Maxay tahay sababta fallaagada PKK ay hubkoodi u gubeen?

Turkey

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, PKK oo gubaya hubkooda

Ka dib 40 sano oo halgan hubeysan ay kula jireen dowladda Turkiga, kooxda la maanacay ee Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan (PKK) ayaa qabtay munaasibad taariikhi ah oo dhabbaha u xaareysa in ay hubka dhigaan.

Soddomeeyo dagaalyahan oo isugu jira rag iyo dumar ayaa hubkoodi tanag ku ridey, tillaabo billow u ah hubka dhigista kooxda, kaas oo socon doona illaa xagaaga.

Dowladda Turkiga ayaa tillaabadan ku tilmaantay mid taariikhi ah oo looga gudbayo "marxalad xasaasi ah" oo lagu hiigsanayo Turki argagixiso ka madaxbannaan.

Dad gaaraya 40,000 oo qof ayaa ku geeriyoodey colaaddan jiitantay, tan iyo markii ururka PKK oo argagixiso uga diiwaangashan dalalka Turkiga, Mareykanka, Midowga Yurub iyo UK uu bilaabay in ay gooni u istaagaan. Waxaana hubka dhigisteeda laga dareremi doonaa meelo ka baxsan Turkiga, gaar ahaan Ciraaq, Suuriya iyo Iran.

Sidee ku billaabatay Hubka-dhigistu?

Kolonyo gaadiid ah oo sida wariyeyaal iyo siyaasiyiin, ayna ku jiraan xubno ka tirsan Xisbiga mucaaradka ah ee dhanka Kurdiyiinta u janjeera ee DEM Party, ayaa loo qaaday goob dalxiis oo caan ah si ay marqaati uga noqdaan munaasibadda ka dhaceysa halka lagu magacaabo Jasana Cave oo 50-km waqooyi-galbeed ka xigta magaalada Suleymaniyah ee gobolka Kurdistanta Ciraaq.

Dagaalyahannada PKK oo ay ku jiraan 4 sarkaal oo sarsare ayaa, ayaa saf u galay si ay u hubkooda ugu ridaan tanag, halkaas oo dab la qabadsiiyey qoryihii ay siteen.

"Waxaan hortiinna si iskeen ah ugu burburineynaa hubkeenni, taas oo ah mid niyad-wanaag ku dhisan oo aan u qaadnay dhanka nabadda," ayaa lagu yiri war ka soo baxay kooxda PKK, oo tillaabadan ku tilmaamay mid taariikhi iyo dimuqraadi ah.

Horraantii todobaadkan, hoggaamiyaha muddada dheer xirnaa ee ururka PPKK Cabdalla Ojalan ayaa sheegay in la gaarey xilli kala guur ah oo halgankii hubeysnaa lagu beddeley mid ku dhisan siyaasad iyo sharci.

Ojalan ayaa ku jirey xabsi go'doon ah oo ku yaal jasiiradda Imrali oo dhacda koonfurta-galbeed ee magaalada Istanbul tan iyo 1999-kii, xilligaas oo laga qabtay magaalada Nairobi.

Muxuu salka ku hayaa dagaalka ay ku jiraan PKK?

PKK

Xigashada Sawirka, DELIL SOULEIMAN/AFP

Qoraalka sawirka, Taageere Ojalan
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Tani maaha markii ugu horreysey ee la isku dayo in heshiis nabadeed ay gaaraan dowladda Turkiga iyo kooxda PKK, laakiin waa rajadii ugu fiicnayd ee lagu soo afjari karo dagaalka daba-dheeraaday ee dalkaas ka holcayey laga soo billaabo1984.

Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan oo markiisi hore ay aasaaseen koox aaminsan mabda'a Marxistaha, wuxuu hubka u qaatay siu u ugu halgamo ismaamul buuxa oo ay helaan bulshada Kurdiyiinta ah ee ku nool Turkiga, ku waas oo ka dhigan 20% dadweynaha dalkaas. Wuxuuse markii dambe isku rogey gooni-u-goosad doonaya in ay ka madxbannaadaan Turkiga.

Ojalan ayaa sannadkii 2013 wuxuu xabsiga dhexdiisa uga dhawaaqay xabad-joojin iyo in uu ciidankiisa kala baxo gudaha Turkiga. Heshiis labada dhinac dhex maray 2015 ayaa Kurdiyiinta siinayey xaquuqo dimuqraadiyadeed, sida in ay afkooda ku qaataan waxbarashada iyo adeegyada kala ee ka socda gobolkooda.

Laakiin heshiiskaasi wuxuu burburay ka dib isku-dhacyo rabshada watay oo ku dhuftay magaalooyinka Kurdiyiintu degaan, sida Diyarbakir.

Intaas ka dibna ciidamada Turkiga ayaa beegsaday fariisimo PKK ku lahayd buuraleyda waqooyiga Ciraaq. Wuxuu Turkigu sidoo kale guluf dagaal kuu qaaday gudaha Suuriya.

Dowladda Ankara ayaa wacad ku martay in aysan dib dambe ula hadli doonin fallaagada PKK, inta ay hubka ka dhigeyso, taasoo hadda billaabatay.

Maxaa kallifay in PPK hubka dhigto?

PKK

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dagaalyahannada PKK oo rigo ku jira

Bishii Oktoobar ee 2024, hoggaamiye muhiim ah oo Erdogan xulufo la ah lana yiraahdo Dowlad Bahjeli ayaa billaabay dadaal uu ugu kala dabqaadayo dowladda iyo PKK, kaas oo lagu doonayey in lagu soo afjaro dagaalka dhiigga badan ku daatay ee Turkiga. Ninkan oo guddomiya xisbiga xagjir ah oo laf dhabar u ahaa cadaadiska lagu dhaqan doorinayey bulshada Kurdiyiinta ayaa wuxuu xabsiga ku booqday hoggaamiye Ojalan, isagoo kun qanciyey in la kala diro PKK.

Cabdalla Ojalan ayaa u guuxay soo jeedinta Bahjeli, wixii intaas ka dambeeyeyna waxaa billowday geeddi-socod nabadeed oo horseeday in PPK ku dhawaaqaan xabad-joojin, islamarkaana ku ogolaadeen dalabka dowladda ee ah in ay hubka iska dhigaan.

Madaxweyne Erdogan ayaa dhankiisa soo dhaweeyey go'aanka ururka PKK oo uu sheegay in ay "fursad qaali ah u tahay burburinta darbiga argagixisada. Wuxuuna intaas ka dib wadaxaajood toos ah la furay siyaasiyiinta Kurdiyiinta ah ee mucaaradka iyo fallaagada PKK.

Saameyn intee le'eg ayuu leeyahay Cabdalla Ojalan?

PKK

Xigashada Sawirka, ANF

Qoraalka sawirka, Ojalan oo TV ka soo muuqday

Maadaama uu yahay hoggaamiyihii aasaasay PKK, Ojalan waa shakhsi aad looga haybeysto ururka dhexdiisa. Sidoo kale waxaa uurka ka jecel in badan oo ka tirsan dadweynaha Turkiga, gaar ahaan dadka ka soo jeeda qowmiyadda Kurdiyiinta oo aaminsan in uu dartood xabsi ugu jiro 26 sano.

Labo maalmood ka hor intii aysan hubka dhigin PKK, Ojalan wuxuu markii ugu hooreysey tan iyo markii la xukumay 20 sano ka hor ka soo muuqday telefishinka.