Thailand oo loo heysto dhimashada xayawaan ay deyn uga soo qaadatay Shiinaha

Xigashada Sawirka, AFP
Xayawaanka loo yaqaanno Oorsada oo caan ahaa ayaa si lama filaan ah ugu geeriyooday xero xayawaannada lagu daawado oo ku taalla dalka Thailand, arrintaas ayaana caro weyn ku abuurtay dowladda Shiinaha.
Beijing ayaa khubaro usoo dirtay Thailand si ay u baaraan sababta keentay dhimashada xayawaankaas oo ay iyadu lahayd.
Oorsadan labka ah oo lagu magacaabi jiray Chuang Chuang ayaa ku jiray xerada loo dalxiiska tago ee la yiraahdo Chiang Mai, tan iyo markii Shiinaha laga soo amaahday sanadkii 2003-dii.
Xayawaankan oo 19 jir ahaa ayaa si weyn looga yaqaannay guud ahaan waddanka Thailand, wuxuuna si gaar ah usii caan baxay markii dhowr jeer la sameeyay isku dayo loogu ol'oleynayay in dib loola miyeedo lamaantiisa.
Baraha xiriirka bulshada ee dalka Shiinaha ayaa caro aad u badan looga muujiyay geeridiisa aan sharraxaadda laga bixinin, dad badan ayaana dowladda Thailand ku eedeynaya inaysan si habboon u xannaaneyn jirin xayawaankaas.
Oorsooyinka noocan ah oo laga helo waddanka Shiinaha oo kaliya ayaa sida caadiga ah noolaada 25 ilaa 30 sano, marka ay gacanta dadka ku jiraan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxay horay xayawannadan qarka ugu saarnaayeen inay dabar go'aan, hase yeeshee waxaa ururka caalamiga ah ee ilaalada xayawaannada ayaa liiska xayawaannada dabar go'a ku dhow ka saaray ka dib markii ay tiradooda dib u badatay.
Shiinaha ayaa qaab amaah ah ku siiya dalalka kale ee caalamka, si uu ugu xoojiyo xiriirkiisa diblomaasiyadeed.
Waxaa Shiinaha dhexdiisa ka jiray warar la isla dhex marayay oo ku saabsanaa sida ay xayawananadan ugu nool yihiin waddankaas dibaddiisa, dhimashada soo deg degtay ee Chuang Chuang ayaana hadda soo jiidatay warbaahinta Shiinaha oo dhan.
Sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka Shiinaha ee Xinhua, baaritaan ayaa hadda lagu sameyn doonaa sababta keentay dhimashada xayawaankan, khubaro ka socota waaxda xayawaanaadka iyo cilmi baarista ayaana u safray Chiang Mai si ay howshan ula fuliyaan dhiggooda waddanka Thailand.
Qaar ka mid ah dadka isticmaala barta Twitterka oo kale ah ee Weibo, oo laga leeyahay Shiinaha, ayaa walaac ka muujiyay arrintan waxayna sheeneen "in Thailand aysan ku habbooneyn inay xannaaneyso xayawaankaas, sidoo kalena aysan ula dhaqmin sida laga filanayo".
Kuwo kale ayaa su'aal ka keenay sida Thailand loogu aamini karo Oorsadii dhaddigga ahayd ee Chuang Chuang kula nooleyd xerada Chiang Mai, waxayna ku taliyeen in dib loogu celiyo Shiinaha.











