Illinta Geela oo la ogaadey in ay daawo u tahay sunta qaniinyada masaska

Xigashada Sawirka, Video Screan shot
Sida lagu ogaadey cilmi baaris ay sameeyeen saynisyahanno fadhigoodu yahay Dubai, illinta geela ayaa waxay daawo u tahay waabaayada maska oo sannad walba galaafata kumannaan qof oo dunida dacalladeeda ku kala nool.
Daahfurkan oo uu soo xigtey webka India Online, ayaa waxaa lagu ogaadey in dhibic qura oo illinta geela ah ay daaweyn karto sunta 26 Mas ah oo dilaa ah, taas oo haddii lagu guuleysto naruuro u noqon karta dhibbanayaasha qaniinyada maska oo illaa hadda aan daawo ku filan looo helin.
Illinta geela oo ay ku jiraan maadooyin borotiin ah oo kala duwan, sida lysozyme, ayaa cilmibaaristani yididiilo cusub ku abuureysaa saynisyahannada dunida, gaar ahaan shirkadaha daawada sameeya oo muddo dheer dadaal ugu jirey sidii loo heli lahaa daawo rasmi ah oo lagula tacaalo dhammaan sunta masaska dilaaga ah, gaar ahaan dunida soo koreysa oo ah halka ugu badan ee loogu dhinto qaniinyada maska.
Warbixinta laga soo saaray baaritaanka lagu sameeyey faa'idooyinka ku jira illinta geela oo aan weli si kama dambeys ah loo daabacin, ayaa haddii la xaqiijiyo bog cusub u fureysa nolosha dadka reer miyiga ah ee aalaaba halaqa la deriska ah.
Waxay sidoo kale il dhaqaale u noqon kartaa bulshada geela dhaqata oo Soomaalidu ugu horreyso, maadaama illinta geeloodu lacag u goyneyso.

Geela oo ah xayawaan faa'idooyin badan leh, ayaa indhaweydba isha si gaar ah loogu hayey, ka dib markii la ogaadey in uu waxsoosaarkiisu caafimaadka u roon yahay. Waxaana maalinba maalinta ka dambeysa soo baxaya faa'idooyin hor leh oo geela ku duugan. Marka laga yimaado caanaha iyo hilibka geela oo ah nacfiga ugu badan ee lagu qabo, waxaa sidoo kale la ogaadey in duxdiisa laga dhiraandhirin karo walxo la isku qurxiyo iyo kuwa la dagaallama gabowga.
Marka laga yimaado maadookinka sunta barxa, illinta geela waxaa la sheegayaa in ay ku jiraan waxyaabo badan oo ka caawiya in uu la qabsado cimilada qallafsan ee uu ku nool yahay, sida:Bortiino hodan ah: Illinta geela waxay hodan ku tahay nuucyo kala duwan oo Borotiinno ah, ku waas oo ka hortaga jeermisyo kale oo ka dillaaca saxaraha, gaar ahaan kuwa ku dhaca indhaha.
Illintu waxay sidoo kale geela ilaalisaa buska iyo firada ka soo duusha dhulka, taas oo xambaarsan cudurro halis ah.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Lysozyme: Waa dheecaan kale oo muhiim ah oo laga helo illinta geela, kaas oo burburiya darbiyada jeermisyada ilma-aragtada ah, una shaqeeya sida jeermis-dile dabiici ah oo lid ku ah bakteriyada, fungiga, iyo fayrusyada indha ku dhaca qaarkood.
Sida uu sheegayo Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO, dad gaaraya shan milyan iyo bar oo dunida daafaheeda ku kala nool ayaa sannad walba mas qaniinaa, ku waas oo 81,00 illaa 138,00 oo ka mid ah ay u geeriyoodaan suntan ka dhalata qaniinyada masaska.
Si kastaba ha ahaatee, cilmibaaristan oo lagu sameeyey Shaybaarka Guud ee Cilmibaarista Xoolaha ee Dubai ee loo yaqaan (Central Veterinary Research Laboratory in Dubai), waxay daboolka ka rogeysaa faa'idooyin aan la soo koobi karin oo ku jira illinta geela. Waxaas eloo baahan yahay in si qoto dheer loogu talax tago sida ugu habboon ee illinta geelu u daaweyn karto waabayda maska, nuuca masaska ay suntooda daaweyso, sida loo qaadanayo iyo qiyaasta loo baahan yahay in la qaato.













