yar ka hor, telefishinka qaranka Urdun ayaa sheegay in Ciidanka Cirka ee Boqortooyada Urdun ay ka qayb qaateen hawlgal ay kula jireen Imaaraatka Carabta "25 tan oo cunto gargaar ah iyo sahay bini'aadanimo oo muhiim ah" oo la geeyay Qasa.

Labo diyaaradood oo nooca C-130 ah oo laga leeyahay dalka Urdun iyo mid ka mid ah diyaaradaha Imaaraatka Carabta ayaa ku lug lahaa howlgalka, waxaana la beegsaday dhowr goobood oo ka tirsan Marinka Qasa, sida ay warbixintu sheegtay.

Telefishinka qaranka Urdun ayaa intaa ku daray in gargaarkii ugu dambeeyay ee la soo gaarsiiyey ay ka dhigayso tirada guud ee goobaha diyaaradaha ee Urdun tan iyo markii uu dagaalka Qasa ka bilowday ay gaartay 127.

Qasa

Xigashada Sawirka, Reuters

Dhanka kale, adaxda hay'adaha gargaarka ayaa ka digay in xoogga la saarayo daadinta cirka ee gargaar lagu gaarsiinayo Qasa ay tahay "isku mashquulin fool xun" oo aan waxba ka beddeli doonin xaaladda macluusha ba'an ee ka sii daraysa dhulkaasi.

Militariga Israa'iil ayaa goor hore oo Axadda maanta ah sheegay inay gargaar ay dusha sare ugu daadiyeen hawada Marinka Qasa sidoo kalana ku dhawaaqay in kolonyada gargaar ee Qaramada Midoobay loo furayo marinno.

Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo Urdun ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda iyaguna sameeyaan daadinta gargaarka dhanka cirka ah, halka Ra'iisul Wasaaraha UK, Keir Starmer, uu sheegay in dowladdiisu ay "wax kasta oo suurtagal ah" ku bixinayso sidii gargaar hawada loo mariyo loogu gaarsiin lahaa Gaza.

Ciarán Donnelly, oo ka tirsan guddiga samatabbixinta caalamiga ah, ayaa sheegay in gargaar hawada la daadsho uusan "weligeed keeni karin mugga ama tayada" gargaarka loo baahan yahay,

In ka badan 100 hay'adood oo caalami ah oo ka shaqeeya gargaarka iyo xuquuqda aadanaha ayaa si wadajir ah uga digay halista macaluul baahsan oo ka dhacda Qasa.

Wasaaradda caafimaadka Qasa ee Xamaas ay maamusho ayaa Sabtidii sheegtay in shan qof oo kale ay u dhinteen nafaqo darro, taasoo tirada guud ka dhigaysa 127 tan iyo markii uu dagaalku billowday. Tiradaas waxaa ku jira 85 carruur ah.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Hay'adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa ka digtay in saddexdii qof ee reer Qasa ah mid ka mid ahi aanu wax cunin maalmo isla markaana 90,000 oo haween iyo carruur ah ay u baahan yihiin daweyn degdeg ah oo ay ku tilmaantay "macaluul baahsan oo bini'aadam sameey ah" ".

Madaxa hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiiniyiinta, UNRWA, Philippe Lazzarini, ayaa sheegay Sabtidii gargaarka hawada la daadiyeyay tahay "qaali, aan waxtar lahayn, xitaa khatar ku noqon karta dad baahi la ildaran haddii ay si khaldan u dhacdo."

Lazzarini waxa uu sheegay in ururkiisu uu haysto "wax u dhigma 6,000 oo baabuur" Urdun iyo Masar, oo sugaya "iftiinka cagaaran" si ay u galaan Qasa.

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay rabitaan siyaasadeed si "go'doominta loo qaado, albaabada loo furo, loona dammaanad qaado dhaqdhaqaaqyo ammaan ah iyo in dadka baahan ay si sharaf leh u helaan gargaar."

"Gargaarka waddada lagu keeno waa mid aad u sahlan, wax ku ool ah, dhakhso badan, jaban, ammaan badan—waana mid si sharaf leh u gaaraya shacabka Qasa," ayuu Lazzarini ku yiri qoraal.

Hadalladiisa ayaa yimid ka hor inta aysan Israa'iil ku dhawaaqin in ay dhisi doonto waxa ay ugu yeertay "wadooyin bini'aadantinimo oo loo qoondeeyey si ay awood ugu yeeshaan dhaqdhaqaaqa nabdoon ee kolonyada Qaramada Midoobay ee geynaya cunto iyo daawo." Ma aysan qeexin halka ay noqon doonaan iyo sida ay u shaqeyn doonaan.

Israa'iil waxay ku adkaysanaysaa inaysan jirin wax xannibaad ah oo ku saabsan in gargaarka la soo geliyo Gaza, iyadoo afhayeen u hadlay dowladda uu horay u soo jeediyay in Qaramada Midoobay ay kala shaqeyso Xamaas si loo carqaladeeyo qaybinta gargaarka.

gargaarka Qasa

Xigashada Sawirka, Reuters

Qaramada Midoobay ayaa diidday taas, waxayna sheegtay in Israa'iil ay hortaagan tahay awooddeeda ay ku ururinayso gargaarka gudaha Qasa iyada oo u maraysa caqabado xagga maamulka ah.

Xamaas ayaa beenisay in ay xaday gargaarka. Warbixin ay dhawaan soo saartay USAID ayaa lagu sheegay in aysan jirin wax cadeyn ah oo muujinaya bililiqo nidaamsan.

Ma ahan markii ugu horeysay oo dowladaha reer galbeedka iyo kuwa Carabta ay isku dayaan in gargaar hawada looga daadiyo Qasa.

Sanadkii hore, ciidamada cirka ee Britain ayaa geeyay 110 tan oo gargaar ah iyagoo sameeyay 10 jeer oo daadinta gargaarkahawada ah, qayb ka ah iskaashi caalami ah oo uu hogaaminayay Urdun.

Falanqeyn ay sameysay BBC-da ayaa muujisay in lagu qiyaasay in ku dhowaad 160 diyaaradood loo baahdo si loo siiyo hal cunto maalmeed dhammaan dadka Qasa ee qiyaastii ah laba milyan oo qof.

Tirooyin uu soo bandhigay Taliska Dhexe ee Mareykanka sanadkii hore ayaa muujinaya in diyaaradooda xamuulka ee C-130 ay gaarsiiyeen qiyaastii 12,650 cunto halkii duullimaadba.

Taas macnaheedu waa in in ka badan 160 duulimaad loo baahan yahay si hal cunto loogu gaarsiiyo dhammaan dadka Gaza oo lagu qiyaaso 2.1 milyan.

Dhowr hay'adood oo gargaar ah ayaa ka digay khataraha ku jira in kumannaan tan oo raashin ah lagu daadsho hawada sare iyadoo lagu ridayo Gaza oo ah meel si aad ah u ciriir ah oo dadku ku badan yihiin.

Shaina Low oo ka tirsan hay'adda qaxootiga ee NRC, ayaa sheegtay in dadku ay "ku hafanayeen" badda Mediterranean-ka iyagoo isku dayaya in ay soo qabsadaan gargaar dabayshu qaadayso, waxayna intaas ku dartay in sanduuqyo gargaarka ka mid ah ay "dad burburiyeen" markay cirka uga soo dhaceen.

Xitaa marka daadinta ay guuleysato, "waxay ahayd fawdo," ayay tiri. "Dad ayaa ku dagaallamayay gargaarka. Dad ayaa dhaawacmay."

Dhinaca kale, cabsi xooggan ayaa ka jirta gudaha Qasa oo la xiriirta khatarta gargaarka hawada laga soo daadinayo. BBC-da waxay Sabtidii la hadashay dhowr qof oo reer Gaza ah oo walaac ka muujiyay in daadintu ay sababi karto "waxyeello daran."

Nin ku nool waqooyiga marinka Qasa ayaa u sheegay BBC in habkaas uu yahay "mid aan ammaan ahayn" isla markaana uu "sababay masiibooyin badan."

"Marka gargaarka laga soo daadiyo hawada, waxaa jirta halis ah in uu si toos ah ugu dhaco teendhooyinka dadka, taasoo sababi karta dhaawac culus, xitaa dhimasho," ayuu yiri.

Intaa waxaa dheer, dadka reer Falastiin waxay la tacaalayaan fuuqbax iyo gaajo aad u daran. Hooyo u warrantay BBC-da ayaa tiri: "Waxaan la noolahay xaalad aan wax cunto ah jirin, wax cabitaan ahna ma hayno, ma haysanno wax raashin ah, rooti xitaa ma hayno, xitaa biyo ma haysanno."

"Xitaa biyo ayaa aan u oomannahay," ayay tiri.

Israa'iil waxay dagaal ka bilowday Qasa kadib weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar 2023 ee lagu qaaday koonfurta Israa'iil, kaas oo lagu dilay ku dhowaad 1,200 qof, halka 251 kalena la afduubtay.