Ciyaaraha Wafcon: Nigeria oo guul dooneysa iyo Morocco oo taariikh rajeyneysa

Wafcon

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES/BACKPAGE PIX

Nigeria ayaa ku dadaaleysa in ay rikoor dhigto koobka kubadda cagta ee Wafcon ciyaarta caawa ay isaga hor'imaanayaan dalka martigelinaya ee Moroco. Nigeria oo sagaal jeer horyaalka noqotay hadii ay caawa qaado waxay u noqoneysaa markii 10-aad.

Labada naadi ayaan wax guuldaro ah la kulmin ciyaarahan iyadoo xulka galbeedka Africa shan ciyaar oo ay dheeleen laga dhaliyay hal gool. Caawa kulankooda waxa uu ka dhacayaa garoonka Olombikada ee magaalada Rabat kaas oo qaada 21-kun.

Morocco waxay gashay kaalinta labaad ciyaar isla garoonkan ka dhacday sanadkii 2022-kii balse sanadkan waxay dooneysaa in ay guuleysato oo koobka sidaa ku qaado.

Hadii xulka gabdhaha Morocco ee loo yaqaan (Libaaxyadii Atlas) ay koobka qaadaan markii ugu horeysay, waxay taasi muujineysaa lacagta badan uu dalka ku bixiyay isboortiga gabdhaha kubadda cagta in ay helayaan faa'idadeeda.

Way adag tahay in sanadkan la saadaaliyo kooxda guusha ay raaceyso, sababtuna waxay tahay labada koox midna si wanaagsan uma ciyaarin kulamadii samafiinalka.

Xulka qaranka Morocco waxaa macaalin u ah Jorge Vilda oo ahaa tababarihii xulka qaranka gabdhaha Spain ee gool-ku-laadka kaga adkaaday xulka qaranka Ghana.

Nigeria oo xulkoodu yahay kan ugu darajada sareeya naadiyada Afrika waxay dhaliyeen hal gool daqiiqadihii ugu dambeeyay ciyaarta si ay uga adkaadaan naadiga difaacanayay horyaalka ee Koonfur Afrika.

Hadii xulka Morroco ee loogu yeero Libaaxyada Atlas ay qaadaan koobka, markii ugu horeysay waxay taasi u keeneysaa in ay sii socoto maalgelinta badan ee boqortooyada galineysay ciyaaraha gabdhaha sanadihii la soo dhaafay.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Labada xul in aad kala doorato kii aad taageri laheyd caawa ma ahan mid sahlan sababtoo ah labada dhinac midkoodna lama imaan waxyaabo kuugu qasbayo in aad taageerto.

Xulka Waqooyiga Afrika kaas oo uu leyliyo macalinka kooxdii gabdhaha Spian ee koobka adduunka ku guuleystay, Jorge Vilda, waxa uu u baahday rigoorooyin si uu uga badiyo gabdhaha Ghana halka Nigeria oo qaarada ugu sareysa ay hal gool kaga badisay Koonfur Afrika.

Kalsoonida xulka qaranka Nigeria waa mid aad u sareysa. Ololahooda waxay astaan uga dhigeen 'Mission X'.

"Mission X- waa waxa uu uu ka dhigan yahay horyaalkan oo dhan," ayey Michelle Alzie u sheegtay BBC qeybta ciyaaraha, waxay kaloo intaas ku dartay, "ilaa waxay soconeysaa ugu dambeyn guusha. Si wadajir ah ayaan isula qabsanay, waxaana isleeyahay taasi waa mid laga arki karay ciyaar kasta".

Kooxda ku guuleysta ciyaarahan waxay heleysaa hal milyan oo doolar oo abaalmarin lacageed ah iyo sidoo kale muuqaalka cusub ee koobka Wafcon.

Dhageystayaasha BBC-da waxay ciyaartan kala socon karaan raadiyaha marka ay caawa bilaabato halka dadka ku nool UK ay kala socon karaan bogga BBC isboorti.

Libaaxyada Atlas ma guuleysan doonaan si ay taariikh u dhigaan?

Morocco

Xigashada Sawirka, CONFEDERATION OF AFRICAN FOOTBALL

Morocco waxay ciyaaraha Wafcon ku soo laabatay sanadkii 2022-kii kaddib markii muddo ay ka maqmeyd, hadana waxaa loo arkaa mid ka mid ah naadiyada Africa ugu sareeya.

Balse ciyaarihii ay soo bandhigeen dhawaan ma aheyn kuwa u dhigma guulahoodi hore. Culeys ayey kala kulmeen sidii ay uga badin lahaayeen Zambia iyo Ghana ciyaarihii guruubada.

Qaar ka mid ah ciyaartoydooda ugu fiican sida kabtanka kooxda Ghizlane Chebbak iyo goolhayaha Khadija Er-Rmichi ma soo bandhigin ciyaar fiican.

Sidii lagu magacaabay tababare Jorge Vilda waxay keentay dood ku saabsan diwaankiisa hore ee Spain balse taariikh ayuu u horseedayaa hadii Morocco markii ugu horeysay ay qaadaan Wafcon.

Dadka qaar ayaa aaminsan in guushiisa ay sare u qaadeyso ciyaaraha kubadda cagta haweenka ee gobolka.

Xulka Nigeria ma dhameystiri-karaan Mission X?

Xulka Nigeria

Xigashada Sawirka, BACKPAGE PIX

Nigeria oo ah naadiga ugu guusha badan xulalka gabdhaha qaarada Afrika waxaa ka go'an in ay koobka qaadaan. Markii ugu dambeysay ay qaadeen waxay aheyd sanadkii 2018-kii.

Ololahooda "Mission X" waxa uu dhiirogeliyay kooxda kuwaas oo dhinac kasta ka xoogan, hadii ay noqon laheyd difaaca, dhexda iyo weerarkaba. Ilaa hadda sagaal ciyaartoy ayaa goolasha u dhalisay. Si layaab leh ayey Koonfur Afrika kaga badiyeen.

Taageerayaal badan ayaa soo buuxin doona garoonka Rabat balse Nigeria way yaqaanaan ciyaaraha waa weyn. Sanadkii 2016-kii waxay ka badiyeen Cameroon iyadoo ay daawanayeen 40-kun oo taageerayaal ah

Laba xul oo awood leh ayaa finalkan is arkaya sida hore loo saadaaliyay. Hadii Morocco oo 24 ka hooseysa Nigeria ay ka adkaato, waxay baddeleysaa dheelitirka awoodeed ee kubadda cagta haweenka Afrika.