50 qof oo la socday diyaarad lagu waayay Ruushka oo lga cabsi qabo in ay dhammaantood dhinteen

Diyaarad rakaab ah oo ay leedahay Antonov An-24 oo sidday ku dhawaad 50 qof ayaa ku burburtay bariga fog ee Ruushka maalintii Khamiista, ayaa laga cabsi qabaa in dhammaantood ay dhinteen, sida ay sheegeen saraakiisha adeegga degdegga ah ee Ruushka.Guddoomiyaha gobolka ayaa sheega in ay socdaan baadhitaanno.
Waaxda u qaabilsan degdegga ah ee maxalliga ah ayaa sheegtay in diyaaradda oo ay maamulaysay shirkad diyaaradeed oo fadhigeedu yahay Siberiya oo lagu magacaabo Angara, ay ka baxday shaashadaha Raadaarka xilli ay ku sii jeedday goobtii ay ku socotay ee Tynda, oo ah magaalo ku taalla gobolka Amur oo xuduud la leh Shiinaha.







