Madaxweynaha Eritrea: "Itoobiya waa in ay "diiradda saartaa dhibaatooyinkeeda gudaha halkii ay dagaal raadin lahayd"

Xigashada Sawirka, Sabbath
Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, ayaa ugu baaqay mas'uuliyiinta dalka dariska la ah ee Itoobiya, oo uu muran kala dhaxeeyo in ay ka fogaadaan hadallada kicinta ah isla markaana ay xoogga saaraan dhibaatooyinka gudaha dalkooda ka jira.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ku sheegay Arbacadii la so dhaafay, qaybtii labaad ee wareysi lala yeeshay oo uu siiyay telefishanka qaranka Eritrea.
Qaybtii hore ee wareysiga oo la baahiyay Sabtidii ka horreysay, waxa sidoo kale lagu falanqeeyay khilaafka Itoobiya. Waxaana markii hore loo qorsheeyay in qaybta labaad lagu eego arrimaha gudaha ee Eritrea, balse waqti badan ayaa lagu bixiyay ka hadalka dalalka sida Suudaan, Isu-tagga Imaaraadka Carabta, iyo arrimo kale oo caalami ah.
Hadaladiisa, Madaxweynaha ayaa mar kale ku celiyay baaqiisa ahaa in Itoobiya ay ka fiirsato in ay ku mashquusho hadallo dagaal hurin ah, halkii ay si wax ku ool ah u xallin laheed dhibaatooyinka gudaheeda ka jira
Waxaa xusid mudan in qaybtii hore ee wareysiga, Madaxweynaha uu ku tilmaamay warqaddii Itoobiya u dirtay Qaramada Midoobay inay ahayd "eedo been ah oo aan macquul ahayn."
Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, ayaa wareysi uu bixiyay Sabtidii, qaybtiisii koowaad, ku beeniyay warqad dhowaan dowladda Itoobiya u dirtay Qaramada Midoobay oo ay ku eedeysay dowladda Eritrea. Wuxuu ku tilmaamay eedeyntaasi "been raqiis ah," isagoo sheegay in dowladda Itoobiya ay adeegsaneyso been taas si ay u qariyaan diyaar garowga dagaal ee Xisbiga Barwaaqo.
Qaybta labaad ee wareysiga, oo la baahiyay fiidnimadii Arbacada, Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu uusan doonaynin dagaal.
Wuxuu yiri:
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Dowladda Addis Ababa arrimo kale oo muhiim ah ayaa u yaalla. Haddii ay rabto in ay wax qabato, maxay uga tagaysaa arrimaha mudnaanta leh oo ay u galaysaa wax aan loo baahnayn, khalkhalna abuuri kara? Looma baahna taas."
Isla wareysigaas, Madaxweynaha ayaa yiri:
"In Eritrea la eedeeyo waxay keenaysaa dhibaato kale."
Wuxuu intaa ku daray:"Haddii xaaladdu gaarto heerka ugu xun, lama joojin karo. Waa in la joojiyaa hadda."
Wuxuu sidoo kale sheegay:
"Diblumaasiyaddu... ma aha in salaanta la is dhaafsado marka xaflad lagu kulmo, ama sawir la iska qaado. Ma aha in marka masiibo timaaddo la yiraahdo, 'diblumaasiyad looma baahna'. Taasi waa waqtiga dhabta ah ee diblumaasiyadda la adeegsado."
Isagoo ka hadlaya eedeynta ah in Eritrea ay isku diyaarinayso dagaal, wuxuu yiri:
"Waa dacaayad. Lama oggola in been la sheego ama dadka la marin-habaabiyo. Haddii dhibaato kale berrito timaaddo, ma habboona in la buunbuuniyo. Waa in la joojiyaa inta aysan dhicin."
Madaxweynaha wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Imaaraadka Carabta arrimahan, isagoo yiri:
"Waxaan maalin kasta aragnaa qalab ciidan oo laga keenayo Imaaraadka oo loo gudbinayo Itoobiya."
Wuxuu intaas ku daray:
"Tani ma aha ajandaha barwaaqo ee xeebaha lagu sheegay. Waa in ay qabtaan shaqadooda."
Madaxweynaha wuxuu sidoo kale eedeyn dusha uga tuuray Israa'iil, Faransiiska, iyo Mareykanka, isagoo ku eedeeyay inay gobolka xasillooni-darro ka abuurayaan.
Inkasta oo uu sheegay wareysigiisii hore in uu doonayo inuu xoojiyo xiriirka dalkiisa iyo Mareykanka, hadda wuxuu ku daray gobolka dalalka ay danaha gaarka ahi ka leeyihiin.
Wareysi la baahiyay habeenkii Sabtida, Madaxweyne Isaias wuxuu si gaar ah uga hadlay xiriirka labada dal ee Eritrea iyo Mareykanka, isagoo sheegay in Eritrea ay go'aansatay in ay "ilowdo oo cafiso" cadaadiskii iyo caddaalad-darradii ay kala kulantay Mareykanka 50 sano ee la soo dhaafay, tan iyo markii ay xornimada qaadatay.
Wuxuu sheegay in uu doonayay inuu dib u soo celiyo xiriirka dalkiisa iyo maamulka Trump, balse xiriirkaas uu carqaladeeyay maamulkii Biden.
Madaxweynaha ayaa sheegay in khilaafka gobolka ay sii hurinayaan quwadaha shisheeye oo leh dano muddo fog ah, maadaama uu gobolka, gaar ahaan Sudan oo ku jirta dagaal sokeeye, leedahay muhiimad istaraatiji ah.
Hoggaamiyaha Eritrea ayaa yiri: "Isu-tagga Imaaraadka Carabta waxay hormuud u yihiin ajande ballaaran oo jahawareer leh oo lagu doonayo in lagu xakameeyo dekedaha laga bilaabo Suweys ilaa Gacanka Cadmeed, illaa laga gaarayo Tansaaniya."
Isaias wuxuu sheegay in ajandahan uu ka hor imanayo qorshihii aasaasihii iyo hogaamiyihii weynaa ee Imaaraadka, balse wuxuu intaas ku daray in aan lagu eedayn karin oo kaliya hoggaamiyaha hadda jira ee Imaaraadka, maadaama ay jiraan xoogag kale oo ka dambeeya qorshahan oo dhan.
Xiriirka u dhexeeya Eritrea iyo Itoobiya, oo horay u wanaagsanaa kadib markii Itoobiya ay shaacisay rabitaankeeda ah in ay hesho deked badeed, hadda wuxuu marayaa meel cakiran.
Xiisadaha socda iyo hadal haynta adag ee labada dhinac ayaa keenay walaac laga qabo in arrintu ay isku beddesho dagaal. Warbixinno qaar ayaa sheegaya in ay jiraan diyaar-garroowyo milatari oo labada dhinac ah.













