'Waxa ay ahaayeen caruur': Hooyo ka baroor diiqaysa wiilasheedii lagu dilay duqaynta Israa'iil iyaga oo sugaya gargaar

Wiilkii ugu yaraa Iman al-Nuru, oo ahaa laba jir Siraji ayaa kusoo toosay gaajo maalinkii Khamiista, waxuuna codsaday in la siiyo xoogaa nafaqo ah.
Siraj ina abtidiis oo 14 jir ahayd, Sama, ayaa oggolaatay inay u kaxeeyso isaga iyo laba ka mid ah walaalihiis ka weyn - Cumar iyo Amir - rugta caafimaadka Altayara ee Deir al-Balah ee bartamaha Qaza.
"Goobta [caafimaadka] weli waa ay xiran tahay, marka waxay fadhiyeen laamiga, si lama filaan ah ayaan u maqalnay dhawaaqa duqaynta," Iman ayaa u sheegtay wariye maxalli ah oo u shaqeeya BBC-da.
"Waxaan u tegey [saygayga] oo waxaan ku iri: 'Carruurtaada, Xaatim! Waxa ay aadeen xarunta."

Xigashada Sawirka, Family handout
Digniin: Qaybtani waxa ay ka kooban tahay sharraxaad murugo leh oo ku saabsan dhimashada iyo rabshadaha
Iimaan oo 32 jir ah ayaa markii ay maqashay duqaynta ku soo degdegtay goobta, balse waxay aragtay wiilasheeda iyo gabar ay ilmo abti yihiin oo dul jiifa gaari dameer loo adeegsado in lagu qaado dhaawacyada cisbitaalka, maadaama aysan jirin wax gaadiidka gurmadka degdega ah.
Dadka dhintay waxaa ka mid ah Amir iyo Sama, halka Cumar iyo Siraaj ay dhaawacyo halis ah soo gaareen.
"Cumar ayaa weli neeftu ku jirtay, waxay isku dayeen inuu soo kabto," Iimaan ayaa ka sheekaynaysa. "Cumar waxa uu u baahday dhiig, waxayna ku qaadatay hal saac si ay ugu helaan, wayna siiyeen, laakiin waxa ay ahayd wax aan waxba tarayn."
"Waa maxay sababta ay u baxeen? Sabab?, maxay sameeyeen oo khalad ah?" ayay is waydiisay.
"Waxay lahaayeen riyooyin ay ku riyoodeen sida carruurta kale ee adduunka, haddii aad siiso wax yar oo ay ku ciyaaraan, aad bay u faraxsanaan lahaayeen, waxa ay ahaayeen caruur."

Xigashada Sawirka, Family handout
Iiman waxa ay sheegtay Siraj madaxiisu uu dhiig baxay oo uu il beelay – muuqaal aysan hadda ka saari karin madaxeeda.
"Waxa uu ka jabay qalfoofta madaxa ... sida uu dhakhtarku sheegay, ma aha oo kaliya dhiigbax, laakiin waxa uu ahaa [dhiigbax weyn] oo ku dhacay maskaxdiisa," ayay raacisay. "Illaa goorma ayuu sidan kusii joogi karaa, isaga oo ku nool ogsijiin? Laba ayaa hore u dhintay. Haddii kaliya uu iga caawin lahaa inuu waxyar ila sii joogo oo aan wakhti yar sii haysan lahaa."
Nasiib darro, dhakhaatiirtu waxa ay sheegeen inaysan awoodin inay daweeyaan Siraj.
"Laga soo bilaabo shalay 07:00 ilaa hadda, isla xaaladdii ayuu ku sugan yahay, weli wuu neefsanayaa, xabadka ayaa kor u qaadmaya oo hoos u soo dhacaya, weli neef ayaa ku jirta, isaga badbaadi!" Ayay ka codsatay.

Xigashada Sawirka, Family handout
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Afhayeen u hadlay kooxda gargaarka ee Project Hope ee fadhigeedu yahay Maraykanka, oo maamusha rugta caafimaadka ee Altayara, ayaa BBC u sheegay in duqaymaha ay dhaceen 07:15.
Haweenka iyo carruurta ayaa ku sugayay banaanka xarunta ka hor inta aysan furmin 09:00, si ay ugu kala horreeyaan nafaqeynta iyo adeegyada kale ee caafimaadka, ayuu yiri Dr Mithqal Abutaha.
Muuqaalka Kaamirada CCTV ee duqeynta Israa'iill ayaa muujinaysa labo nin oo lugeynaya meel waddo ah, oo wax yar oo mitiro ah u jira koox haween iyo carruur ah. Daqiiqado ka dib ayaa waxaa goobta ka dhacay qarax, waxaana hawada galay boor iyo qiiq.
Muuqaal naxdin leh oo muujinaya wixii ka dhashay weerarka ayaa lagu arkayay dad badan oo dhintay iyo kuwo dhaawacoodu culus yahay oo isugu jira carruur iyo dad waaweyn oo dhulka daadsan.
"Fadlan gabadheyda u keen ambalaas," haweeneey ayaa ku dhawaaqaysa iyada oo haysa gabar yar. Laakiin qaar badan ayaa caawintu ka daahday."
Dr Abutaha ayaa sheegay in 16 qof ay ku dhinteen oo ay ku jiraan 10 carruur ah iyo saddex dumar ah.
Milateriga Israa'iil ayaa sheegay in ay bartilmaameedsadeen "argagixisada Xamaas" ayna ka xun yihiin dhibaato kasta oo loo geysto waxa ay ugu yeereen "Shakhsiyaad aan lug ku lahayn", iyaga oo intaa ku daray in dhacdadan dib loo eegayo.
Project Hope waxa ay sheegtay in shaqo joojintu ay tahay "xadgudub qaawan oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee bini'aadantinimada, iyo xasuusin cad oo ah in qof iyo meelna aanu ammaan ku ahayn Qaza".
Dr Abutaha ayaa sheegay in ay ahayd "wax aan loo dulqaadan karin" markii uu ogaaday in dadka lagu dilay halkaasi ay raadinayeen xuquuqdooda aasaasiga ah ee gargaarka iyo bini'aadantinimada".
Waxa uu su'aal galiyay hadalka ka soo yeeray milatariga Israa'iil ee ku saabsan duqaynta, oo ay ku jirto muujinta sida ay uga xun yihiin, waxaana uu sheegay in "aysan taasi soo celin karin nolosha dadka dhintay".
Waxa kale oo uu sheegay in xaruntan caafimaad ay tahay mid ay Qaramada Midoobay aqoonsan tahay, isla markaana aanay ahayn in meel u dhow wax tallaabo ah milatari laga qaadin.

Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images
Iimaan waxay sheegtay in carruurteedu ay aadi jireen rugta caafimaadka labadii ama saddexdii maalmoodba mar si ay u helaan nafaqo dheeri ah, sababtoo ah iyada iyo Xaatim ma awoodaan inay siiyaan cunto ku filan.
"Aabahood waxa uu naftiisa khatar u galiyaa si uu daqiiq ugu keeno. Marka uu tago Netzarim [dariiqa militariga ee waqooyiga Deir al-Balah], wadnaheygu wuu garaacmaa. Waxa uu aadaa halkaas si uu ugu keeno cunto ama bur."
"Ma qof wax haystaa jira? Cunto ma jirto. Maxaa kale oo ilmaha ka qaylisiin kara hadduusan waxba rabin?"
Israa'iil ayaa xayiraad guud ku soo rogtay gargaarkii la geyn lahaa Qaza bilowgii bishii Maarso, waxayna dib u billowday duullaanka milateri ee ka dhanka ah Xamaas laba toddobaad kaddib, iyada oo burburisay xabbad joojin laba bilood ah. Waxay sheegtay inay doonayso inay cadaadis ku saarto kooxda hubaysan ee Falastiin si ay u sii daayaan la haystayaasha Israa'iil.
In kasta oo xannibaadda qayb la dabciyay dabayaaqadii bishii May, iyada oo ay jirto digniino ku saabsan macaluul soo fool leh oo ka imanaysa khubarada caalamiga ah, haddana waxaa jirta cunto yari daran, iyo sidoo kale dawooyin iyo shidaal yari.
Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga falastiiniyiinta (Unrwa) ayaa sheegtay in ay jiraan kumanaan carruur ah oo ay nafaqo-xumo ku hayso guud ahaan deegaanka, iyada oo maalin kasta kiisas badan la arko.
Dr Abutaha ayaa sheegay in Project Hope ay sidoo kale ogaadeen kor u kac murogo leh oo aadan xaaladaha nafaqo-xumada ee dadka waaweyn, kuwaasi oo aysan horay uga arkin Qaza.
Marka laga soo tago oggolaanshaha qaar ka mid ah gawaarida xamuulka ah ee gargaarka Qaramada Midoobay, Israa'iil iyo Maraykanku waxay gacan ka geysteen samaynta nidaam cusub oo qaybinta gargaarka oo ay maamusho Hay'adda Bani'aadamnimada ee Qaza ee magacooda loo soo gaabiyo (GHF), iyagoo sheegay inay rabaan inay ka ilaali Xamaas inay xado gargaarka. Laakiin tan iyo markaas, waxaa jiray ku dhawaad si maalinle ah warbixino sheegaya in dad ay ku dhinteen rasaasta Israa'iil xilli wax ay cunaan ay raadinayeen.
Xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii sheegay in ilaa hadda la diiwaan geliyay 798 dil oo noocan oo kale ah, oo ay ku jiraan 615 ka dhacay agagaarka goobaha xarunta GHF, kuwaas oo ay maamulaan qandaraaslayaal ammaan oo gaar ah oo Maraykan ah, waxayna ku yaalaan gudaha aagagga militariga ee koonfurta iyo bartamaha Qaza. 183-ka dil ee kale waxaa laga diiwaan geliyay meel u dhow QM iyo kolonyada kale gargaarka.
Milateriga Israa'iil ayaa sheegay in ay garwaaqsadeen in ay dhaceen shilal ay dad rayid ah dhibaato ka soo gaaray, waxayna sheegeen in ay ka shaqaynayaan sidii ay u yareyn lahaayeen "isku dhacyada suurtagalka ah ee u dhexeeya dadka iyo ciidamada [Israa'iil] intii suurtagal ah".
GHF waxay ku eedaysay Qaramada Midoobay inay adeegsatay tirokoob "been iyo marin habaabin" ah oo ka soo baxay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ee Qaza.

Xigashada Sawirka, family handout
Dr Abutaha ayaa ugu baaqay Israa'iil inay ogolaato cunto, dawo iyo shidaal ku filan si ay u daboolaan baahiyaha aasaasiga ah ee qof kasta oo Qaza ku nool, si "qof walba uu u helo nolol sharaf leh".
Waxa uu sidoo kale walaac ka muujiyay in dadka la siiyo "rajo been ah" oo ah in Israa'iil iyo Xamaas ay dhawaan isku waafaqayaan heshiis xabbad-joojin ah.
Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa Khamiistii sheegay in heshiis xabbad joojin ah oo 60 maalmood ah iyo sii deynta 28 la haystayaal ay maalmo uun ka harsan yihiin.
Laakiin saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa habeenkii jimcaha sheegay in wadahadalada dadban ee Qadar ay qarka u saaran yihiin inay burburaan sababna ay u tahay daldaloolo muhiim ah oo weli ka haray arrimaha ay ka mid yihiin ka bixitaanka ciidamada Israa'iil iyo diidmada Xamaas ee qorshaha Isra'iil ee ah in dhammaan shacabka Gaza loo raro xero ku taal Rafah.
"Maalin walba waxay ka hadlaan xabbad joojin, laakiin halkee aaway?" Iimaan ayaa tiri.
"Waxay nagu dileen gaajo, iyaga oo na rasaasaynaya, hub nagu garaacaya, xagga cirka naga duqeynaya, waynu ka dhimanay dhinac kasta oo suurtagal ah.
"In aad Alle u tagtid ayaa ka wanaagsan in aad la joogtid mid ka mid ah iyaga, Illahay samir ha iga siiyo.













