Kooxda PKK oo ku dhawaaqay xabbad-joojin ay la gaareen dowladda Turkiga

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ururka Shaqaalaha Kurdistan ee magaciisa loo soo gaabiyo PKK ayaa ku dhawaaqay xabad joojin ay la galeen Turkiga, ka dib markii hoggaamiyahooda xiran Cabdalla Ojalan uu ugu baaqay kooxda in ay hubka dhigaan islamarkaana dagaalyahannadooda la kala diro.
Kooxda PPK ayaa war ay soo saareen Sabtidii waxay ku sheegeen in ay dowladda rajeynayaan in dowladda Turkigu ay xabsiga ka sii deyso Ojalan oo tan iyo sannadkii 1999 xabsi adag ku jirey, si uu u hoggaamiyo hawlaha hubka dhigista.
Baaqa ka soo baxay hoggaamiyaha kooxda u dagaallanta madaxbannaanida Kurdiyiinya ayaa imaanaya dhowr bilood ka dib markii uu la kulmay guddoomiyaha xisnbiga Wadaniga xagjirka ee MHP Dawlad Bahjeli, kaas oo u soo jeediyey in colaadda daba-dheeraatay la soo afjaro.
Xisbiga MHP ayaa ka mid ah caqabadihii ku gudbaa in wadahadal la yeesho kooxda gooni u goosatada ee PKK oo dalkaas argagixiso looga aqoonsan yahay, balse markii ay ku biireen xulufada madaxweyne Erdogan ayuu billabay hindise lagula xaajoonayo Kurdiyiinta hubeysan.
Cabdalla Ojalan oo Kurdiyiin dhexdooda aad looga tixgeliyo, ayaa todobaadkan xabsiga uu ku xiran yahay oo ku yaal jasiiradda Imrali ee badda Marmara wuxuu ku qaabilay wafti xildhibaanno ah oo ka socdey xisbi qadiyadda Kurdiyiinta u janjeera.
"Si dhabbaha loogu xaaro hirgelinta baaqa hoggaamiyaha weyn ee ku aadden nabad iyo dimuqraadiyad, waxaan ku dhawaaqeynaa xabad-joojin dhaqangaleysa maanta", ayaa lagu yiri dhambaal ka soo baxay Guddiga Fulinta PKK oo intaas ku daray in ciidamadoodu aysan wax tillaabo ah qaadeyn illaa la soo weeraro.
Kooxda PPK ayaa 1984-tii billowday dagaal ay ku dooneyso in dadka Kurdiyiinta ah ee ku nool Turkiga oo ka dhigan 20% dadweynaha dalkaas ay ku heli lahaayeen dhul madaxbannaan. Waxaana dagaalka ay kula jiraan dowladda Turkigu uu salfaday dad lagu qiyaasay 40 kun oo ruux.
Warqad uu soo qoray Ojalan oo ay akhriyeen xildhibaannada Axmed Turk iyo Pervin Buldan, ayuu xubnaha ururka PKK ugu baaqay in ay hubka dhigaan, islamarkaana la kala diro ururka PPK, taas oo u uku sababeeyey in dowladda Turkigu dib u furtay albaabadii dimuqraadiyadda ee horay loo xiray, taas oo ahayd sababtii ay hubka u qaateen.
Laakiin tillabadan ayaa loo aaneynaa dabacsanaanta siyaasadeed ee uu muujiyey xisbiga xagjirka ah ee bahjeli hoggaamiyo oo in badan ku taamayey in Kurdiyiinta la Turkiyeeyo, taas oo micnaheedu yahay in la laalo afka iyo dhaqanka Kurdiyiinta.
Hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ayaa badankood soo dhaweeyey hindisaha nabadda, waxaana magaalooyinka ku yaal koofurta bari ee Kurdiyiintu degaan lagu arkayey kumannaan dad ah shaashadaha hortooda tuban si ay u maqlaan baaqa nadeed ee ka soo baxay Cabdalla Ojalan.
Laakiin qaar badan oo ka tirsan qowmiyadaha Turkida iyo Kurdida ayaan illaa hadda wax badan ka ogeyn halka hindisahan cusubi u horseedi doono, maadaama ay jiraan tuhumo badan oo la kala qabo.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xisbiga shaqaalaha kurdiyiinta ee PKK waxa la aasaasay 1978-kii, waxa uuna kacdoonkiisa hubeysan uu ku bilaabay sidii loo sameyn lahaa dawlad ay gaar u leeyihiin kurdiyiintu sanad kii 1984-kii, laakiin Ojolaan ayaa mar dambe ka haray fikraddiisii raadinta madaxbannaanida, waxana taa badalkeeda uu ku baaqay in la helo mujtamac dimoqaraadi ah.
Sanadkii 1999-kii oo xukuumaddii Mandeella ee Koonfur Afrika u balan qaaday in ay siinayso magangalyo siyaasadeed ayaa Cabdalla Ojolaan waxa laga afduubay dalka Kenya isagoo ku sii jeeda Koonfur Afrika, waxana gacanta loo galiyay Turkiga, halkaas oo dacwad lagu soo oogay laguna xukumay xabsi madaxaa ha ku furto ah.
Inta badan muddadaa lix iyo labaatanka sano ahayd, waxa uu ahaa maxbuuska kaliya ah ee lagu hayo jasiiradda Imraali ee wadanka Turkiga.
Inkastoo uu maxbuus ahaa haddana kama harin in uu sii ahaado hoggaamiyaha xisbiga shaqaallaha kurdistaan iyo hoggaamiyaha ugu saameynta badan dhaqdhaqaaqa kurdida Turkiga.
Tallaabadan ugu dambeysay ee uu qaaday Cabdalla Ojolaan waxa il gaar ah ku eegaya wadamada Iiraan, Ciraaq iyo Suuriya.













