Maxay uga dhigantahay bariga dhexe baaqa hoggaamiyaha xiran ee Kurdiyiinta ee ah in ay hubka dhigaan kooxda PKK?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kaliya Cabdillaahi Ojalaan uguma yeerin xubnaha xisbigiisa in ay hubka dhigaan ee waxa kale oo uu ugu baaqay in si buuxda loo kala diro ururka oo la aasaasay 1978-kii.
Fariintan ayaa saameyn ku yeelanaysa kumannaan dagaalame oo kurdiyiin ah oo isaga raacsan kuwaas oo ku kala sugan wadamada Turkiga, Ciraaq, Iiraan iyo Suuriya.
Hoggaamiyaha kooxdan kurdiyiinta ee la mamnuucay waxa u uku booriyay saraakiisha ururka ee ku sugan buurraha qandiil ee gobolka Kurdistaan ee dalka Ciraaq in ay shir isugu yimaadaan oo ay eegaan baaqiisa hubka dhigista ah.
Maalmo kahor oo la filayay bayaankan ayaa hoggaamiyayaasha xisbiga PKK ee ku suga gobolka Kurdistaan ee dalka Ciraaq waxay BBC-da u sheegeen in ay taageerayaan baaqa Ojolaan, laakiin ay wataan shardi ah in xisbiga loo badalo mid siyaasi ah oo si xor ah uga dhex dhaqdhaqaa dalka Turkiga.
Illaa hadda lama garanayo tanaasulaadka ay Turkigu u sameeyeen Ojolaan si loogu qanciyo in uu ku baaqo in la kala diro ururka PKK.
Ojolaan waxa uu baaqiisa ku sheegay in Turkigu leeyahay awood oo ku daweeyo cadowtooyada mudda dheer lagu hayay kurdida wadanka iyadoo loo marayo hannaan dimoqaraadi siyaasi ah.
Sanado badan dadka kurdiyiinta ah waxay ugu yeeri jireen Cabdalla Ojolaan (Mandeelaha Kurdiyiinta).
Sida Mandela isagoo ku eedeysan (argagixisanimo) waxa uu xabsiga ku jiray 26 sano isagoo jeelka gudihiisa ka soo maamulayay hoggaanka ururka PKK.
Dad badan ayaa u arka Cabdalla Ojolaan hoggaamiye koox hubeysan oo dagaal kula jirta Turkiga, dagaalkaas oo galaaftay nolosha tobannaan kun oo qof.
Turkiga ayaa cadaadis ku saaray madaxweynaha kmg ah ee Suuriya Axmed Al-sharac in la ka dhantaallo mandiqada ururkan ku dhaqdhaqaaqo ee waqooyiga iyo waqooyiga bari ee Suuriya.
Turkiga ayaa u arka in qayb weyn oo ka tirsan ururka PKK ay ku dhex jiraan ururka kurdiyiinta Suuriya, waxana shaki ku jirin in wadahadl kasta oo nabadeed oo Turkiga ah uu saameynayo Suuriya, laakiin Ojolaan fariintiisa kuma jirin Suuriya.

Xigashada Sawirka, DEM PARTY
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dagaalamayaasha kale ee kurdiyiinta ee wadamada Suuriya iyo Iiraan ayaa waxa ka dambeysa falsafada Ojolaan ee ah in la helo mujtamac dimoqoraadi ah oo dumarka kaalin siman la leeyahay ragga.
Dhammaan xisbiyada kurdiyiinta ayaa leh nidaam wadaag ah oo qof rag ah iyo qof dumar ah ayaa wada hoggaaminaya.
Xisbiga shaqaallaha kurdiyiinta ee PKK waxa la aasaasay 1978-kii, waxa uuna kacdoonkiisa hubeysan uu ku bilaabay sidii loo sameyn lahaa dawlad ay gaar u leeyihiin kurdiyiintu sanad kii 1984-kii, laakiin Ojolaan ayaa mar dambe ka haray fikraddiisii raadinta madaxbannaanida, waxana taa badalkeeda uu ku baaqay in la helo mujtamac dimoqaraadi ah.
Sanadkii 1999-kii oo xukuumaddii Mandeella ee Koonfur Afrika u balan qaaday in ay siinayso magangalyo siyaasadeed ayaa Cabdalla Ojolaan waxa laga afduubay dalka Kenya isagoo ku sii jeeda Koonfur Afrika, waxana gacanta loo galiyay Turkiga, halkaas oo dacwad lagu soo oogay laguna xukumay xabsi madaxaa ha ku furto ah.
Inta badan muddadaa lix iyo labaatanka sano ahayd, waxa uu ahaa maxbuuska kaliya ah ee lagu hayo jasiiradda Imraali ee wadanka Turkiga.
Inkastoo uu maxbuus ahaa haddana kama harin in uu sii ahaado hoggaamiyaha xisbiga shaqaallaha kurdistaan iyo hoggaamiyaha ugu saameynta badan dhaqdhaqaaqa kurdida Turkiga.
Tallaabadan ugu dambeysay ee uu qaaday Cabdalla Ojolaan waxa il gaar ah ku eegaya wadamada Iiraan, Ciraaq iyo Suuriya.













