Maxay tahay tallaabada ay soo dhaweeyeen dalalka dagaalku dhexmarayo ee Thailand iyo Cambodia ee Trump qaaday?

Thailand iyo Cambodia

Xigashada Sawirka, Reuters

Donald Trump ayaa Sabtidii sheegay inuu wacay madaxda Cambodia iyo Thailand, isagoo ku cadaadinayay inay si degdeg ah u joojiyaan dagaalka kadib markii dagaal ku dhexmaray soodinta labada dal

Bilowgii booqasho gaar ah oo uu ku tagay goobtiisa golf-ka ee Scotland, madaxweynaha Mareykanka waxa uu ku qoray batiisa bulshada ee Truth Social in labada qaranba "ay ku heshiiyeen in ay si degdeg ah u kulmaan oo ay si degdeg ah uga shaqeeyaan xabbad-joojin iyo, ugu dambeyntii, NABAD!".

Labada waddanba waxay uga mahad celiyeen dareenkiisa iyo dadaalkiisa. Cambodia waxay aqbashay codsigiisa xabbad-joojinta, halka Thailand ay ku adkaysatay baahida loo qabo wada-hadal dhexmara labada dal.

Si kastaba ha ahaatee, kadib wicitaannada madaxweynaha Mareykanka, madaafiic ayaa weli ka dhacaysay xadka habeenkii.

Jawaabta Raysal Wasaarayaasha Thailand iyo Cambodia ee wicitaannadii Trump waxay ahayd mid togan, hase yeeshee midkoodna ma bedelin mowqifkooda.

Cambodia horay bay u soo jeedisay xabbad-joojin; ciidamadeedu waa daciif marka la barbar dhigo kuwa Thailand, waxayna dhul iyo qalab ku waayeen duqeymaha madaafiicda iyo weerarada cirka ee Thailand.

"Waxaan si cad ugu sheegay Trump in Cambodia ay ogolaatay soo jeedinta xabbad-joojin degdeg ah oo aan shuruud lahayn oo dhex marta labada ciidan," ayuu yiri Raysal Wasaare Hun Manet kadib wicitaanka, isagoo intaas ku daray in dhexdhexaadinta Trump "ay runtii gacan ka geysan doonto badbaadinta nolosha askarta iyo dadka rayidka ah ee badan."

Dhinaca kale, Thailand waxay sheegtay inay diyaar u tahay inay tixgeliso xabbad-joojin, balse waxay ku adkaysanaysaa dalabkeedii hore ee ahaa in wadahadal lala yeesho Cambodia ay tahay inuu marka hore yimaado.

Ku-simaha Ra'iisul Wasaaraha Phumtham Wechayachai "wuxuu uga mahadceliyey madaxweyne Trump walaaciisa wuxuuna muujiyay in Thailand ay ogolaatay mabda'a ah in la sameeyo xabbad joojin. Si kastaba ha ahaatee, Thailand waxay jeclaan lahayd inay aragto ujeedo daacad ah oo ka timaada dhinaca Cambodia," ayay wasaaradda arrimaha dibadda ee Thailand ku tiri hadal ay soo saartay.

Ugu yaraan 33 askari iyo dad rayid ah ayaa ku dhintay halka kumannaan qof oo Thai iyo Cambodia ah ay barokaceen tan iyo markii uu dagaalku qarxay 24-kii Luulyo.

Trump

Xigashada Sawirka, EPA

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Trump waxa uu sheegay in uu rajaynayo in uu dib u bilaabo wada-hadallada ganacsiga ee Cambodia iyo Thailand in kasta oo aanay ku habboonayn in la wada hadlo ilaa laga gaarayo "joojinta dagaalka".

Waxa uu soo farageliyay toddobaad ka hor inta aan la dhaqan gelin canshuuraha Mareykanka ee Cambodia iyo Thailand.

Laga bilaabo 1da Agoosto, ganacsiyada Mareykanka uga taga Thailand ama Cambodia ayaa la kulmaya boqolkiiba 36 canshuur haddii aan heshiis la gaarin ka hor.

Ma cadda sida uu Trump ugu lug yeeshay xaaladda, iyadoo maalin uun ka hor uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda ee Thailand Maris Sangiampongsa: "Uma maleynayo inaan weli u baahanahay wax dhexdhexaadin ah oo ka socda waddan saddexaad."

Ra'iisul wasaaraha Malaysia Anwar Ibrahim ayaa horay u soo jeediyay in la fududeeyo wadahadalka Thailand iyo Cambodia.

Horaantii Sabtidii, Cambodia waxay mar hore ugu baaqday xabbad-joojin "degdeg ah" oo lala yeesho Thailand iyo in si nabad ah lagu xalliyo khilaafka.

Ka dib markii uu ku soo gaaray goobta Trump Turnberry ee South Ayrshire, madaxweynaha Mareykanka wuxuu sheegay inuu la hadlay ra'iisul wasaaraha Cambodia Hun Manet iyo Phumtham.

"Marka wax walba la dhammeeyo oo nabad la helo, waxaan rajeynayaa inaan dhammaystirno heshiisyada ganacsiga ee labada dal!"

Thailand iyo Cambodia mid walba ayaa ku eedeeyay kan kale inuu isagu dagaalka bilaabay.

Thailand waxay sheegtay in dagaalku bilaabmay markii milatariga Cambodia ay soo direen diyaarado aan duuliye lahayn si ay u basaaseen ciidamo Thai ah oo ku sugan xadka.

Cambodia waxay ku eedeysay Thailand in ay jebisay heshiis hore iyadoo ciidamadeedu ay u soo dhaqaaqeen dhanka kaniisad Khmer-Hindu ah oo xuduudda ku taalla.

Khilaafka u dhexeeya labada waddan wuxuu dib ugu laabanayaa in ka badan qarni, waana markii xuduudaha labada dal la dejiyay kadib gumeysigii Faransiiska ee Cambodia.