Faranskiisa oo ku dhawaaqay inuu aqoonsanayo dowlad Falastiin leedahay

Faransiiska

Xigashada Sawirka, Reuters

Faransiiska ayaa si rasmi ah u aqoonsan doona dowlad Falastiin leedahay bisha Sebtembar, sida uu sheegay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, taasoo ka dhigeysa waddankii ugu horreeyay ee ka tirsan G7 oo tallaabadaas qaada.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee X, ee horey loo oran jiray Twitter, Macron wuxuu sheegay in warkan si rasmi ah loogu dhawaaqi doono intii lagu guda jiro fadhiga golaha guud ee Qaramada Midoobay oo ka dhici doona magaalada New York.

"Baahida degdega ah ee maanta waa in dagaalka Qasa la soo afjaro oo dadka rayidka ah la badbaadiyo, nabad waa suurtagal, waxaan u baahanahay xabbad joojin degdeg ah, in la sii daayo dhammaan la haystayaasha, iyo gargaar bini'aadannimo oo ballaaran oo la gaarsiiyo dadka Qasa," ayuu qoray.

Saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa soo dhaweeyay go'aanka Macron, halka ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu uu sheegay in tallaabadan "ay abaal-marinayso argagixiso" ka dib weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar 2023 ka dhacay Israa'iil.

Maraykanku "si adag ayuu u diiday" ku dhawaaqida Macron, ayuu yiri xoghayaha arrimaha dibadda Marco Rubio, isagoo ku tilmaamay go'aanka mid "ka-fiirsasho la'aan".

G7 waa koox ka kooban dalal waaweyn oo warshadaha horumaray leh, kuwaasoo ay ka mid yihiin Faransiiska, Mareykanka, Boqortooyada Midowday (UK), Talyaaniga, Jarmalka, Kanada, iyo Jabaan.

Qoraalkiisa khamiistii ee X, uu ku qoray Marcon ayaa intaa raaciyey "Runtii go'aankeena taariikhiga ah ee ku aaddan nabad waarta oo ka dhalata Bariga Dhexe, waxaan go'aansaday in Faransiisku aqoonsan doono Dawladda Falastiin.

"Sidoo kale waa in aan dammaanad qaadnaa in hub ka dhigis lagu sameeyo Xamaas, oo aan sugno oo dib u dhisno Qasa."

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Ugu dambayn, waa in la dhisaa dowlad Falastiini ah, la xaqiijiyaa in ay noqoto mid waarta oo awood leh, iyadoo aqbalaysa in aysan lahayn ciidan isla markaana si buuxda u aqoonsata Israa'iil, si ay uga qayb qaadato sugidda amniga dhammaan Bariga Dhexe. Ma jiro wax beddel ah."

Macron waxa uu sidoo kale ku lifaaqay warqad uu ku xaqiijinayo go'aankiisa madaxweynaha maamulka Falastiin Maxamuud Cabaas.

Isagoo ka jawaabaya ku dhawaaqista Macron, ku xigeenka Abbas Hussein al-Sheikh ayaa yiri, "Mawqifkani wuxuu ka tarjumayaa sida ay Faransiisku uga go'an tahay sharciga caalamiga ah iyo taageerada ay siiso dadka Falastiiniyiinta xuquuqdooda aayo-ka-tashigooda iyo dhismaha dawladeena madax-banaan", sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Macron waxa uu sidoo kale u diray madaxweynaha mamaulka Falastiin Maxamuud Cabaas lifaaq warqadeen oo uu ku xaqiijinayo go'aankiisa.

Maxamuud Jaamac oo ah falanqeeye deggan dalka Faransiis ayaa sheegay in go'aanka Marcon uu muujinayo mid uu doonayo inuu ku cabiro xaaladda ka taagan Falastiin

"Hadalkiisa waxaa loo fasiran karaa arrinta cakiran ee ka taagan Qasa in tahay mid uu doonayo inuu ku gilgilo adduunka, taas ayaa keentay in Faransiisku si deg deg qadiyada Falastiin adduunka u soo bandhigo si dowladda kale uga hadli karaan"

Wuxuu sheegay Maxamuud in tani Falastiniiyinta oo xaalad adag ku jira ay u tahay guul weyn oo taariikhiya in mid ka mida dalalka leh codka diidmada qayaxan ee "VETO" uu dhaho waa aqoonsanaynaa Falastiin, waxay ummadda Falastiin u tahay guul weyn.

Faranskiisa iyo Falastiin

Xigashada Sawirka, Reuters

Dhanka kale, Netanyahu oo qoraal soo dhigay bartiisa X, ayaa sheegay, "Waxaan si adag u cambaareyneynaa go'aanka Madaxweyne Macron uu ku aqoonsanayo dowlad Falastiin ah oo ku xigta Tel Aviv ka dib xasuuqii 7 October.

"Dowlad Falastiini ah oo lagu dhiso duruufahan waxay noqon doontaa saldhig lagu baabi'inayo Israa'iil – ma ahan mid la doonayo in nabad lagula ag noolaado. Aan si cad u sheegno: Falastiiniyiintu ma raadinayaan dowlad Israa'iil deris la ah, waxay raadinayaan dowlad beddesha Israa'iil," ayuu raaciyay Netanyahu.

Xamaas ayaa sheegtay in go'aanka Faransiiska uu yahay "tallaabo wanaagsan oo loo qaaday jihada saxda ah" waxayna ku booriyeen dhammaan waddamada adduunka "inay raacaan hoggaanka Faransiiska".

Hadda, Dawladda Falastiin waxa aqoonsan in ka badan 140 oo ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay.

Dhowr waddan oo Midowga Yurub ah, oo ay ku jiraan Spain iyo Ireland, ayaa ka mid ah.

Laakiin taageeraha ugu weyn ee Israa'iil, Mareykanka, iyo xulafadiisa oo ay ku jirto UK ma aysan aqoonsanin dowlad Falastiini ah.

Bayaan uu soo saaray khamiistii, Ra'iisul Wasaaraha UK Sir Keir Starmer ayaa sheegay in uu "wicitaan degdeg ah" la yeelan doono madaxda Faransiiska iyo Jarmalka Jimcaha si uu ugala hadlo "waxa aan si degdeg ah u sameyn karno si aan u joojino dilka".

Dawladnimadu waa "xuquuqda aan la duudsiin karin dadka reer Falastiin", ayuu yiri Starmer, isaga oo intaa ku daray in xabbad joojintu "ay ina saarayso waddadii aqoonsiga dawladda Falastiin iyo xal laba dawladood ah".

Wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudi Carabiya ayaa bogaadisay go'aanka Faransiiska, waxayna sheegtay "in uu dib u xaqiijinayo is-afgaradka beesha caalamka ee ku aaddan xaqa ay dadka Falastiiniyiinta u leeyihiin aaya-ka-tashigooda iyo in la dhiso dowlad madax-bannaan.

Milatariga Isra'iil ayaa Qasa ka bilaabay olole ay kaga jawaabayaan weerarkii lagu qaaday koonfurta Israa'iil, kaas oo lagu dilay ilaa 1,200 oo qof, 251 kalena lagu qafaashay.

Ugu yaraan 59,106 qof ayaa lagu dilay Qasa tan iyo markaas, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dhulkaas.

Horaantii Khamiista, hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiiniyiinta (Unrwa) ayaa sheegtay in mid ka mid ah shantii carruur ah ee ku nool magaalada Qasa uu hadda nafaqo darro hayso, kiisaskuna ay sii kordhayaan maalin kasta.

In ka badan 100 hay'adood oo gargaar caalami ah iyo kooxaha xuquuqul insaanka ayaa sidoo kale ka digay macaluul baahsan oo ka jirta Marinka Qasa - iyaga oo ku cadaadinaya dowladaha inay tallaabo qaadaan.

Israa'iil oo gacanta ku haysa gelitaanka dhammaan sahayda dhulka Falastiin, ayaa marar badan sheegtay in aanay jirin wax go'doomin ah, iyada oo Xamaas ku eedaysay xaalad kasta oo nafaqo darro ah.